24/09/2026
Shirkadda Bluecom Somalia waxay si weyn uga qayb qaadatay taageeridda iyo hirgelinta madasha Somali Network Operators Group (SomNOG), oo ah mid ka mid ah madallada ICT-ga ee ugu muddada dheer dalka, kana shaqaynaysay horumarinta bulshada ICT-ga Soomaaliya muddo 11 sano ah.
SomNOG waxay si joogto ah diiradda u saartaa tababarro iyo kobcinta xirfadaha ICT-ga iyo technology-ga, iyadoo sanad walba la qabto shirar iyo kulamo lagu falanqeeyo cilmi-baarista, horumarinta digital-ka, cybersecurity, digital transformation, network operations, iyo arrimo kale oo muhiim u ah mustaqbalka tiknoolajiyadda Soomaaliya.
Bluecom Somalia farxad weyn ayay noo tahay inaan taageerno oo qayb ka noqono madal ay ku mideysan yihiin khubaro, xirfadlayaal iyo bulshada technology-ga dalka, isla markaana door ka qaadata horumarinta aqoonta, xirfadaha iyo hal-abuurka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaan aaminsanahay in horumar waara oo dhinaca technology-ga ah uu ku dhismi karo iskaashi, aqoon wadaag iyo bulsho xirfadlayaal ah oo si wadajir ah uga shaqaysa mustaqbalka digital-ka Soomaaliya.