Qarbooshe

Qarbooshe قــال ابـن رجــب -رحـمـه الله -:
أفضـــل الصــدقـة تعليـم جاهـل أو إيقاظ غافـل"🍂

19/10/2026

𝗦𝗵 𝘀𝗮𝗳𝗮𝗿 𝗮𝗹 𝘅𝗮𝘄𝗮𝗮𝗹𝗶 kitaabka "Al- 𝗠𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺𝘂𝘂𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗹-𝗫𝗮𝗱𝗮𝗮𝗿𝗮𝘁𝘂 𝗔𝗹-𝗚𝗵𝗮𝗿𝗯𝗶𝘆𝘆𝗮𝗵" takfiirbaa ka buuxa

__ Sh Cabdulaahi barbaraawi ✨️

بَـعْـضُ شُـرُوحَـاتِ الشَّـيْـخِــــــــــــــــــــــــــــــــــــ📜عُلُومُ الْقُرْآنِ١. تَفْسِيرُ جُزْءِ عَمَّـــــــ...
13/10/2026

بَـعْـضُ شُـرُوحَـاتِ الشَّـيْـخِ
ــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

📜عُلُومُ الْقُرْآنِ
١. تَفْسِيرُ جُزْءِ عَمَّ

ــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

📜 عِلْمُ الْعَقِيدَةِ

✨️ كُتُبُ التَّوْحِيدِ وَالْعَقِيدَةِ

١. نَوَاقِضُ الْإِسْلَامِ
٢. الْقَوَاعِدُ الْأَرْبَعُ
٣. الْأُصُولُ الثَّلَاثَةُ
٤. كِتَابُ التَّوْحِيدِ
٥. الْقَوْلُ الْمُفِيدُ فِي أَدِلَّةِ التَّوْحِيدِ
٦. كَشْفُ الشُّبُهَاتِ
٧. مَسَائِلُ الْجَاهِلِيَّةِ
٨. الْعَقِيدَةُ الْوَاسِطِيَّةُ
٩. الْقَوَاعِدُ الْكُلِّيَّةُ فِي الْأَسْمَاءِ وَالصِّفَاتِ
١٠. الْعَقِيدَةُ الطَّحَاوِيَّةُ
١١. نَظْمُ ابْنِ أَبِي زَيْدٍ الْقَيْرَوَانِيِّ

📜 ️كُتُبُ الْعَقِيدَةِ لِلْعَامَّةِ

١. دُرُوسٌ مُهِمَّةٌ لِابْنِ بَازٍ
٢. عَقِيدَةُ الْمُسْلِمِ لِابْنِ عُثَيْمِين

📜️ كُتُبُ السُّنَّةِ

١. أُصُولُ السُّنَّةِ لِلْحُمَيْدِيِّ
٢. اعْتِقَادُ أَهْلِ الْحَدِيثِ
٣. شَرْحُ السُّنَّةِ لِلْمُزَنِيِّ
٤. عَقِيدَةُ السَّلَفِ وَأَصْحَابِ الْحَدِيثِ لِلصَّابُونِيِّ
٥. الْإِبَانَةُ الصُّغْرَى لِابْنِ بَطَّةَ

ــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

📜️ عِلْمُ الْحَدِيثِ

١. أَرْبَعُونَ حَدِيثًا فِي مَذْهَبِ السَّلَفِ
٢. خَمْسُونَ حَدِيثًا مِنَ الصَّحِيحَيْنِ
٣. سَبْعُونَ حَدِيثًا مِنَ الصَّحِيحَيْنِ
٤. الْأَرْبَعُونَ النَّبَوِيَّةُ فِي نِسَاءِ الْأُمَّةِ الْمُحَمَّدِيَّةِ
٥. صَحِيحُ مُسْلِمٍ
٦. صَحِيحُ الْبُخَارِيِّ

ــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

📜 عِلْمُ الْفِقْهِ

✨️ الْفِقْهُ الْعَامُّ

١. تَلْخِيصُ صِفَةِ صَلَاةِ النَّبِيِّ ﷺ
٢. مِفْتَاحُ الْفِقْهِ
٣. مَتْنُ الدُّرَرِ الْبَهِيَّةِ

📜 فِقْهُ الشَّافِعِيَّةِ

١. مَتْنُ سَفِينَةِ النَّجَاةِ
٢. مَتْنُ أَبِي شُجَاعٍ
٣. الْيَاقُوتُ النَّفِيسُ
٤. الْمُقَدِّمَةُ الْحَضْرَمِيَّةُ
٥. عُمْدَةُ السَّالِكِ وَعُدَّةُ النَّاسِكِ
٦. مِنْهَاجُ الطَّالِبِينَ

ــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

📜 عِلْمُ أُصُولِ الْفِقْهِ

١. الرِّسَالَةُ اللَّطِيفَةُ الْجَامِعَةُ فِي أُصُولِ الْفِقْهِ لِلسَّعْدِيِّ
٢. التَّذْكِرَةُ اللَّطِيفَةُ فِي أُصُولِ الْفِقْهِ الْمُهِمَّةُ لِلْبَرْبَرَاوِيِّ
(رِسَالَةٌ كَتَبَهَا الشَّيْخُ)
٣. الْأُصُولُ مِنْ عِلْمِ الْأُصُولِ لِابْنِ عُثَيْمِين
٤. إِتْحَافُ الطُّلَّابِ بِمُهِمَّاتِ الْأُصُولِ مِنْ عِلْمِ الْأُصُولِ
٥. مَتْنُ الْوَرَقَاتِ لِلْجُوَيْنِيِّ
٦. نَظْمُ الْوَرَقَاتِ لِلْعُمَرِيطِيِّ
٧. إِمْتَاعُ الْعُقُولِ لِعَبْدِ الْقَادِرِ شَيْبَةَ الْحَمْدِ
٨. اللُّمَعُ فِي أُصُولِ الْفِقْهِ لِلشِّيرَازِيِّ

ــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

📜 عِلْمُ الْقَوَاعِدِ الْفِقْهِيَّةِ

١. مَنْظُومَةُ أُصُولِ الْفِقْهِ وَقَوَاعِدِهِ

ــــــــــــــــــــــــــــــــــــ

الشَّــــيْــــخُ عَــــبْــــدُاللّٰهِ الْــــبَــــرْبَــــرَاوِيُّ

اللَّهُمَّ بَارِكْ فِي عِلْمِ الشَّيْخِ وَعَمَلِهِ، وَانْفَعْ بِهِ الْإِسْلَامَ وَالْمُسْلِمِينَ، وَاجْعَلْ هَذِهِ الشُّرُوحَاتِ عِلْمًا نَافِعًا وَعَمَلًا صَالِحًا وَصَدَقَةً جَارِيَةً.

آمِينَ يَا رَبَّ الْعَالَمِينَ.

12/10/2026

𝗦𝗵 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗶𝗶𝗱 Sh Dr Axmed Iid

waxaa sharaf iyo farxad mudan inu markii saddexaad ku soo gebagabeeyo tafsiirka Qur’aanka Kariimka "𝐌𝐚𝐬𝐣𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐝' magaalada Hargeysa, kaddib juhdi, dadaal iyo waqti badan oo uu geliyey baridda, sharraxaadda iyo fahamsiinta kitaabka Alle.

Dhammeystirka 𝗧𝗮𝗳𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗤𝘂𝗿’𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 ma aha hawl sahlan; wuxuu u baahan yahay 𝗰𝗶𝗹𝗺𝗶, 𝗱𝘂𝗹𝗾𝗮𝗮𝗱 joogteyn iyo dadaal joogto ah. In sheekhu markii saddexaad dhammeeyo 𝗧𝗮𝗳𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗤𝘂𝗿’𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 waxay muujinaysaa dadaalka uu ugu jiro faafinta cilmiga shareecada, 𝗯𝗮𝗿𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝘂 𝗵𝗮𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 dadka faham sax ah oo ku salaysan 𝗞𝗶𝘁𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝘂𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 ﷺ.

