Tabaarak ICT

Tabaarak ICT Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Tabaarak ICT, Information Technology Company, Maka Al-Mukarama Street/Hodan, Mogadishu.

TABAARAK ICT SOLUTIONS IS A PRIVATE COMPANY THAT WAS ESTABLISHED IN 2011 IN MOGADISHU, IT IS A LEADING TECH COMPANY IN SOMALIA, RENOWNED FOR ITS INNOVATION AND POSITIVE IMPACT ON BUSINESSES AND COMMUNITIES, AND NOW IS 𝐈𝐒𝐎 𝐂𝐄𝐑𝐓𝐈𝐅𝐈𝐄𝐃.

Madaxa suuqgeynta Tabaarak ICT, Mr Khadar Mohamed, ayaa ka qayb galay shirka Somali Network Operators Group (SOMNOG9), o...
24/09/2026

Madaxa suuqgeynta Tabaarak ICT, Mr Khadar Mohamed, ayaa ka qayb galay shirka Somali Network Operators Group (SOMNOG9), oo halkudhiggiisu ahaa “Connected by Design: Advancing Somalia’s Digital Infrastructure and Integrated Public Services”, wuxuuna ka jeediyey mowduuc ku saabsanaa “𝐁𝐮𝐢𝐥𝐝𝐢𝐧𝐠 𝐂𝐨𝐧𝐧𝐞𝐜𝐭𝐞𝐝 𝐒𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦𝐬 𝐟𝐨𝐫 𝐒𝐢𝐦𝐩𝐥𝐞𝐫 𝐆𝐨𝐯𝐞𝐫𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭”, oo diiradda lagu saarayay dhisida nidaamyo isku- xiran iyo sida ay u fududayn karaan adeegyada dowladda.

Madaxa Suuq-geynta Tabaarak ICT ayaa iftiimiyey sida nidaamyada isku-xiran ay u xoojin karaan wada-shaqeynta hay’adaha, isla markaana u horseedi karaan adeegyo dijitaal ah oo fudud, hufan oo la isku halleyn karo.

21/09/2026

DalmarPOS ha ku xasuusiyo alaabta dhammaatay, adiguna shaqadaada sii wado.

Nagala soo xiriir: https://wa.link/i3bi35



Waxa si guul leh magaalada Baydhabo noogu soo gabagaboobay tababar laba maalmood socday, oo aan u qabanay milkiilayaasha...
17/09/2026

Waxa si guul leh magaalada Baydhabo noogu soo gabagaboobay tababar laba maalmood socday, oo aan u qabanay milkiilayaasha iyo maamulayaasha ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs).

Tababarku wuxuu diiradda saarayey sida xalalka dhijitaalka ah loogu adeegsan karo maamulka, iibka, kaydka, xisaabaadka iyo xogta ganacsiga, iyadoo ka-qaybgalayaasha aan ku barnay faa’iidooyinka Digital Management Systems iyo POS Solutions.

Ujeeddadeennu waa in ganacsatada soomaaliyeed helaan aqoon ay si wanaagsan uga faa’iideystaan tiknoolajiyada, una horumariyaan ganacsiyadooda.

.

Tabaarak ICT waxay ka qaybgalaysaa East Africa CEO & Investment Forum 2026, oo 17–18ka Sebtembar ka dhacaya Nairobi, Ken...
16/09/2026

Tabaarak ICT waxay ka qaybgalaysaa East Africa CEO & Investment Forum 2026, oo 17–18ka Sebtembar ka dhacaya Nairobi, Kenya.

Shirka waxaa Tabaarak ICT Solutions ku metelaya CEO-ga shirkadda, Guure Cabdi, isagoo ka qaybqaadanaya doodaha ku saabsan maalgashiga, hal-abuurka, iskaashiga gobolka iyo mustaqbalka dijitaalka ee Bariga Afrika.

Waxaan rajaynaynaa inaan dhisno iskaashiyo cusub oo horseeda hal-abuur, maalgashi iyo horumar dijitaal ah.

t

Tabaarak ICT ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka furtay SME Digital Empowerment Initiative, oo ah barnaamij tababar ah oo ...
15/09/2026

Tabaarak ICT ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka furtay SME Digital Empowerment Initiative, oo ah barnaamij tababar ah oo laba maalmood socon doona. Kaas oo loogu talagalay milkiilayaasha iyo maamulayaasha ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs).

Tababarku wuxuu diiradda saarayaa sida xalalka dhijitaalka ah loogu adeegsan karo maamulka, iibka, kaydka, xisaabaadka iyo xogta ganacsiga, iyadoo ka-qaybgalayaasha lagu barayo faa’iidooyinka Digital Management Systems iyo POS Solutions.

