Smart T-Hub

Smart T-Hub Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Smart T-Hub, Information Technology Company, Farjano, Kismayo.

10 Maalmood kaliya ayaa ka hartay xilliga loo fariisanayo Imtixaanka Qaranka ee Sanad Dugsiyeedka 2022/2023.Dedaal iyo N...
16/05/2023

10 Maalmood kaliya ayaa ka hartay xilliga loo fariisanayo Imtixaanka Qaranka ee Sanad Dugsiyeedka 2022/2023.

Dedaal iyo Nasiib wacan.

Smart T-Hub

Talooyin taxane ah, una gaar ah ardayda fasalka 12aad ee Shahaadada Dugsiga Sare.Qaybta Koowaad: Adeegsiga  Buugga  jawa...
12/05/2023

Talooyin taxane ah, una gaar ah ardayda fasalka 12aad ee Shahaadada Dugsiga Sare.
Qaybta Koowaad: Adeegsiga Buugga jawaabaha Imtixaanka.

Sida caadadeennu ahaydba marka la soo gaaro xilliyadaan oo kale ee uu Imtixaanka Qaranku soo dhawaado waxa aan talooyin iyo wacyigelinba siinnaa ardayda fasalka 8aad ee shahaadada dugsiga dhexe iyo fasalka 12aad ee shahaadada dugsiga sare.

Talooyinkeenna maanta waxa ay u gaar yihiin ardayda fasalka 12aad ee la filayo inay dhawaan u fariistaan Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2022/2023. Taladeenna koowaad waxaan ku sharxaynaa adeegsiga buugga jawaabaha lagu qoro.

Buugga Jawaabuhu waa buug ka kooban 12 warqadood oo ay dheer yihiin labada jaldi, wejiga koowaad ee buugga qaybtiisa kore-midig iyo kore-bidix waxaa ku qoran erayga “Code” kaas oo uu hortiisa ku qoran yahay calaamad laydi ahaan u samaynsan oo loogu talagalay in guddiga Imtixaanku ku qortaan lambar sireedka u gaarka ah ardayga, qaybtaan waa ka mamnuuc in uu ardaygu wax ku dhex qoro.

Bogga ama jaldiga koowaad ee buugga jawaabaha qaybtiisa bidix waxaa ku qoran talobixin ka kooban 10 qodob kuwaas oo u qoran sidatan:

1- Fadlan si wanaagsan oo deggan u aqri su’aal walba inta aadan ka jawaabin.
2- Fadlan ka jawaab dhammaan su’aalaha, hana ka tegin qaar.
3- Ku qor dhammaan jawaabaha su’aalaha buugga jawaabaha.
4- Fadlan ha ku qorin jawaabaha warqadaha su’aalaha Imtixaanka.
5- Fadlan si muuqata u qor lambarrada su’aalaha aad ka jawaabtay.
6- Magacaaga iyo taxanahaaga (Rollambarkaaga) si sax ah oo muuqata ugu dul qor buuga jawaabaha.
7- Fadlan ha isku dayin qish, taas waxay sababi kartaa in darajooyinkaaga la baabi’iyo.
8- Fadlan wax calaamad ama summad ah oo loo aqoonsan karo afgarasho ha ku dul qorin buugga jawaabaha.
9- Haddii waqti kuu soo haro iska hubi in aad ka jawaabtay dhammaan su’aalaha.
10- Ku kalsoonow naftaada iyo aqoontaada, Ilaahayna talo saaro.

Qaybta midig ee jaldiga ama bogga koowaad ee buugga waxaa ku sawiran astaanta qaranka ee labada shabeel, hoosteedana waxaa ku qoran magaca Wasaaradda Waxbarashada, intaas ka dib waxaa ku sii hoos dhigan far waaweynna ku qorana BUUGGA JAWAABAHA IMTIXAANKA iyo sanad dugsiyeedka la marayo.

Waxaa ku sii hoos qoran qaybtaan Magaca ardayga:____________________________________
Dugsiga Ardayga:________________________________________________________________
Xarunta (Goobta Imtixaanka lagu gelayo):_____________________________________________
Rool Lambarka (Taxanaha u gaarka ah ardayga):_______________________________________
Maaddada:_____________________________________________________________________
Taariikh: _______/________/_________________

Warqadaha looga jawaabayo Imtixaanka jog-taxa koowaad (column) waxaa ku qoran lambarka su’aasha, ka dibna horteeda waxaa ku qoran jawaabta su’aasha oo ah halkii lagu qorayey jawaabta, warqadaha lagu jawaabayo ayaa qiyaastii ah 12 bog.

Jaldiga dambe ee buugga jawaabaha qaybtiisa kore waxaa ku qoran NATIIJADA IMTIXAANKA oo u jadwalaysan qaab tireed, hoosteedana waxaa ku sii qoran wadarta guud ee jawaabaha ardayga tiro ahaan iyo boqolley ahaanba u qoran, tani waxay u gaar tahay guddiga Imtixaanka saxayo, ardayguna shaqo kuma lahan.

Qaybta hoose ee boggaan waxaa ku qoran Guddiga Saxayaasha iyo Saxiixyadooda, kuwaas oo kala ah:

1- Minguuriyaha.
2- Wadareeyaha.
3- Madaxa Guddiga.

FG: La wadaag arday saaxiibkaa ah oo sanad dugsiyeedka 2022/2023 isu diyaarinaya Imtixaanka Qaranka.
Naga filo talooyin kale oo la xiriira u diyaarinta ardayda Imtixaanka Qaran.