Waxa si gaar ah u mudan in la xuso habka uu sheekhu u dhigayo 𝗧𝗮𝗳𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗤𝘂𝗿’𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮, isaga oo ku dadaalaya in aayadaha loo fahmo fahamkii Salafka saalixiinta, kana ilaaliyo fasiraad aan cilmi ku dhisnayn, xaqiiqooyinka diintana aan loo leexin ama loo marin habaabin.

Fahamka Qur’aanka ee ku dhisan dariiqii Salafka waa arrin muhiim u ah ilaalinta saxnaanta caqiidada, fahamka shareecada iyo ku dhaqanka diinta si waafaqsan daliillada.

Runtii, qofka laguma qiimeeyo oo keliya magaciisa ama maqaamka uu bulshada kaga jiro, balse waxaa si weyn loogu qiimeeyaa cilmigiisa, akhlaaqdiisa, naxariistiisa, tawaduciisa iyo sida uu dadka ula dhaqmo.

Marka laga hadlayo dadka lagu xusuusto dabeecadda wanaagsan, qalbi furnaanta iyo la dhaqanka wanaagsan ee bulshada, waxaa mudan in la xuso sifooyinka wanaagsan ee aad leedahay iyo sida akhlaaqdaadu uga tarjumayso qiimaha qofka wanaagsan.

Dabeecadahaas quruxda badan waxay ka muuqdaan hadalkaaga, dhaqankaaga iyo sida wanaagsan ee aad dadka ula macaamisho. Qalbi furnaantaada, naxariistaada iyo is-dhul-dhiggaagu waxay kaa dhigayaan qof ay dadku qadariyaan, la joogistiisuna farxad iyo xasillooni ku abuurto. Alle ha kuu barakeeyo akhlaaqda wanaagsan, hana kuu siyaadiyo khayrka iyo tawfiiqda.

📜𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱

Dhammaystirka tafsiirka Qur’aanka markii saddexaad waa munaasabad mudan in la xuso, laguna dhiirrigeliyo sii wadidda barashada Kitaabka Alle. Cilmiga Qur’aanku waa iftiin, fahamkiisa saxda ahina waa hanuun; sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la joogteeyo duruusta tafsiirka, lana ilaaliyo fahamka ku dhisan daliillada iyo dariiqii Salafka saalixiinta.

﴿ اَللّٰهُمَّ احْفَظِ الشَّيْخَ أَحْمَدَ عَبْدَ السَّلَامِ، وَبَارِكْ فِي عُمُرِهِ وَعِلْمِهِ وَعَمَلِهِ، وَارْزُقْهُ الْإِخْلَاصَ وَالتَّقْوَى وَالتَّوَاضُعَ، وَزِدْهُ رَحْمَةً وَحِكْمَةً وَخُلُقًا حَسَنًا، وَوَفِّقْهُ لِكُلِّ خَيْرٍ، وَانْفَعْ بِهِ الْإِسْلَامَ وَالْمُسْلِمِينَ، وَاجْعَلْهُ مُبَارَكًا أَيْنَمَا كَانَ. ﴾

آمِيــــــــنَ يَا رَبَّ الْعَالَمِينَ

Damiirku waa codka gudaha ee kala saara xaqa iyo baadilka, 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮, 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝘂𝗹𝗺𝗶𝗴𝗮,  waa dareenka...
12/10/2026

Damiirku waa codka gudaha ee kala saara xaqa iyo baadilka, 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮, 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝘂𝗹𝗺𝗶𝗴𝗮, waa dareenka qofka ku baraarujiya marka uu gef sameeyo, kuna dhiirrigeliya inuu xaqa raaco, xumaantana ka fogaado.

