28/01/2025
Maalinta Asturnaanta Xogta – Xogtaadu Waa Mas’uuliyaddaada!
Maanta waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay wacyigelinta muhiimadda asturnaanta xogta. Waa fursad ku habboon in qof walba uu dib uga fikiro sida uu xogtiisa u ilaalin karo si ka wanaagsan.
Xasuusnow si aad u ilaaliso xogtaada waxaad samayn kartaa qodobadan
🔒 Ilaali Sirtaada: Xusuusnow in xogtaadu tahay hanti qiimo leh. Ha la wadaagin xogtaada qof aadan hubin.
🔑 Samee Erayo Sir ah oo Adag: Ka fogow erayada sirta ah ee fudud sida taariikhda dhalashadaada. Samee erayo adag oo aan la saadaalin karin.
📱 Ka Digtoonow App-ka Aad Isticmaalayso: Hubi in aad isticmaasho barnaamijyo sugan oo sumcad leh, una oggolow oo kaliya marin u helka xogta lagama maarmaanka ah.
📧 Ka Digtoonow Emails-ka Been Abuurka Ah: Ha gujin xiriirro shaki leh ama ha furnin lifaaqyo laga yaabo inay khatar keenaan.
✅ Adeegso Two-Factor Authentication (2FA): Ku dar amniga labaad dhammaan akoonnada muhiimka ah.
Asturnaanta xogtu waa xuquuq, waxaana masuuliyad kaa saarantahay inaad si taxadar le u ilaaliso xogtaada iyo mid ganacsigadabo cida aad la waadagayso. Ilaalinta xogtaada waxay ka hortagtaa in lagu xadgudbo xogtaada shakhsiyeed.