18/05/2026
Waxaan maanta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ku qabanay tababar qayb ka ah Barnaamijka Digital for Development (D4D) oo loo diyaariyay ardayda saxaafadda.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray hababka casriga ah ee soo saarista barnaamijyada raadiyaha, sida diyaarinta, duubista, tafatirka iyo gudbinta barnaamijyo tayo leh.
Masuuliyiin ka tirsan jaamacadda ayaa xusay muhiimadda tababaradan u leeyihiin horumarinta xirfadaha ardayda warbaahinta. Tababarka waxaa bixiyay khabiirka saxaafadda Cabdicasiis Maxamed Diiriye.