Damiirka nool wuxuu qofka xusuusiyaa in ficil kasta oo uu sameeyo uu leeyahay masuuliyad,
isla markaana ay waajib tahay inuu ilaaliyo xuquuqda dadka kale, 𝗸𝗮𝗻𝗮 𝗳𝗼𝗴𝗮𝗮𝗱𝗼 𝘄𝗮𝘅 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗮𝘄𝗮𝗰𝗮𝘆𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳𝘁𝗮 𝗯𝗮𝗻𝗶’𝗮𝗮𝗱𝗮𝗺𝗸𝗮.

Marka damiirkaasi daciifo, waxaa fududaan karta in 𝗳𝘂𝗱𝘂𝗱𝗲𝘆𝘀𝘁𝗼 𝘅𝘂𝗾𝘂𝘂𝗾𝗱𝗮 𝗰𝘂𝗹𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 la iska 𝗶𝗻𝗱𝗵𝗮𝘁𝗶𝗿𝗼 𝘅𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮, lana sameeyo falal ay tahay in laga xishoodo. Waxaa intaas ka sii daran marka daciifnimada damiirka ay weheliso 𝗸𝗶𝗯𝗶𝗿 𝗾𝗮𝗹𝗯𝗶-𝗮𝗱𝗮𝘆𝗴, 𝗮𝗸𝗵𝗹𝗮𝗮𝗾-𝘅𝘂𝗺𝗼, 𝗸𝗶𝗯𝗶𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗸𝗮 𝗰𝗮𝗯𝘀𝗶 yeri.

Xaaladdaas, waxaa dhici karta in gefkii loo arko wax caadi ah, dulmigii loo arko geesinimo, hadalkii dhaawaca lahaa loo arko xorriyad, halka ixtiraamkii iyo caddaaladdii loo arko wax aan muhiim ahayn.

𝗗𝗮𝗺𝗶𝗶𝗿𝗸𝘂 𝗺𝗮 𝗮𝗵𝗮 𝗲𝗿𝗮𝘆 𝗮𝗳𝗸𝗮 𝗹𝗮ga 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼 𝗼𝗼 𝗸𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮, 𝗯𝗮𝗹𝘀𝗲 𝘄𝗮𝗮 𝘀𝗶𝗳𝗼 𝗸𝗮 𝗺𝘂𝘂𝗾𝗮𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗻𝗸𝗮, go’aannada sida shakhsigu ula dhaqmo inta ku xeeran.

Waxaa si gaar ah u muuqda qiimaha damiirka marka ay timaaddo ilaalinta xuquuqda dadka aqoonta leh, gaar ahaan culimada diinta ee waqtigooda, 𝗱𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗼𝗼𝗱𝗮 𝘂 𝗵𝘂𝗿𝗮𝘆 𝗯𝗮𝗿𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 & 𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗰𝗶𝗹𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 .

Waxay dadka baraan waxa Alle faray dadka waxay u sharxaan 𝗮𝘅𝗸𝗮𝗮𝗺𝘁𝗮 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮, waxayna bulshada ka caawiyaan inay kala gartaan xaalasha 𝗶𝘆𝗼 xaaranta 𝘅𝗮𝗾𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗯𝗮𝗮𝗱𝗶𝗹𝗸𝗮, 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮.

Dadka caaya culimada si toos ah uma muujinayo aqoontiisa, 𝗯𝗮𝗹𝘀𝗲 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗺𝘂𝘂𝗷𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗵𝗲𝗲𝗿𝗸𝗮 𝗲𝗱𝗲𝗯𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮, Diinta laguma difaaco cay, xaqana laguma gaadho aflagaado, haddii aad xaqa u taagan tahay, xaqa ku difaac daliil iyo akhlaaq wanaagsan. 𝗫𝘂𝘀𝘂𝘂𝘀𝗻𝗼𝘄, 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮𝗮𝗴𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱, 𝗰𝗮𝗿𝗿𝗮𝗯𝗸𝗮𝗮𝗴𝘂𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻𝗼

Waxaa nasiib darro ah marka hadalka culimada iyo ducooyinkooda laga bixiyo faallooyin qallafsan oo ay ka muuqdaan ixtiraam-darro iyo edeb-xumo.