Ujeeddadu waa in ganacsatadu helaan aqoon iyo qalab si ay uga faa’iideystaan tiknoolajiyada, una horumariyaan ganacsiyadooda.

.

12/09/2026

HageAI waa platform ay soo bandhigeen qaar ka mid ah ardaydii ka faa’iideysatay Bile Initiative, kaas oo loogu talagalay inuu ardayda ka caawiyo inay isku tijaabiyaan oo qiimeeyaan heerka aqoontooda ka hor inta aysan gelin imtixaannada caalamiga ah.

Platform-kan wuxuu ardayga siinayaa fursad uu ku qaato imtixaan tijaabo ah, si uu u ogaado heerka uu ka joogo maaddooyinka uu baranayo, una fahmo meelaha uu ku fiican yahay iyo meelaha uu u baahan yahay inuu dadaal dheeraad ah saaro.

10/09/2026

Qayb ka mid ah ardaydii ka faa’iideysatay Bile Initiative, gaar ahaan Track-ga (Takhasuska) Cloud Computing, ayaa u soo bandhigay wasaaradda waxbarashada somalia System ay ugu talagaleen in lagu xalliyo caqabadaha culeyska ee ka dhasha marka Wasaaradda Waxbarashadu ay soo bandhigto natiijada imtixaanka shahaadiga ah.

System-kan wuxuu diiradda saarayaa sidii loo xallin lahaa culeyska badan ee ku yimaada system-ka saacadaha ugu horreeya ee natiijooyinka la shaaciyo, xilligaas oo ay arday tiro badan isku mar isku dayaan inay helaan natiijooyinkooda.

Ardaydu waxay sidoo kale fariin iyo soo jeedin u direen Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, iyagoo soo bandhigay fikraddooda ku aaddan xal u helidda caqabadaha ka jira nidaamyada adeegyada waxbarashada.

08/09/2026

KAALMO Fundraising System oo ah madal loogu talagalay in ololayaal lacag ururin loogu sameeyo bulshada danyarta ah,ayey ku soo bandhigeen xafladii Gunaanadka Mashruuca Bile qaar ka mid ah ardaydii ka faa’iideysatay Bile Initiative.

Mashruucani wuxuu si weyn faa’iido uga yahay dadka danyarta ah ee u baahan kaalmo, wuxuuna si hufan u soo bandhigayaa xogta iyo xaqiiqada qofka la kaalmeynayo, si loo xoojiyo hufnaanta iyo kalsoonida ololayaasha samafalka.

Kadib soo bandhigistii KAALMO Fundraising System, ardaydu waxay qaar ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya samafalka ka codsadeen inay maalgeliyaan system-kan, si loo sii horumariyo loona gaarsiiyo bulshada loogu talagalay.

07/09/2026

𝐃𝐚𝐥𝐚𝐠 𝐁𝟐𝐁 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐞𝐭 𝐩𝐥𝐚𝐜𝐞 waa nidaam ay si xirfadaysan u diyaariyeen qaar ka mid ah ardaydii ka faa’iideysatay Bile Initiative, oo ay ku soo bandhigeen xafladdii Gunaanadka Mashruuca Bile.

Nidaamkani wuxuu diiradda saarayaa daboolidda baahiyaha suuq-geynta dalagyada beeralayda, isagoo u suuragelinaya beeralayda inay helaan madal ay si fudud uga maamuli karaan dalagyadooda. Halka ganacsatada khudaartuna ay si sahlan uga arki karaan dalagyada kala duwan ee ay soo geliyaan beeralaydu.

Soo jeedin kadib, ardayda ayaa codsatay in loogu sameeyo maalgelin iyo taageero, si ay u sii horumariyaan system-kan, una ballaariyaan xalalka uu u keeni karo caqabadaha haysta beeralayda.

07/09/2026

Eng. Mohamed Abdirahman, oo ka mid ahaa ardaydii sanadkan ka faa’iidaysatay tababarka Bile Initiative, ayaa nala wadaagaya mashruucii ay isaga iyo kooxdiisu sameeyeen intii uu tababarku socday.

Address

Maka Al-Mukarama Street/Hodan
Mogadishu
00252

Opening Hours

Monday 07:30 - 22:00
Tuesday 07:30 - 22:00
Wednesday 07:30 - 22:00
Thursday 07:30 - 22:00
Saturday 07:30 - 22:00
Sunday 07:30 - 22:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tabaarak ICT posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tabaarak ICT:

Shortcuts

Share