27/03/2018
SIDEED U HORMARIN KARTAA GANACSIGAAGA?
Ganacsiga Soomaaliya wuxuu leeyahay fursado badan oo hormar leh, waase hadii lagu kabo aqoon. Qoraalkan waxaan ugu talo galnay in ganacsatadu ay ka faa’iidaystaan casharkan hadii ganacsigaaga uu mudo shaqaynayay ogow wali fursad baad u haysataa inaad wax ku hormariso.
Hadaba waxaan halkaan kusoo gudbinaynaa in uu qaato ganacsi kasta tobanka tallaabo ee soo socda waxeey kaa caawin doonaan inaad cilmiyayso ganacsigaaga.
TALLAABADA 1AAD: FIKRAD
Ganacsi kasta wuxuu ka bilawdaa aragti, ama fikrad meel kasta oo aad ka heshaba, ganacsigu wuxuu ka bilowdaa fikrad kugu dhalata .
TALLAABADA 2AAD: SAMEE CILMI BAARIS.
Hadii ay fikrad wanaagsan kugu soo dhacday waa inaad ku dheelli- tirtaa xaqiiqada. Fikradaada ganacsi waa inay xallinayso dhibaato jirta, ama ay daboolayso baahi jirta, ama ay keeneyso wax uu suuqu doonayo, si aad u ogaato baahidaas waxaad sameyn kartaa cilmi-baaris, sida kulan aad la yeelato dad kooban oo khubaro ah ama inaad suuqa ku tijaabiso si kooban.
Intaad daraasadda sameyneyso waa inaad isweydiiso su’aalahan: Baahi ma loo qabaa badeecaddan /adeeggan? Yaa u baahan? ma jiraan shirkado kale oo badeecaddan /adeeggan bixiya? Waa side heerka tartanka? Halkuu ganacsigan ka gali doonaa suuqa?
TALAABADA 3AAD: QORSHE SAMEYN
Waa inaad qorshe sameyso si aad ganacsiga uga dhigto mid run ah, qorshe qoran wuxuu khasab yahay marka aad maalgalin ka dooneyso dad ama banki wax maalgeliya .
Xitaa haddii aad filaneyn maalgelin dhaqaale , haddana qorshe ganacsi oo aad sameysato wuxuu kaa caawin doonaa inay kuu caddaadaan waxa aad rajeyneyso inaad ku guuleysato iyo sida aad u qorsheyneyso inaad hadafkaaga ku gaarto.
4) TALLAABDA 4AAD: QORSHAHA MAALIYADA GANACSIGAAGA.
Khasab ma ahan in ganacsiga aad billaabeyso uu u baahan yahay lacag badan, laakin waa muhiim maalgelin billow ah, intay doontaba ha la ekaatee.
Meelaha aad dhaqaalaha ka heli karto waxaa kamid ah: saamiley ama mid kamid ah bankiyada dalka ka jira.
TALLAABADA 5AAD: QAAB DHISMEEDKA GANACSIGA
Ganacsigaaga wuxuu noqon karaa mid aad kaligaa leedahay, mid ay dad tiro ah kula leeyihiin, ama shirkad saamileey ah, qaabka aad doorato wuxuu saameyn ku yeelan doonaa magaca, deymaha lagu leeyahay ganacsiga iyo qaabka aad canshuraha u bixiso.
Waxaa suurtogal ah inaad marka h**e doorato qaab-dhismeed, adigoo dib u qiimeynaya oo beddelaya qaab-dhismeedka marka uu ganacsigaaga kobco, isla markaana ay baahidu timaaddo.
TALLAABADA 6AAD: XULASHADA IYO DIINWAAN GELINTA MAGACA GANACSIGA
Magac-bixinta ganacsigaaga waxay kaalin muhiim ah ka ciyaari doontaa qeyb kasta oo kamid ah ganacsigaaga, adigoo arrintaas maanka ku haya, ka feker oo xulo magac ku habboon ganacsigaaga.
Soomaalidu arintaan tixgelin weyn ma siiso, waana wax caadi ah inaad aragto magacyo aan munaasab ku ahayn ganacsiyada loo bixiyay. Marka aad magaca xulato ku dadaal inaad diiwaangeliso, sidoo kale ku diiwaangeli magacaaga barta internet-ka.
TALLAABADA 7AAD: OGOLAANSHAHA IYO RUKHSADDA.
Waa inaad qaadato oggolaanshada iyo rukhsadaha ganacsiga aad ka shaqeyneyso, tasoo ku xiran hadba nooca ganacsi aad ka shaqeyneyso , waxaadna ogolaanshahaa iyo rukhsaddaas ka heli kartaa Rugaha ganacsiga iyo warshadaha, Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Dowladaha Hoose.
TALLAABADA 8AAD: XARUNTA GANACSIGA
Waa muhiim inaad go’aan ka gaarto xarunta ganacsi ee aad ku shaqeyn doonto, waa inaad ka fekertaa goobta , qalabka iyo guud ahaan qaabka shaqo, iyadoo arrimahasina ay ku xirnaan doonaan hadba ganacsiga aad ka shaqeyneyso.
TALAABADA 9AAD: QAAB XISAABEEDKA
Ganacsigu ma shaqeyn karo nidaam la’aan, mid ka mid ah nidaamyada ugu muhiimsan ee ganacsiga waa nidaamka xisaabta maaliyadeed ee shirkadaha. Nidaamka xisaabta wuxuu muhiim u yahay inaad sameyso oo aad maamusho miisaaniyaddaada , aad dajiso qiimayaal , aad ganacsi la sameyso shirkado kale ama aad caanshuur ku bixiso.
Khasab ma aha inaad isticmaasho nidaam xisaabeed oo ku shaqeeya kombuyuutar(Computer) ee waxaad adeegsan kartaa qaabka ugu habboon ee hadba la jaanqaadi kara awoodda shirkaddaada , waxaana ugu yar buug diiwaan ah , waxaana ku soo xiga barnaamijka Excel ama wixii la mid ah.
TALLAABADA 10AAD: SUUQ-GEYNTA GANACSIGAAGA
Marka ganacsigaaga uu shaqo billaabo waxad u baahan doontaa inaad caan bixiso
Waxaad u bahan tahay inaad ogaato waxa dadka ku dhiirrigelinaya inay badeecaddaada ama adeeggaaga ay iibsadaan, Waa inaad sameysaa xayeysiin adigoo ka fekera qaabka ugu habboon Ee aad dadka kugaari kartid. Marka aad xayeysiinta sameyneyso waa inaad ka fekertaa farriinta aad Dadweynaha gaarsiineyso iyo warbaahinta aad u mareysid
XIGASHO: Mohamed Sharif
Royal Designs: 'Rumeeyaha riyadaada'.