Smart T-Hub.

𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧     𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧     𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧Waxaa Dhammaan Ardayda dhigata Fasalka 4aad Ee Dugsiyada Sare lagu wargalinayaa in Bah...
11/05/2023

𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧

Waxaa Dhammaan Ardayda dhigata Fasalka 4aad Ee Dugsiyada Sare lagu wargalinayaa in Bahda Smart T-Hub Qabaneyso Seminar Ku Saabsan,"TALO SIIN IYO U DIYAAR GAROWGA IMTIXAANKA SHAADIGA FASALKA 4AAD EE DUGSIGA SARE", Kaas Oo Ka Cawinaayo Inuu Ardayga Helo Dhibco Sare iyo Xirfad ku hagta hogaan wanaagsan oo hortabin u leh howlaha Imtixaanka.

Seminarka Waxaad Ku Baran Doontaa Waxa Ardayga Lagarabo In Uu Sameeyo:
B. Isbuuca Imtixaanka Ka Horeeya.
T. Isbuuca Imtixaanka.
J. Agabka Looga Baahan Yahay Ardayga.

𝐅.𝐆: Seminarka waxa uu ku bixi doonaa Hab-Online, cawa oo Khamiis ah.
11 May, 2023, Abaaro, 8:30pm.

https://meet.google.com/bom-trvu-wtu

KA FAA'IDEYSI WACAN.

— 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 — 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —Waxaa la ogaysiinayaa,dhamaan ardadda Fasalka afaraad ee dugsiga sare (f4)  ee Degmada ...
04/05/2023

— 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 — 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —

Waxaa la ogaysiinayaa,dhamaan ardadda Fasalka afaraad ee dugsiga sare (f4) ee Degmada kismayo, in Bahda Smart T-Hub ay qabanayso tababar ku saabsan Habka u diyaar garowga Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare.

Kulanku waxa uu dhici doonaa maalinta isniinta, kuna beegan Taariikhda 8/05/2023
Saacada 03:30 𝐏𝐌 Galabnimo, Goobta kismayo technical institute ( K T I )

Smart T-Hub.

— 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 — 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —Waxaa la ogaysiinayaa, Ardayda dhigata fasalka afaraad ee dugsiga sare ee dugasi hoose ...
25/04/2023

— 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 — 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —

Waxaa la ogaysiinayaa, Ardayda dhigata fasalka afaraad ee dugsiga sare ee dugasi hoose dhexe sare ee jubba ee Degmada kismayo, in Bahda Smart T-Hub ay qabanayso tababar ku saabsan Habka u diyaar garowga Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare.

Kulanku waxa uu dhici doonaa maalinta Arbacada oo kuna beegan Taariikhda 26/04/2023
Saacada 10:30 A𝐌 Subaxnimo, Goobta waa dugsiga Hose dhexe sare ee jubba.

*MAHADSANIDIIN*

20/04/2023

EID MUBARAK
Dhamaan Bahda Smart T-Hub Oo isku duuban waxay Guud ahaan umadda islamka ah ,gaar ahaan umadda soomaaliyeed ugu hambalyeenaysaa Munaasabadda Ciidul-fidriga ,waxayna idiin rajaynayaan inaad Farxad iyo Damaashaad Kula ciidaan Qoyskiina iyo Asxaabtiinaba.

Smart T-Hub

Maamulka iyo xubnaha SMART T-HUB Waxay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaan b...
22/03/2023

Maamulka iyo xubnaha SMART T-HUB
Waxay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ramadan kariim

Asalamu alakykum Mahad oo dhan alle u sugnaaty.Waxaa  si maamuus iyo Maqaam Sare  leh inoogu soo idlaaday Tababarkenii  ...
14/03/2023

Asalamu alakykum
Mahad oo dhan alle u sugnaaty.

Waxaa si maamuus iyo Maqaam Sare leh inoogu soo idlaaday Tababarkenii aan u qabanay Ardadda Fasalka 8aad ee Degmada kismayo, kaasoo u jeedadiisu aheed Habka u diyaar garowga Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhexe.

Kulanka waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Ardadda Degmada kismayo, Gudoomiyayaasha Schoolada Magaalada kismayo , iyo Ardadda Dugsigayada dhexe kuwaasoo iskugu jira Rag iyo Dumar, iyadoo halkaas diirada lagu saarayey Imtixaaanka Shahaadiga ee kusoo wajahan Ardadda.

Waxan si gaara ugu mahadcelinayaa Gudoomiyaha iyo Qaybaha Maamulka ee Jamacada Jubba University of Somalia.

Smart T-Hub

— 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 — 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —Waxaa la ogaysiinayaa, Ardadda Fasalka 8aad ee Degmada kismayo, in Bahda Smart T-Hub ay...
13/03/2023

— 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 — 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 —

Waxaa la ogaysiinayaa, Ardadda Fasalka 8aad ee Degmada kismayo, in Bahda Smart T-Hub ay qabanayso tababar ku saabsan Habka u diyaar garowga Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhexe.

Kulanku waxa uu dhici doonaa isniinta, kuna beegan Taariikhda 13/03/2023
Saacada 03:30 𝐏𝐌 Galabnimo, Goobta waa Jaamacada Jubba soomaliya.

Kasoo qayb-gal wacan.

Address

Farjano
Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Smart T-Hub posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Smart T-Hub:

Share