HanQaran TV

HanQaran TV Aragti cusub & Xog dhab ah

20/05/2026

Oday Soomaaliyeed oo buudka la dulmaray Mucaaradka.

π‡π€πŒππ€π‹π˜πŽ πŸπŸ“-πŠπ€ πŒπ€π˜ – πŒπ€π€π‹πˆππ“π€ 𝐃𝐇𝐀𝐋Lπˆππ˜π€π‘π€πƒπ€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π„π„πƒ, 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐃 𝐆𝐔𝐔𝐑𝐀𝐃𝐀 πŸ–πŸ‘-𝐀𝐀𝐃Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dha...
15/05/2026

π‡π€πŒππ€π‹π˜πŽ πŸπŸ“-πŠπ€ πŒπ€π˜ – πŒπ€π€π‹πˆππ“π€ 𝐃𝐇𝐀𝐋Lπˆππ˜π€π‘π€πƒπ€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π„π„πƒ, 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐃 𝐆𝐔𝐔𝐑𝐀𝐃𝐀 πŸ–πŸ‘-𝐀𝐀𝐃

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda qiimaha weyn leh ee 15-ka May, oo ku beegan sanad guurada 83-aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii ururkii gobannimo doonka Soomaaliyeed ee π’π˜π‹ (Somali Youth League).

15-ka May waa maalin taariikhi ah oo xusuus gaar ah ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ahayd maalintii ay dhalinyaro Soomaaliyeed oo geesiyaal ah mideeyeen himiladooda, una istaageen halgankii gobannimada, midnimada iyo xorriyadda dalka. Dhalinyaradaas waxay muujiyeen waddaniyad, geesinimo iyo aragti fog oo horseeday in Soomaaliya hesho xornimadeeda.

Maanta, iyadoo dalkeennu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo kuwo bulsho, waxaa muhiim ah in la xasuusto doorkii ay dhalinyaradii SYL ka qaateen mideynta ummadda Soomaaliyeed. Waxaana loo baahan yahay in jiilka maanta ay ka dhaxlaan waddaniyadda, isku duubnida iyo ka shaqeynta horumarka dalka.

Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda, siyaasiyiinta iyo mucaaradka Soomaaliyeed inay danta guud ka hormariyaan tan gaarka ah, kana shaqeeyaan nabad waarta, wada-hadal, is-afgarad siyaasadeed iyo ilaalinta midnimada dalka. Soomaaliya waxay u baahan tahay xasillooni iyo iskaashi si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan oo ay dhalinyaradu hoggaamin karto.

Ugu dambeyn, waxaan Alle uga baryayaa inuu Soomaaliya siiyo nabad, horumar iyo dowladnimo adag, dhalinyarada Soomaaliyeedna uu ka dhigo kuwo dalkooda, dadkooda iyo diintooda si daacad ah ugu adeega.

π‡πšπ¦π›πšπ₯𝐲𝐨 πŸπŸ“-𝐀𝐚 𝐌𝐚𝐲!
π‡πšπ¦π›πšπ₯𝐲𝐨 πƒπ‘πšπ₯𝐒𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 π’π¨π¨π¦πšπšπ₯𝐒𝐲𝐞𝐞𝐝!

Eng. Abdullahi Ali Hassan

08/05/2026

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay 10kun oo guri u dhiseeyso dadka laga barakiciyay guryahooda.

  Reysul wasaare Xamse oo soo duubay fariin uu kula hadlayo Shacabka Muqdisho ayaa yiri" Siyaasi ay madax martay Shahwad...
07/05/2026

Reysul wasaare Xamse oo soo duubay fariin uu kula hadlayo Shacabka Muqdisho ayaa yiri" Siyaasi ay madax martay Shahwada Xukunka iyo dowlada shisheeye oo lacag ku bixinaya yeysan si fudud inooga wax yeeleynin Amniga Muqdisho"

Galmudug & Villa Somalia ayaa kala fogaadey. Qoorqoor ayaa magacaabis ka dhinac sameeyay tan Federaalka.
07/05/2026

Galmudug & Villa Somalia ayaa kala fogaadey. Qoorqoor ayaa magacaabis ka dhinac sameeyay tan Federaalka.

