07/04/2026
Dagaalka casriga ah laba waji ayuu leeyahay—mid muuqda iyo mid qarsoon.” ⚠️🌐 🇮🇷
Kororka ficillada militariga ee Iran wuxuu si toos ah u kordhinayaa weeraro dhanka internet-ka ah oo ka imanaya kooxo ay taageerto dowladda, hacktivists, iyo xitaa kooxo dambiileyaal ah oo la safan Iran.
Iran waxaa loo arkaa inay soo wado weeraro culus oo dhanka Internet-ka ah, kusoo leh ujeedooyin kala duwan sida:
• Weeraro carqaladeyn iyo burburin system
• Basaasnimo (cyber espionage)
• Weeraro dhaqaale (ransomware & hacking)
Kooxaha caanka ah ee lala xiriiriyo Iran:
• APT35 (Charming Kitten / Phosphorous)
Waxay Khuburo kuyihiin sida Email-lada loo jabsado, (spear-phishing)
→ Waxay beegsadaan hay’ado siyaasadeed, militariga, iyo shirkado ganacsi
→ Ujeedadoodu waa xog ururin iyo taageerida ajendaha dawlada Iran🇮🇷
• APT33 (APT33 / Elfin)
Waxay Weeraro culus ku qaaday kaabayaal muhiim ah sida tamarta iyo duulista
Waxay Isticmaalaan farsamooyin sida password spraying iyo vulnerabilities cusub (zero-days)
• MuddyWater (APT37 / Seedworm)
→ Waxay Beegsadaan dowladaha, isgaarsiinta, maaliyada, iyo difaaca.
→ Waxay Adeegsadaan software gaar ah iyo agab furan si ay u galaan system-yada una sii dhex joogaan mudo ayagon la ogaan.
Kooxo badan waxay si toos ah ama si dadban ula xiriiraan Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC).
Taas macnaheedu waa:
Weerar “mid madax banaan” u muuqda → mararka qaar wuxuu u adeegayaa dano dowladeed.
📊 Maxaa laga bartay?
• Weerarradu badanaa waxay beegsadaan United States, Israel, iyo dalal kale oo reer galbeed ah
• Qaybaha la beegsado: Tamarka (energy), Shirkada isgaarsiinta(telecom), Maaliyada (finance), Caafimaadka(health),iyo Difaaca(defense
• Farsamooyinka ay isticmaalaan: phishing, exploit vulnerabilities, data theft, iyo system disruption.
Tariikhdu waxay muujineysaa hal shay: marka xiisad dagaal jirto, cyber attacks ama weeradada dhanka internet-ka aad bay ukordhaan.
Ogoow!! Dagaalka qarsoon (cyber) ayaa mararka qaar ka halis badan.
Mahadsanid, followe iyo share🙏