Somkaaro

Somkaaro πŸ“± Phones | Accessories | Gadgets
πŸ’° Alaab Raqiis ah πŸ›‘οΈ Damaanad leh 🚚 Free Delivery
πŸ‘‡ Maanta Dalbo
πŸ“ž 061 232 8422 | 061 2328450

πŸ“’ FURSAD SHAQO – SALES REPRESENTATIVE & CONTENT CREATOR⚠️ FADLAN AKHRI XOGTAN KA HOR INTAAD NALA SOO XIRIIRINπŸ“ Goobta sh...
04/09/2026

πŸ“’ FURSAD SHAQO – SALES REPRESENTATIVE & CONTENT CREATOR
⚠️ FADLAN AKHRI XOGTAN KA HOR INTAAD NALA SOO XIRIIRIN
πŸ“ Goobta shaqada: Muqdisho – Bakaaro
❗ Qof Muqdisho aan joogin fadlan ha is daalinin, maadaama shaqadan loogu baahan yahay qof hadda Muqdisho jooga.
________________________________________
⏰ WAKHTIGA SHAQADA
β€’ πŸ•• Shaqadu waxay bilaabanaysaa 6:00 AM
β€’ 🏒 Xarunta waxaa la joogayaa 7:30 AM – 5:30 PM
β€’ πŸŒ™ Shaqada waxay ku egtahay 9:00 PM
β€’ πŸ“… Waxaa la shaqeynayaa 6 maalmood usbuucii
β€’ πŸ•Œ Jimcaha oo keliya ayaa fasax ah.
________________________________________
πŸ’Ό SHAQADA SALES REPRESENTATIVE-KA
Waxaa laguu dhiibayaa WhatsApp iyo Call o Macmiil la so xariirayso.
Waxaa lagaa rabaa inaad:
β€’ πŸ“± Macaamiisha WhatsApp-ka kula xiriirto oo wax ka iibiso.
β€’ ☎️ Macaamiisha soo wacda si xirfad leh ula macaamisho.
β€’ 🏒 Macaamiisha xafiiska yimaada wax ka iibiso.
β€’ 🎯 Gaarto target-ka iibka laguu dejiyo.
β€’ 🀝 Ilaaliso nidaamka, sumcadda iyo magaca eGaarsii.
β€’ πŸ“Ή Ka qayb qaadato xayaysiinta shirkadda, oo ay ka mid tahay duubista videos xayaysiis ah.
________________________________________
πŸ’° COMMISSION & BONUS
Sales Representative-ku wuxuu qaadanayaa Commission.
πŸ‘‰ Commission waxaa loola jeedaa: shey kasta oo aad iibiso waxaad ku leedahay lacag/gunno gaar ah.
❌ Haddii aadan wax iibin, wax commission-ah ma helaysid.
Waxaa intaas dheer:
πŸ† Daily Bonus ayaad heli kartaa: Haddii aad maalinta gaarto target-ka laguu dejiyey.
🎯 Monthly Bonus ayaad heli kartaa: Haddii aad bisha gaarto target-ka iibka.
________________________________________
πŸ“ PROCESS-KA SHAQO DALBASHADA
1️⃣ WhatsApp-ka nagala soo xiriir
πŸ“± Soo dir CV cod ah (Voice CV).
Codkaaga waa inuu ka koobnaadaa:
β€’ πŸŽ“ Waxbarashadaada
β€’ πŸ’Ό Shaqooyinkii aad h**e u soo qabatay
β€’ πŸŽ‚ Da'daada
β€’ πŸ“ Degmada aad degan tahay
⚠️ Afartaas qodob waa muhiim, midna ha ka tagin.
Waxaad sidoo kale ku dari kartaa wax kasta oo aad u aragto inay kaa caawinayaan inaad shaqadan ku habboon tahay.
πŸ“Έ Kadib soo dir sawir buuxa oo cad β€” sawir aan dhammeystirnayn ama sawir qeyb ka mid ah jirka ah lama rabo.
________________________________________
2️⃣ XOGTAADA HADDII LAGU QANCO
πŸ‘₯ Group ayaa lagugu dari doonaa, kadibna Interview ayaa lagaa qaadi doonaa.
3️⃣ DAMIIN
πŸ” Haddii aad Interview-ga ka gudubto oo lagugu qanco, waxaa lagaa rabaa damiin adag.
4️⃣ TABABAR & TIJAABO
πŸ§ͺ Waxaad gali doontaa 2 usbuuc oo tababar iyo tijaabo ah.
Inta lagu jiro labadaas usbuuc waxaa lagu qiimeyn doonaa:
β€’ 🀝 Sida aad dadka ula dhaqanto
β€’ πŸ“‹ Sida aad nidaamka shirkadda u ilaaliso
β€’ πŸ’ͺ Sida aad shaqada ugu dadaasho
β€’ 🎯 Sida aad u gaarto natiijooyinka lagaa filayo
πŸ’΅ Labada usbuuc waxaa laguu siinayaa $30 oo kharashka Bajaj-ga ah.
________________________________________
πŸ† SHAQAALE RASMI AH
Haddii labadaas usbuuc lagugu qanco, waxaad noqonaysaa:
πŸŽ‰ Shaqaale rasmi ah oo ka tirsan eGaarsii.
πŸ“„ Kadib waxaa lakala saxiixanayaa heshiis shaqo.
πŸ“² Haddii aad shuruudahan ku qanacsan tahay:
WhatsApp-ka nagala soo xiriir oo soo dir Voice CV-gaaga.
eGaarsii β€” Join Us, Grow With Us πŸš€

03/09/2026

Faham intaas

03/09/2026

Qof Caqli Badan Miyaa Tahay mise Cabdi Cabdi

03/09/2026

β€œHaddii lacagtu dhib ahayn, iPhone 17 kee ayaad iibsan lahayd?”

03/09/2026

Iphone modelka ugu fiican sanadkee ayuu soo baxay ?

03/09/2026

β€œiPhone 17 ma mudan yahay lacagtiisa mise waa buunbuunin? πŸ€”πŸ‘‡β€

03/09/2026

β€œiPhone 17 haddii aad haysato, maxaad ugu horreyn ku tijaabin lahayd? πŸ‘€β€

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somkaaro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category