11/07/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐
Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac (XNR), Mudane Eng-Isse Hassan Abukar, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe.
Guddoomiyuhu wuxuu Alle SWT uga baryayaa xubnaha Golaha Wasiirrada cusub inuu ku asturo xilka loo igmaday, kana dhigo kuwo si caddaalad, hufnaan iyo daacadnimo leh ugu adeega shacabka iyo dowladda.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu rajeynaya in Golaha Wasiirradu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan adkaynta nabadda, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaan idiin rajeynayaa guul iyo tawfiiq. Alle ha idin waafajiyo gudashada masuuliyadda culus ee la idiin igmaday, hana idinka dhigo kuwo dalkooda iyo dadkooda u horseeda horumar, nabad iyo barwaaqo.
Hambalyo mar kale.