15/05/2026
ππππππππ ππ-ππ πππ β ππππππππ ππππLππππππππ ππππππππππππ, πππππ πππππππ ππ-πππ
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda qiimaha weyn leh ee 15-ka May, oo ku beegan sanad guurada 83-aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii ururkii gobannimo doonka Soomaaliyeed ee πππ (Somali Youth League).
15-ka May waa maalin taariikhi ah oo xusuus gaar ah ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ahayd maalintii ay dhalinyaro Soomaaliyeed oo geesiyaal ah mideeyeen himiladooda, una istaageen halgankii gobannimada, midnimada iyo xorriyadda dalka. Dhalinyaradaas waxay muujiyeen waddaniyad, geesinimo iyo aragti fog oo horseeday in Soomaaliya hesho xornimadeeda.
Maanta, iyadoo dalkeennu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo kuwo bulsho, waxaa muhiim ah in la xasuusto doorkii ay dhalinyaradii SYL ka qaateen mideynta ummadda Soomaaliyeed. Waxaana loo baahan yahay in jiilka maanta ay ka dhaxlaan waddaniyadda, isku duubnida iyo ka shaqeynta horumarka dalka.
Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda, siyaasiyiinta iyo mucaaradka Soomaaliyeed inay danta guud ka hormariyaan tan gaarka ah, kana shaqeeyaan nabad waarta, wada-hadal, is-afgarad siyaasadeed iyo ilaalinta midnimada dalka. Soomaaliya waxay u baahan tahay xasillooni iyo iskaashi si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan oo ay dhalinyaradu hoggaamin karto.
Ugu dambeyn, waxaan Alle uga baryayaa inuu Soomaaliya siiyo nabad, horumar iyo dowladnimo adag, dhalinyarada Soomaaliyeedna uu ka dhigo kuwo dalkooda, dadkooda iyo diintooda si daacad ah ugu adeega.
πππ¦πππ₯π²π¨ ππ-π€π πππ²!
πππ¦πππ₯π²π¨ ππ‘ππ₯π’π§π²ππ«πππ ππ¨π¨π¦πππ₯π’π²πππ!
Eng. Abdullahi Ali Hassan