20/01/2026
Maxaan Ka Soo Faa’iiday Podcast-ka 3:04:06 Ee Abdijaliil Show (Ustaad Moalimuu)
____________________________________________
Podcast-ka Abdijaliil Show ee uu martida ku ahaa Ustaad Moalimuu waxa uu noqday dood aqooneed oo miisaan leh, taas oo si qoto dheer u taabanaysay suuqyada maaliyadeed, horumarka shaqsiga, iyo aragtida mustaqbalka. Waxa uu ahaa wareysi aan ku koobnayn xog guud, balse galay faham, waayo-aragnimo, iyo aragti dheer.
____________________________________________
Ustaadku hadalkiisa waxa uu ku bilaabay Forex, isaga oo sharaxaad ballaaran ka bixiyay sida uu suuqu u bilowday, marxaladihii uu soo maray, iyo qaabka uu maanta u shaqeeyo.
Waxa uu si cad u muujiyay in Forex uusan ahayn suuq yar oo shaqsiyaad keliya ku lug leeyihiin, balse ay si toos ah uga qeyb qaataan dowlado, bangiyo waaweyn, iyo shirkado caalami ah.
Waxa uu si qoto dheer u dul istaagay khaladaadka ay galaan dadka cusub, isaga oo carabka ku adkeeyay in khasaaraha badankiisu uusan ka imaanin suuqa laftiisa, balse uu ka yimaado cabsida, jahwareerka, iyo go’aan degdeg ah oo aan ku dhisneyn faham iyo nidaam.
____________________________________________
Intii uu ka hadlayay Forex, oo qaatay ku dhowaad hal saac iyo rubac, Ustaad Moalimuu waxa uu si faahfaahsan u sharaxay sida loo baaro loona hubiyo brokers-ka.
Waxa uu xusay in tani ay tahay tiirka ugu horreeya ee badbaadada qof kasta oo gelaya suuqa.
Waxa uu sidoo kale la wadaagay dhageystayaasha buugaagta uu qoray iyo waqtiyada dheer ee uu ku bixiyay barashada suuqyada, si uu u muujiyo in aqoonta dhabta ahi aysan ku imaan nasiib ama degdeg, balse ay u baahan tahay dadaal, sabir, iyo joogteyn.
____________________________________________
Kadib waxa uu u gudbay Stock Market, isaga oo sharaxay in uu yahay suuq ka horreeyay Forex, kana nidaamsan dhanka xakameynta iyo shuruucda. Waxa uu sameeyay isbarbardhig cad oo u dhexeeya Forex iyo Stock Market, isaga oo muujiyay sababta ay dad badan u arkaan Stock Market inuu ka khatar yar yahay, gaar ahaan marka la eego maalgashiga muddada dheer.
____________________________________________
Sharaxaaddan kadib ayuu si dabiici ah ugu gudbay Crypto. Waxa uu si qoto dheer uga hadlay sida ay u bilaabatay, falsafadda ka dambeysa, iyo sababta ay muhiim ugu tahay dhaqaalaha casriga ah.
Qeybta Crypto-ga, Ustaad Moalimuu waxa uu si gaar ah u faahfaahiyay mining-ka, isaga oo caddeeyay in mining-ku uusan ahayn qorshe mustaqbal fog la sugayo, balse uu yahay hawl h**ey u socota, isla markaana ay durba ku jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in mining-ku u baahan yahay faham, nidaam, iyo wada shaqeyn, halkii laga eegi lahaa sidii wax degdeg faa’iido looga filayo.
____________________________________________
Sidoo kale waxa uu si qoto dheer uga hadlay stablecoins, isaga oo muujiyay doorkooda xasilinta suuqa, ilaalinta hantida, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.
Ka dib qeybta Crypto-ga ayuu Ustaad Moalimuu si xikmad leh ugu xiray doodda skills-ka iyo waxbarashada jaamacadeed. Waxa uu si cad u sheegay in barashada skills-ku ay muhiim tahay, balse aysan marnaba beddel u ahayn aqoonta aasaasiga ah ee jaamacaddu bixiso.
Waxa uu dhiirrigeliyay dhalinyarada in jaamacad la dhigto ama la dhameeyo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in shahadada jaamacadeed ay tahay tiir muhiim ah oo qofka u fura fursado badan, kana caawiya fahamka nidaamka, edebta shaqada, iyo habka cilmiyeed ee fikirka.
Waxa uu sidoo kale xusay in qofka leh skills iyo aqoon jaamacadeed uu leeyahay miisaan ka duwan kan leh mid keliya.
____________________________________________
Labada mowduuc ee Stock Market, Crypto, iyo isku xirka waxbarashada iyo skills-ka waxa uu ku sharaxay ku dhowaad 58 daqiiqo, isaga oo si cad u muujiyay in horumarka dhabta ahi uusan ku imaan hal waddo oo keliya, balse uu ka dhasho isku darka aqoon, xirfad, iyo faham dheer.
Si kastaba ha ahaatee, qeybta ugu saameynta badnayd ee Podcast-ka waxa ay ahayd qeybta mindset-ka. Halkaas ayuu si qoto dheer u sharaxay sida maskaxda qofka u shaqeyso, sida fikirka uu u qaabeeyo go’aamada, iyo sababta guusha ama guuldarradu ay mararka qaar uga timaaddo edebta maskaxda, halkii ay ka ahaan lahayd aqoon keliya.
____________________________________________
Ugu dambeyn Ustaad Moalimuu waxa uu si gaar ah u sheegay in mustaqbalka dhow uu qorsheynayo inuu galo siyaasadda, isaga oo wata aragti hoggaamineed oo qoto dheer, kuna saleysan faham, aqoon, iyo waayo-aragnimo uu kasoo ururiyay ganacsiga, waxbarashada, iyo bulshada.
Podcast-kan oo socday 3 saac iyo 4 daqiiqo ayaa ahaa mid aqoon, aragti, iyo wacyigelin isku jirta, kana mid ah wareysiyada ugu qotada dheer ee laga daawado YouTube-ka Abdijaliil Show.
Aragtideyda waxa uu noqon doonaa Podcast-ka qof soomali ah laga duubay kan ugu daawashada mustaqbalka dhaw ka soo daawo YouTube-ka Abdijaliil Show
Abdijaliil Osman