Xumaan ta ka fogow samaanta u jaleec

Xumaan ta ka fogow samaanta u jaleec Xumaanta ka fogow samaanta u jaleec

07/06/2021

Wlaal faafi kheyrka

Wax badan Ka ogow Faa`idada Salaada Laga Helo ,  Waan Ogahay K**a War qabno Qiimah Salaadda innoo leedahay.. Dad Kale Oo...
28/05/2021

Wax badan Ka ogow Faa`idada Salaada Laga Helo , Waan Ogahay K**a War qabno Qiimah Salaadda innoo leedahay..

Dad Kale Oo Aad U badan ayaa Kula Mid ah Lkn Waxaan Kaa filayaa` in Aad U Share gareeyso Si Uu Kheyrka U gaaro Adigan Sadaqo Jaariyo Kugu Noqoto , Xitaa Markaad dhimato Ka dib:

a》. Salaada Waxeey Ruuxa Tukada U So Jiidaa in Uu Helo Arzaaqad Waasac Oo Xalaal ah.☘

b》. Salaadda Oo La Joogteeyo Tukashadeeda Waxaa Laga Helaa Caafimaad Taam ah.☘

c》. Sido Kale Salaadda Waxeey Kaa Celisaa Dhib Walba Oo Kugu dhici lahaa Adduun iyo Aakhiro Labadaba Marka Laga reebo qadarka.

d》. Waxeey Kaa tagsiisaa Salaada Tukashadeeda Cudurada Raaga Sida Sonkorta ,Dhiig Karka iyo Wadno Xanuunka.☘

e》. Qalbiga Ayaa Ku Xoogeeysta Salaad badnida Mana Daciifayo iimaankaaga.☘

f》. Wajigaaga Ayaa ifayo Haddaad Salaadda Waqtigeeda Ku Tukatid , Adiga Oo ilaalinayo Arkaanteeda , Shuruudeeda iyo Hayaadkeeda.

h》. Naftaada Waxeey dareemeysaa Mar Walba Farxad iyo Reereyn joogta ah Markaad Tukato.

i》. Waxaa guud ahaan Kaa Zuulayo Wahsiga iyo Caajizka Ku dulsaaran Maalin Walba.☘

j》. Xubnahaaga jirka Ayaa Waxeey dareemayaan Firfircooni dheeraad ah iyo Nashaadhaat badan.☘

k》. Laabta Ayaa Kuu Furmeyso Ciriiriga Aad dareemeyso Waad Ka baxeeysaa.☘

l》 .Salaada Waa Quudka Ruuxdaada , Sida Raashiinkaba Quud Ugu Yahay Jirkaaga.☘

m》. Salaada Waxaa Laga Helaa barako badan Oo ay Ugu Horeeyso Naftaada , Maalkaaga gurigaaga , Qoyskaaga iyo Caruurtaada.☘

n》. Waxaa Kaa Fogaanayo Shaydaanka iyo Ciidankiisa Waayo Uma dulqaadan Karaan Nuurka Salaada.☘

o》. Rabbi Ayaad U Sii dhawaaneysaa Mar Walba , Allah Ayaa Waxaa Uu jeclaanayaa La Kulankaaga Adigane Waad Sii jeclaaneysaa.❤

❤Ustaad Saciid Cusman Xassan ☘

Nabi Nuux Cs ayaa arkay haweeneey Ooyaysa. Markaas ayuu waydiiyay Sababta ay La Ooyayso.  Waxay ugu jawaabtay “Waxaa iga...
28/05/2021

Nabi Nuux Cs ayaa arkay haweeneey Ooyaysa. Markaas ayuu waydiiyay Sababta ay La Ooyayso. Waxay ugu jawaabtay “Waxaa iga dhintay ilmahaygii yaraa!" Wuxuu waydiiyay “Immiso sano ayuu jiray?” Waxay ugu jawaabtay “Saddex boqol oo sano (300)!”

Isaga oo Nabi Nuux doonaya in uu haweeneyda muragada ka kala yareeyo, ayuu ku yiri “Ka warran haddii aad noolaan lahayd, samanka ay nool yihiin ummad cimrigeeda 60 sano yahay?”

