Omar Mohamed

Omar Mohamed waxaa ka helaysaa alaab walba oo electronics ah. taas waxaa ii dheyr farsamada mobile 📱 nuuc walba

Alla ha u naxariistee guddomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin dhagajuun oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.Cabdixakii...
21/01/2021

Alla ha u naxariistee guddomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin dhagajuun oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin ayaa shalay ka yimid Turkiga oo looga soo daaweeyey dhaawac kasoo gaaray qarax miino oo lagula eegtay sanadkii h**e degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Meydka marxuunka ayaa la dhigay cusbitaalka Erdogan Ex-Digfeer, waxaana la filaa in maanta loo sameeyo aas oo ay ka qeybgalaan masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Waxaan idin xaqiijinayaa Wiilkii labada gool ka dhaliyay Puntland inuu kasoo jeedo magaalada Booosaaso. Wuxuuna rabay in...
27/12/2020

Waxaan idin xaqiijinayaa Wiilkii labada gool ka dhaliyay Puntland inuu kasoo jeedo magaalada Booosaaso. Wuxuuna rabay inuu Puntland matalo sanadkaan lakin waa loo diiday

Wuxuu hada dagan yahay Boosaaso. Magaciisa waa Maxamed Maxamud Sakhraawi, waa wiil laacib laacib dhaafay ah oo farta ka xiran.

Guusha Lugtiisa ayuu ku gaarsiiyay Galmudug oo jaanis u siisay inuu koobka ciyaaro. Marka la eego siduu u dabaaldagay waxaa muuqatay inuu aad u careesnaa

Galmudug caqli badnaa.
Puntland wiilkooda lagu reebay oo jaanis siin waayeen.

Idris Alteeso.

24/12/2020

Wariye Abdulkadir Farah Dulyar ayaa xalay ku hoyday Saldhigga Booliska magaalada Beledweyne, kaddib markii Ciidamada Booliska ay xireen.

C/qaadir Dulyar ayaa xalay lagala baxay hotel uu ka degenaa magaalada Beledweyne oo maalmahan howlo shaqo u joogay.

Xarigga Dulyar ayaa ka dambeeyay saacado kaddib markii uu bartiisa ku baahiyay qeyb ka mid ah wareysi uu ka qaaday Jeneraal Abuukar Xuud oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka Hirshabelle, isla markaana Ciidamo badan ku heysta duleedka Beledweyne.

Fariintaan waxaa qoray aabbe Axmed Cabdi Colaad oo ah Aabaha dhalay  Cabdiraxmaan Axmed Cabdi Colaad oo nolol iyo geeri ...
22/12/2020

Fariintaan waxaa qoray aabbe Axmed Cabdi Colaad oo ah Aabaha dhalay Cabdiraxmaan Axmed Cabdi Colaad oo nolol iyo geeri midna aan lagu ogeyn.

Asc dhammaan dowladda soomaaliyeed salaan kadib waxaan halkaan codsi ugu dirayaa dowladda Soomaaliyeed M/weynaha Soomaaliya iyo R/wasaarihii h**e iyo kan hadda waxan idin ka codsanaayaa in aad garab isiisaan waxaan ahay aabbee wilkiisa ka maqan yahay oo ugu wardanbeysay 18/2/2020 ilaa haddana aan nolol iyo geeri midna ku ogeyn.

Taliyaasha ciidamada, mudane Fahad Yaasiin iyo cid allala cidii ka mid ah dowladda waxaan idinka rabaa in aad garab isiisaan markii aan dad badan weydiiyay waxaa la isheegay in uu ku jiro ciidan tabbabar loo qaaday sidii la igu sheegay aniga waxaan udirsaday wax barasho asigoo jira iskuulka ayaa igu danbeysay waxa uuna ahaa heerka sare ee wax barashada.

Mar kale waxan idinka codsanayaa barlamanka soomaaliya in aad garab igu isiisaan sidii aan ku heli lahaa wiilkeyga waxaan ahay waalid dhibaateysan.

Wiilkeyga cabdiraxmaan Axmad cabdi oo ku magac dheer maanow cid allala cidii aragta waxaan ka codsanayaa inay ii soo sheegto oo ila soo xiriirto.