Duqii h**e ee Muqdisho Thabid Cabdi.β€œWaxaan si weyn u cambaareynayaa barakicinta iyo isu-xoog-sheegadka la xiriira dhulk...
07/05/2026

Duqii h**e ee Muqdisho Thabid Cabdi.

β€œWaxaan si weyn u cambaareynayaa barakicinta iyo isu-xoog-sheegadka la xiriira dhulka ee muddooyinkan ka taagnaa magaalada Muqdisho.

Arrintani waa mid si toos ah u saameyneysa shacabka Soomaaliyeed qaybahiisa kala duwan, gaar ahaanna dadka nugul ee aan haysan awood ay ku difaacdaan xuquuqdooda iyo hoygooda.

Waxaa h**ey u dhacay falal murugo leh oo ay shacab ku waxyeelloobeen, iyadoo si arxan-darran guryo lagu dumiyay xilli ay hurdaan ama xilli aanay awoodin inay wixii ay karaan hantidooda ka haabtaan, taasoo sababtay dhaawacyo iyo dhibaatooyin bani’aadannimo.

Maantana xaaladdu waxay gaartay heer ay shacabka qaarkood la kulmaan cabsi-gelin, qalalaase qoray caaraddiis ah iyo xoog sheegad dowladnimo habeen barkii ah.

Waxaa muhiim ah in dowladdu illaaliso sharciga, xuquuqda muwaadiniinta iyo karaamada shacabka. Wakhtiga sharciga ah ee dowladda waxaa ka haray 8 maalmood.

Haddii aanay ahayn illaa 16-ka May 2026 yaan laysku soo gaarin, waxaa muhiim ah in la xusuusnaado in tallaabo kasta oo la qaado ay leedahay saameyn iyo isla xisaabtan mustaqbalka ah, taasoo xisaabtii Alle ee adduun iyo aakhiraba hubanti tahay.

.

Deg-Deg:-Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo xaqiijiyay in dowladu xirtay Wariye Rowda iyo dhalinyaro kale oo lasoc...
07/05/2026

Deg-Deg:-Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo xaqiijiyay in dowladu xirtay Wariye Rowda iyo dhalinyaro kale oo lasocotay ayaa si adag u Cambaareeyay.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xalay kula kacay wariye Rowdo Xasan Taakilo, Xamdi Cabdi Caddoow, Cabdixamid Cabdikariim Xuseen, Cabdixakiim Muxuddiin Sh. Cali, iyo Muscab Mire Indhayare oo ay ciidamadu xireen iyagoo u sii hoyaadaya guryahooda.

Waxaa ayaandarro ah in taliska gabbalkiisu sii dhacayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu si maalinle ah ugu kacayo tacaddiyo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida gumaadka carruurta, afduubka dhallinyarada, xarigga saxaafadda, barakicinta danyarta, boobka dhulka shacabka iyo danta guud, iyo caburinta dadweynaha.

8 maalmood kaliya ayaa ka harsan muddoxileedka taliskan arxanka daran. Waxaan indheergaradka bulshada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo diyaargaroobo sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa taliskan burcadka ah oo caadeystay gaboodfallo iyo ficillo gurracan oo cuuryaaminaya dowladnimada Soomaaliya"....

Address

Jaale Siyaad
Mogadishu
25261

Opening Hours

Monday 07:00 - 21:00
Tuesday 07:00 - 21:00
Wednesday 07:00 - 21:00
Thursday 07:00 - 21:00
Friday 03:00 - 22:00
Saturday 07:00 - 21:00
Sunday 07:00 - 21:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HanQaran TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share