Waxay waydiisay “Ma 60 sano oo kaliya? Ma jiri doonaa waqtigaas qof ilaahay ku caasiya?” Wuxuu ugu jawaabay “badankood ilaahay ayay ku Caasinayaan. In yar ayaa ilaahay ka cabsanysa, una caabudaysa sidii uu u faray?”

Waxay waydiisay “Ma noqon doonaan kuwo adduunyo raac ah, oo maalmaha noloshu ku kad sooma?” Wuxuu uga jawaabay “Haa, hammigooda ugu weeyn ayaa adduunyo ah. In yar oo kamid ah ayaa aakhiro ka fakaraya.”

Waxay waydiisay “Ma noqon doonaan kuwo ku dooda wax aan macna lahayn?”

Wuxuu ugu jawaabay “Iskaddaa in ay doodaane, waxay isku dili doonaan arrin midda ugu Fudud!”

Waxah waydiisay “Ma waxay dhisan doonaa cooshado iyo cariishyo yar yar, si ay ugu nagaadaan muddadaas yar?

Wuxuu ugu jawaabay “ Iskaddaa in ay cariishyo dhistaane, waxay dhisan doonaan oo cammiran doonaan qasriyo waaweeyn, iyagoo ugu dambaynta sanooyin kooban kaddib ka dhiman doona kana safri doona!”

Haweenaydii inta ay yaabtay, oo muragadii haysay cabsi isku cadashay bay tiri “Hoogaye haddii aan ummaddaas ka mid noqon lahaa, cimrigayga oo dhan waxaan ku dhammaysan lahaa geed hoostiis,

Qabrigayga waxaan ka qodan lahaa gurigayga dhiniciisa, waxaana muddadaas baaqi ku ahaan lahaa sujuudda iyo cibaadada Alle.”

Ma garanysaa ummaddaas? Waa annaga! Waa ummadda Nabi Muxammad SCW!

DUCUCDA: Innagoo laga yaabo xittaa cimrigeennu in uusan 60 sano gaarin, haddana waa in aynaan isku mashquulin adduunyo kafan cad iyo magaca Marxuum aan kala tagayno.

Waa in muddadaas kooban ee xittaa qaarkeen aysan gaari doonin, waa in aysan ina illoowsiin aakhiro oo aan waligeed dhammaanayn! Wa in aynaan salaadaha iyo cibaadad rabbi dayyicin.

Waa in aynaan aakhiradeenna ku iibsan wax aan waxba inoo tarayn. Ugu dambayntii, waa in aan xasuusnaano mar walba adduunyada in aan ku nahay gelti ku hakaday deegaan uu birri ka safrayo.

Haddii aad soo gaartay dhammaadka qormadan, usii gudbi walaalaha aanan qisadan akhriskeeda nasiibka uhelin, ama halkan uga yeer si ay kuula akhristaan.

Ilaahoow hammigeenna ugu weeyn adduunyo ha ka dhigin! Aamiin soo qor:

18/05/2021

Walaal isku dey qalpigaaga oo saafi ah hal mar like follow walaalnimadaada wnku faanaa

27/02/2021
06/02/2021

WACAN
Mudane ama marwo diyaar ma u tahay inad ku guulaysato abaal marin qaali ah oo uu ku hayo nasiibkaga iyo numberkaad qabsato
Numberada nasiibkuna waa
1______500

Tijaabi nasiibkaga kuna guulayso

1-iphone pro 11
2-Gaadhi V8
3-lacag 1000$

Barnaamijkan waxa maal galiyey shirkadaha kala ah
DAHABSHIIL GROUP
SOMTEL

SHURUUDAHA

1-ku share garee postigan ugu yaran 4 page
2-LIKE saar page-kan
3-Qabso number 1_____500
4-massage noogu reeb magaca iyo telephone-ka

FG: marka lagu guulaysto afarta number ee ku guulaysta wan delete garayn doona

Nasiib wacan

Address

Mogadishu

Telephone

+252615642066

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xumaan ta ka fogow samaanta u jaleec posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share