Sii share-gareeya si ay u gaarto dhammaan dowlada.

Fadlan walaal haddii aad aragto igala soo xariir. lanbarkaan 615611956

28 sano ayaa maanta laga joogaa maalinkii James Nachtwey uu sawirkaan uga qaaday hooyo Soomaaliyeed oo qaxooti ku aheed ...
15/12/2020

28 sano ayaa maanta laga joogaa maalinkii James Nachtwey uu sawirkaan uga qaaday hooyo Soomaaliyeed oo qaxooti ku aheed duleedka magaalada Baardheere oo raadinaysa meel ay ku aasto cunuggeeda oo gaajo u dhintay. Daqiiqado kadib ayay iyaduna baahi u dhimatay. 28 sano kadib, dowlad iyo shacabba aan maanta ka fogaanno sabibihii qaranjabkaas iyo silacaas keenay.

Madaxweyne Farmaajo oo laga cabsiqabo in uu kursiga isku dhejiyo, shacabkana caburiyo haku quusqaato in Madaxtooyada uu ku jiro laga saaray Maxamed Siyaad Barre oo 21 sano xoog ku heystay, kadibna uu isagoo qaxooti ah Nigeria ku geeriyooday. Shacabkuna dib ha u xusuusto burburkii iyo dayicii aan dowlad la’aanta ka dhaxalnay iyo dagaalladii-sokeeye ee aan isku laynay.



Isha sawirka: Worldpressphoto

Cabdirauuf Layli Dhubad, waa nin dhalinyaro Soomaaliyeed oo arday ah kuna nool Magaalada Muqdisho waxuuna mudo laba sann...
14/12/2020

Cabdirauuf Layli Dhubad, waa nin dhalinyaro Soomaaliyeed oo arday ah kuna nool Magaalada Muqdisho waxuuna mudo laba sannadood ah uu si tabo rucaad ah ugu shaqeynayey ciidanka isagoo ka qeyb galay hawlgal militari oo ka dhacay Gobolka shabeelaha hoose.

Haddaba qoraal uu iisoo direy wiilkaa Soomaaliyeed, ayuu iga codsaday inaan boggeyga Facebook axsaabta ku xiran kula wadaago waayahiisa waxuuna ku bilaabay qoraalkiisu sidan:

Waxaan ku dhashay Gobolka Soomaali galbeed gaar ahaan Afdheer Degmada bareey Sannadkii 1991kii.

Waxaan yaraanteydii dugsi quraanka iyo dugsiga hoose ee iskuulka ku qaatay Gobolka Gedo gaar ahaan dagmada Luuq

Intaas kadib waxaan u wareegay gobalada waqooyi gaar ahaan Gobolka Togdheer magaladiisa Burco.

Muddo kadib waxaan isku dayay inan hayaankii nolaleed ee waxbarasho ka siiwato gobolka aan imid waxaan dugsiga dhexe ka bilaabay magalada Burco oo aan kudhamaystay illaa dugsigii sare Sannadkii 2014-kii

Intaas kadib waxaan isku diyaariyay inaan sii wado waxbarashada ilaa Jaamacad waxaana galay Jaamacada Alpha University kuliyada xidhiidhka caalamiga ah iyo diplomasiyada ( Faculty of international Relations and diplomacy )

Mudo kadib dhamaadkii 2017 waxaan kabaxay ama dhameeyay shahaadadii koobaad ee Jaamacada bachelorka.

Bishii December kowdeedii Sannadkii 2017-kii. ayaan waxaan tagay Magaalada Muqdisho, waxaana usii gogal xaadhay riyo maal meedkaygii ama hadafkaygii nolaleeyd ee ahaa inaan jaamacada kadib hal sano sano u shaqeeyo qarankayga Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka xooga dalka si tabo rucaad ah ugu biiro waanan hirgeliyey talaabadaas. Balse taasi badalkeedu waxay igu qaadatay inaan ku jiro shaqadaasi muddo labo sano ah sanad carbis military ah iyo sanad operation hawlgal ah

Carbiskii ugu h**eeyay waxaan ka bilaabay kuliyada ciidanka Booliska ee General kaahiye "School Policia" waxaanan Ku soo gabo gabeeyay kuliyada ciidanka military ga ee General (Gordon) Bishii December Sanadkii 2018-kii.

