15/06/2021
Shaqo la'aanta wadankeena ka jirta iyo shaqaale la'aanta america ka jirta ππ»ββοΈ
Heerka shaqo la'aanta Mareykan hadda waa 5.8% laakiin bishii April ee sanadkii laso dhaafey waxa ey gartey 14.8% , wadankena data sax ah lagama haayo walow 2019 data la qiyaasey ey mareysey 11.39% maxey Noqon kartey 2020 oo covid lagu jirey wa suaal?
Laakin qeybta ugu yaabka badan sheekadan aya ah
Wali USA waxaa laga la'yahay shaqale dad ku filan, shirkadaha ayaa ku bixinaya lacago gunno ah oo gaaraya ilaa $6 kun si ey ula saxiixdsan $50 oo cash ah ayaad heli doonta kaliya inaad apply gareyso.
- Shirkada Mc Donald ayaa siinaysa $50 qofkii uso baxa interview ma ahn inaad shaqale aad noqotey kaliya waa uso gudbida Wareysig, sidoo kale Marki laga so tago mishaarka 6 bilood hadad shaqeysid Apple Brand New phone ayaad helaysa.
- shirkada gawaarida ee Carmax ayaa sidoo kale qaadneysey shaqaale cusub bishi january ee sanadkan, qofkii shaqale ahan loo qaata ayaa lahaa $5 kun, hadii uu yaqaan in ka bdn Laba luuqad wxy helayey $6.5 kun.
- Amazon ayaa rabta in ey shaqaaleysiiso tiro gaareys 75 kun oo qof "waxaad helaysa &1000 kun oo gunno ah, hadii aad tilaalka covid heysatidna $100 dollar oo dheeraad ah, 2020shirkada waxa ey shaqaaleysiisey 500 kun oo shaqaalo cusub.
Dhibaatada ugu weyn ee shirkadaha heysta ayaa ah in Dowlada wadankooda ey dadka lacag siin bilowdey inta lagu Jiro Covid si loo ilaaliyo caafimaad qabka shacabka, dad bdn ayaa ka fadhiistey shaqaayinkooda, Sidoo kale shirkadahaan in ey shaqaale cusub qaataan lacago faro badan oo gaareysa ilaa $12 kun.
Wadankeena shaqo la'aanta waxa u dheer in qabiil laguugu xiro Midkii hela shaqada uu apply gareeyey, mushaar yari oo intaad u qalantey in ka yar lagu siiyo adoo shaqo xoog leh lagugu qabanaayo, dadkii Jaamacadaha ka baxay dad badn oo kamid ah ey rabaan in ey kaliya rabaan in ey xafiis fadhiistaan.
Dowlada wadanka waajib ayaasaaran oo ah in ey Numbrka shaqo la'aanta ey aad u yareyso wado walbo ha isticmaashe, Waxaan rajeyneyna wadankeena bash bash iyo barwaqo gaaro.
W/Q: Muktar