22/07/2026
Waxaa sharaf weyn noo ahayd inaan ka qaybgalno Annual Meeting-ka Sombridge university, halkaas oo aan ku soo bandhignay mashruuca ballaaran ee casriyeynta nidaamyada jaamacadda.
Kulanka waxaan ku soo bandhignay aragtida iyo qorshaha hirgelinta:
* Nidaamka Maamulka Jaamacadda (University Management System)
* Student & Staff Portal
* HEMIS Student Verification System
* Website-ka casriga ah ee jaamacadda
* Adeegyada dijitaalka ah ee kor u qaadaya tayada waxbarashada iyo maamulka
Intii uu kulanku socday waxaan si taxaddar leh u dhageysanay fikradaha, talooyinka, iyo warbixinnada dhammaan maamulka iyo shaqaalaha jaamacadda. Aragtiyahaas waxay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta mashruuca si uu ula jaanqaado baahiyaha dhabta ah ee Sombridge University.
Kulankan waxaa Kaabe Solution ku matalay Eng. Ahmed Hassan, oo soo bandhigay qorshaha farsamo, qaabka ay dhammaan nidaamyadu isugu xirmayaan, iyo sida ay u taageeri doonaan maamulka, macallimiinta, shaqaalaha, iyo ardayda.
Waxaan uga mahadcelineynaa maamulka iyo dhammaan shaqaalaha Sombridge University soo dhoweyntooda, wada shaqeyntooda, iyo kalsoonida ay nagu aamineen. Waxaan rajeynaynaa inaan si wadajir ah u hirgelinno mashruuc casri ah oo noqon doona tiir muhiim u ah horumarka jaamacadda.