Intaas kadib Bishii Janaayo Sannadkii 2019-kii ayaan waxaan u baxay ama ka qayb galay operations ama Hawlgal military anigoo naftayda u hurayey dadkeyga iyo dalkayga hooyo waxaana hawlgalkaas uu ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Awdheegle, Sabiid, Mareereey,Moordiinle,Laanta buure,Marka iyo qaar kaloo badan.

Hal sano kadib waxaan ku soo laabtay magaaladii aan ka tagay ee Muqdisho oo sanad ka hor uga baxay shaqada qaranka ama waajib i saarna awgii usoo gutay.

Waxaa la gaadhay wakhtigii aan horay u qorsheeyay inaan kabaxo ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaana isku diyaariyay inaan qaato shahaadadii iyo warqadihii cadaynta ahaa waxaan u qoray colkaan ka tirsanaa taliye horin ururka/guutada qaybta gaaska Kadibna taliska guud ee ciidanka tagtay taasi oo muddo kadib aan qaatay warqadihii ruqsada ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Hada waxaan ku noolahay Magalada Muqdisho waxaana rajaynayaa mustaqbal iyo nolol wanaagsan Insha allah.

Ugu dambayntii dhamaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay maskax, maal iyo muruqba la garab istagaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Toddobo Arimood oo muhiim ah inaad wax ka ogaato!1. Waa maxay Acraaf =Acraaf Waa meel u dhexayso Jannada iyo Naarta, waa...
10/12/2020

Toddobo Arimood oo muhiim ah inaad wax ka ogaato!

1. Waa maxay Acraaf
=Acraaf Waa meel u dhexayso Jannada iyo Naarta, waa derbi dheer oo dadka saaran ay ka wada arkayaan ehlu jannaha iyo ehlu naarka, aakhirna uu alle geeyn doono jannada, naartana ma gelayaan, sida ugu raajixsanna waa qolo ay isku miisaan noqdeen wanaaggooda iyo xummaantooda.

2. Jannadu xaggay ku taallaa? =Jannadu waxay ku taallaa Samada 7aad korkeeda, marka uu alle samada duubo maalinta qiyaamo jannadu meesheeda ayay ahaanaysaa, saqafkeeduna waa carshiga hoostiisa waxayna leedahay 8 Albaab.

3. Naartu waa xaggay ku tallaa? =Naartu waxay ku taallaa dhulka 7aad hoostiisa waxaana la yiraahdaa Sijiin waxayna leedahay 7 albaab.

4. Maalinta Qiyaamo muddadeeda waa imisa? = Muddadeeda waa 50,000 oo sano, waa 50 Mowqif [seben] halkii mawqifna waa 1,000 sano.

5. Waa maxay Sidratul Muntahaa? =waa geed weyn oo salkiisu uu yahay samada 6aad faraciisana uu gaarayo samada 7aad, caleemahiisuna ay le egyihiin dhegaha maroodiga, mirihiisuna la egyihiin ashuun ![Kuud] weyn oo kale, jannada bannaankeeda ayuu ku yaallaa, geedkaas agtiisa ayuu Rasuulku sallalahu calayhi wasallam markii labaad ku arkay Malakul Jibriil.

6. Waa maxay xuural ceyn? =Waa xaasaska ragga mu’miniinta ee jannada, dad ma ahan, jinni ma ahan malaa’ikna ma ahan, Alle ayaa jannada si gaar ah ugu abuuray, haddii mid ka mid ah adduunka usoo muuqato waxaa ifi lahaa meesha qoraxda kasoo baxdo iyo meesha ay qorraxda u dhacdo.

7. Wildaan Mukhaladduun maxay yihiin? =waa adeegayaasha jannada dad ma ahan, jinni ma ahan malaa’ikna ma ahan, wuxuu alle u abuuray sida xuural ceynta oo kale oo jannada oo kaliya ayuu ku dhex abuuray, waana adeegayaal aad u qurux badan dhan walba.
Alxamdulillaah, dheh! haddii aad intaas wax ka ogaatay!

Sii faafi dadka kugu xiran ha ogaadeenee iyaguna, waxaan alle ka baryayaa in uu nawada geeyo janno aan cadaab ka horreyn annaga, waalidkeen, carruurteen, saaxiibadeen iyo dhammaan muslimiinta oo dhanba.

