01/04/2024
Intaanan is weydiinin su’aasha ah sida loo gaadhayo waaa inaan horta is weydiinaa maxaa guul ah? ama goormaan odhan karnaa qofka bani aadamka ahi wuu guuleystay ama guul dhab ah ayuu gaadhey?
Tusaale: Bani’aadamku si guul ama guul daro usheego waa inuu hadaf (target) calaamadiyaa, hadafka markaa uu xadido ee uu calaamadiyo ayuu is weydiinayaa ma gaadhey mise ma aadan gaadhin.
Haduu gaadhana waxa uu odhonayaa waa guuleystay , hadii gaadhi waayana waxa uu odhanayaa waan guul dareystay. Sida dadka oradada ah ama tartamaayasha orodka meel baa maro yar loogu xidhaa ama xariiq loogu jeexaa dabadeetana waxaa la yidhaahdaa soo baratama ama soo tartama , kan ugu horeeya ee xariga gaadha ayaa gacmaha cirka utaaga oo yidhaahda waan guuleystay sababtoo ah hadafku waa in xariiqdaa la gaadhaa oo intaan kula ordeeysa aad ka dheereysid oo aad ka hor gaadhid xariiqda haddii se aan xariiqi jirin waa hadaf meel loo ordayaa jirin , ninba meeshuu doono hadii uu u cararo keebaa guuleystay.
Haddii nimanka baratamaya qofba meel ucararo guul iyo guul daro toona sheegi meyno oo ma odhaneyno hebal baa guuleystay sababta oo ah waa hadaf aan xadidneen . nolosha bani’aadamku markaa wuxuu leeyahay ahdaaf koo kooban oo yar yar iyo hadaf weyn oo kan xaqiiqiga ah.
Tusaale ahaan ardeydga school ka marka uu sanad dhiganaayo ee uu wax soo akhriyo aadna udiyaar garoobo imtixaankana uu galo ee uu imtixaanka ku baaso waxa uu odhanayaa waan guuleystay . waayo hadafkii koowaad ee ahaa inaad sanadkaan dhameyso waad dhameysay, markaad saddex sano ama afar sano aad dhameeyso, waad guuleystay waayo waraaq yar oo magacaaga ku qoran yahay iyo inaad dugsi sare dhameysay ayaa lagu siinayaa.
Markaad jaamacada dhameysana waan guuleystay baad leedahay oo koofiyado yar yar iyo maryo yar yar inta laguu xidho ayaa lagu odhanayaa waa calaamadii guusha dabadeetana waraaq ayaa lagu siinayaa, hadaba noloshu goorma ayuu qofka bani’aadamku odhan karaa waan guuleystay?
Noloshu waa wax kooban ninka dhalinyarada ahi sheeda soke ayuu arkaa waayo wuxuu tiriyaa inta uu jirey laakiin qofka markuu da’ gaadho wuxuu is weydiiyaa war toloow maxaa ka hadhey. Xaqiiqada bani’aadamku uu wadaago ee uu wada rumeysan yahay waa geeri , intaad doonto nooloow waxaad doonto soo cun waxaad doonto soo qabo waad geeriyooneysaa sidaa darteed xariiqda ugu danbeysa ee la gaadhayaa inta dunida la joogo waa geeri intii kaa horeysayna waa geeriyootey intii joogtana waa geeriyoon doontaa.
Marka la geeriyoodo xabaalo yar baa la isku wada ridaa hadaad xoolo badan shaqeysatey oo billionaire aheyd labo maroo yar yar inta laguugu duubo ayaa xabaasha laguugu ridi, haddaad faqiir aheyd oo aadan waxba heysan labadaa marood uun baa laguugu duubi xabaashana laguugu ridi, hadaad magac iyo maamuus laheyd oo madax iyo wax soo noqotey labadaa uunbaa laguugu duubi halka ayuunbaana laguugu ridayaa, hadad nin iska xamaasho oo suuqiisa iska jooga aheyd labada marood uunbaa laguugu duubi, markaa dadkii waaba isku wada nooc oo wixiiba maradaa yar ee la isku duuduubaayo ayuunbuu ku dhamaanayaa, hadaba kee guuleystay markaa?
Noloshu waa iney hadaf leedahay wa iney qasdi leedahay markaaseynu garan karnaa yaa guuleystay yaana guul dareystay.
Illaahey wuxuu qur’aankiisa kariimka ah ku leeyahay cidii ilaahey iyo rasuulkiisa adeecday ayaa guuleystay . qur’aanka 4 jeer ayaa erayga الْفَائِزُونَ kusoo aroorey 4 taba wuxuu ka waramayaa kaa , الفَوْزُالعَظِيمُ 13 jeer bey qur’aanka kusoo aroortey, saddex iyo tobanka jeerba aakhiro ayey ka warameysaa, الفَوْزُ الكبئر hal mar ayey kusoo aroortey iyana xagaasey ka warameysaa. الفَوْزُ eraygaan kaligii 16 jeer ayuu qur,aanku qorey, 16 ka jeerba midna aduunyada ka warami meyso, 16 ka jeer intuba waxa ay ka waramayaan aakhiro.
Nolosha guusheeda dhabta ahi waa marka aad aakhiro badbaado ilaaheyna qur’aankiisa wuxuu ku leeyahay فمن زحزح عن النار وادخل الجنة فقد فاز. ilaahey markaa wuxu inuuga waramey cida guuleystay iney cidaasi oo qura tahay sidaa awgeed sidee loo gaadhaa guusha dhabta ah hadeynu nidhaahno, dariiq walba oo meeshaa ku gaadhsiinaya ayaa ah wixii lagu badbaadi lahaa, sidaa dareteed ayuu qur’anka illaahey wuxuu inoogu tilmaamey nabiyo, nabiyadu dhamaantood waa guuleysteen sow ma ahan nabi faashil ah miyaa jira waa maya, hadana ilaahey qur’aanka wuxuu inoogu tilmaamey anbiyo qaarba wax noqdey kuwo dowlado maamuley kuwo jini iyo insiba utaliyey sida suleymaan iyo daa’uud, waxaa kaloo qur’anku inoogu waramey anbiyo la laayey ama la diley inuu wax maamulo daayee, nabiyo kow lagaga siyey ayuu ilaahey qur’anka inuugu tilmaamey hadana waxaanu wada leenahay anbiyadu waa wada guuleysteen nabi guul dareystay na ma jiro oo nabi walba wuu guuleystay waayo hadafka xaqiiqiga ah ee nolosha ayuu gartey, noloshu waxey tahay buu fahmey dabadeetana isagoo jidkii noloshaa ku socda, illeen qof walba waa dhimanayaaye ayey ka baxdey sidaa daraadeed baa loo leeyahay wuu guuleystay.