W/Q Sh. Muse xasan.

Home Sweet Home buu soo qorey shalay saacaddaan, isagoo ku faraxsanaa Muqdisho uu yimid, 24 saac kadib waxaa lagu aasay ...
28/11/2020

Home Sweet Home buu soo qorey shalay saacaddaan, isagoo ku faraxsanaa Muqdisho uu yimid, 24 saac kadib waxaa lagu aasay Muqdisho kadib qaraxii xalay dhacay😢

Waa laba sawir oo xanuun badan misana inagu abuuraya cabsi badan, Bishaar iyo dhallintii iftiinka u aheyd Dalka Rabbiyow u naxariiso, kuwa noolna badbaadi yaa Rabbi🙏👐😢

Waxaanse ka murugoonayaa in iyagana loo hilmaamo sida kuwii ka h**eeyay haba ugu darnaadeen kuwii Zoobe, casharna laga baran.

W/Q:- Mohamed Deeyoo

Annagoo jaamacad dhiganeyna ayaan bareeg u soo baxnay. Mid ardayda ka mid ah ayaa kabaha u dhiibtay wiil caseeye ah oo b...
20/11/2020

Annagoo jaamacad dhiganeyna ayaan bareeg u soo baxnay. Mid ardayda ka mid ah ayaa kabaha u dhiibtay wiil caseeye ah oo bannaanka fadhiyay. Wuxuu xirtay kabihii caseeyaha, wuxuuna ku yiri: fasalka iigu keen markii aad ii caseyso. Fasalka oo dabaq ku yaallay ayaan galnay, waxyar kadibna waxaa noo soo galay caseeyihii oo cagacaddeynaya oo gacanta kabihii ku wado oo raadinaya ardaygii kabaha u soo dhiibtay. Wuu siiyay, kabihiisa ayuu ka qaatay, wuuna naga baxay.

Ustaad Naasir Haji oo fasalka noogu jiray ayaa nagu yiri: Ilaahey ka baqa oo cunuggaas miskiinka ah haku addoonsanina labada kun ee aad siineysaan, oo haku qasbinina in uu kabihiinna idinku soo raadiyo markii uu caseeyo. Wuxuu ka mid ahaa cashirradii ugu qaalisanaa ee aan jaamacadda ku soo dhigtay.

Ganacsiga in wax lagaa iibiyo waa lacag, in meesha aad joogto laguu keenana waa lacag dheeri ah. Haddii aad caseeyaha ka dabato in uu kabaha kuu dhaqo ama uu meeshaada kuugu keeno, waa gobannimo in aad lacag dheeri ah ugu darto oo aad shaqadiisa ku dhiirrigeliso.

Caseeyayaal ayaan la sheekeystay. Badankood waxay qoysaskooda ugu jiraan kaalintii aabbe, oo waxay reerka ku biilaan shilimaadka ay shaqadaas ka helaan. Waxaad arkeysaa dad la gorgortamaya oo ka dalbanaya in iyaga oo labo qof uu saddex kun kabaha ugu caseeyo. Kunkaas shilin ee aad ka reebatay adiga waxba kaama dhibayo, caseeyahana wax weyn ayuu u galaa, oo biil iyo nolol ayuu u yahay.

Subixii ilaa galabkii waxay u taagan yihiin in ay dadka kabaha u caseeyaan si ay quutulyoomka qoysaskooda u helaan. Waxay naga mudan yihiin tixgelin, naxariis, kaalmeyn, hadal debacsan, iyo in aan ku ixtiraamno, kuna dhiirrigelinno shaqadooda oo aan labada kun ee caseeyaha ah ugu darno wixii kale oo aan u heli karno. Aana uga mahadcelinno shaqada ay noo qabteen markii ay noo adeegaan.

Haddii aad ka heshay Asxaabtaada la-wadaag (Shere) Dheh

W/Q Xuseen Sabriye

Sawir uu Faafiyay Nin u dhashay Maraykanka oo lagu Magacaabo Steve McKnild  isagoo la sawiran Ayeeydiis oo ku jirta Naxa...
19/11/2020

Sawir uu Faafiyay Nin u dhashay Maraykanka oo lagu Magacaabo Steve McKnild isagoo la sawiran Ayeeydiis oo ku jirta Naxashka, wuuna ku Faraxsanyahay Dhimashadeeda,maxaa yeelay wuxuu ka Dhaxli doonaa 900 kun oo dollar.

Hayeeshe wuxuu si lama filaan ah ku ogaaday intii ay socotay Duugta , in ay ku Tabarucday Dhammaan Hantideeda Hay'ad Samafal , waxayna uga tagtay Farriin ay ku leenahay:-

Eeygeyga yar ee Steve..waxaan kaaga tagay Ushii Awoowgaa, iyo ilka Gashigeyga ee ka baxso Qaanadeyda , waxaana Rajeynaa in Lugaha aad ka socon weyso , ilkuhuna kaa soo daataan si aad uga FAA'ideysato.

Hadaba Ciyoon ka qaado meesha ,inta aysan Imaan Malkiilayaasha Cusub Guriga😅.

🤳

, Comment 🤗.

✍ Mohamed Ahmed Jimale

Ganacsade Yuhuudi ahaa ayaa damcay in uu dib ugu laabto dalkiisii Israel, isagoo markaas doonayey in uu ka anbabaxo mada...
17/11/2020

Ganacsade Yuhuudi ahaa ayaa damcay in uu dib ugu laabto dalkiisii Israel, isagoo markaas doonayey in uu ka anbabaxo madaarka caalamiga ah ee Moscow ee casimadda Russia. Markii uu marayey goobtii baadhista shandadaha airport-ka ayaa shandadiisa laga helay sanam loo ekeysiiyey Vladimir Lenin. Askarigii shandadiisa baarayey ayaa weydiiyey: waa maxay waxani?

Yuhuudigii ayaa ku jawabay "marka la eego luuqadda aad isticmaashay, askari waad khaldan tahay, waxayna ahayd inaad i weydiiso: waa kuma kani? Kani waa Lenin (isagoo sanamkii farta ku fiiqaya) - aasaasaha Shuuciyadda, waana ninka dhisay Raashiyada cusub, aniguna waxaan musawirkiisa u sitaa inaan xuso jiritaankiisa, isla markaana aan qaato barakadiisa.
Askarigii, oo ay xamaasadi qaadday ayaa sii daayey, si uu diyaaradda u fuulo".

Markii uu ka degey garoonka Tel Abiib ayaa mar labaad askari Yuhuudi ahi baadhay shandadiisa, kana soo saaray sanamkii, wuxuna weydiiyey: waa maxay waxani?

Yuhudigii ayaa ku jawaabay "marka la eego luuqadda aad isticmaashay; waad khaldan tahay askari. Kani waa Lenin; danbiile, dhiigyo-cab, waana ninka aad sababtiisa uga soo qaxday Raashiya, waxanan sanamkiisa u sitaa si aan mar kasta u naclado.
Askarigii ayay xamasaddii Yuhuudinamadu qaadday, wuxuuna si degdeg ah u sii daayey Yuhuudkii kale.

Markii uu gurigiisii tagay ayuu sanamkii saaray meel qolkiisa kamid ah, inankiisii yaraa ayaana arkay sanamkii oo weydiiyey: aabbo waa maxay waxani? Wuxu ku jawaabay "marka la eego luuqadda aad isticmaashay, waad khaldan tahay wiilkaygiyoow. Kani waa 10kg oo dahabka saafiga ah, kaas oo aan la soo maray 2 airport oo caalami ah, isla markaana aan la iga qaadin haba yaraatee wax cashuur ah.

Dulucda: Siyaasaddu waa awoodda shacbka loogu sharraxo in hal shay uu leeyahay jihooyin kala duwan, iyada oo laga faa'idaysanayo shucuurtaada.
Marka ninka siyaasiga ahi uu rabo in uu kaa dhaadhiciyo mabaadii'diisa, waddada ugu dhow ee uu mari karaa waa waddada shucuurtaada, isaga oo soo kicinaya doogo ama nabarro (boogo) h**e laguugu geystey.

Xigasho:Hassan Abdulaahi Qaraabo.

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252612024441

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Omar Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Omar Mohamed:

Share

Category