Cayda iyo aflagaadada culimada diintu ma aha arrin fudud oo la iska indho tiri karo, balse waa gef culus oo muujinaya edeb-darro iyo carrab aan la xakamayn. Culimadu waa dadka bulshada bara diinta Alle, sidaas darteed ku xadgudubka sharaftooda waa arrin mudan in laga digtoonaado.

Qofka carrabkiisa u fasaxa cay, 𝗮𝗳𝗹𝗮𝗴𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝘆𝗮𝘀𝗶𝗱 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗼𝗴𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹𝗸𝗶𝗶𝘀𝘂 𝘆𝗲𝗲𝗹𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗼 𝗰𝗮𝘄𝗮𝗮𝗾𝗶𝗯 𝘅𝘂𝗻 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗼 arintu
waxay yeelan kartaa khatar ka weyn midda uu qofku filayo.

📜 𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱"

Hu qaadan in qoraal baraha bulshada lagu qoray uu yahay wax aan waxba ka dhalanayn, eray aad ilbiriqsiyo ku qorto ayaa kuu noqon kara sabab
aad uga shallayso muddo dheer.

Carrabkaaga ilaali intaadan qoomamayn, waayo qofka hadalkiisa ilaashan waaya wuxuu naftiisa u horseedi karaa cawaaqib aanu la saadaalin karin. Alle ka cabso, sharafta dadka dhowr, ogowna in hadal kasta oo aad tidhaahdo ama qorto uu yahay masuuliyad aad ka jawaabi doonto.

Qarbooshe 📝

📜 𝗙𝗜𝗤𝗜𝗚𝗨 𝗪𝗔𝗔 𝗜𝗙𝗧𝗜𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗠𝗨𝗦𝗟𝗜𝗠𝗞𝗨 𝗞𝗨 𝗚𝗔𝗥𝗔𝗡𝗔𝗬𝗢 𝗔𝗫𝗞𝗔𝗔𝗠𝗧𝗔 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗧𝗜𝗜𝗦𝗔"✨️ Barashada cilmiga fiqigu waxay ka mid tahay waxyaabaha ...
09/10/2026

📜 𝗙𝗜𝗤𝗜𝗚𝗨 𝗪𝗔𝗔 𝗜𝗙𝗧𝗜𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗠𝗨𝗦𝗟𝗜𝗠𝗞𝗨 𝗞𝗨 𝗚𝗔𝗥𝗔𝗡𝗔𝗬𝗢 𝗔𝗫𝗞𝗔𝗔𝗠𝗧𝗔 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗧𝗜𝗜𝗦𝗔"✨️

Barashada cilmiga fiqigu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofka muslimka ahi u baahan yahay inuu noloshiisa ku dadaalo waayo waa cilmi lagu daraaseeyo" 𝗔𝘅𝗸𝗮𝗮𝗺𝘁𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲𝗲𝗰𝗮𝗱𝗮 𝗜𝘀𝗹𝗮𝗮𝗺𝗸𝗮" laguna garto sida saxda ah ee loo guto 𝗰𝗶𝗯𝗮𝗮𝗱𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗮𝗷𝗶𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗜𝗟𝗟𝗔𝗔𝗛𝗔𝗬 na faray.

Fiqigu wuxuu qofka muslimka ah baraa sida uu u 𝗗𝗮𝗮𝗵𝗶𝗿𝘀𝗮𝗻𝗮𝗮𝗻 lahaa, sida uu u 𝘁𝘂𝗸𝗮𝗻 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝘀𝗶𝗱𝗮 𝘂𝘂 𝘂 𝘀𝗼𝗼𝗺𝗶 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 , sida uu u gudan lahaa 𝘀𝗮𝗸𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝗮𝗷𝗸𝗮, iyo sidoo kale axkaamta la xidhiidha 𝗴𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮, 𝗴𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮, 𝗿𝗶𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗰𝗮𝗮𝗺𝗶𝗹𝗸𝗮, arrimaha kale ee nolol maalmeedka.

Qofka aan aqoon u lahayn axkaamta diintiisa waxaa dhici karta inuu ku khaldamo arrimo uu u baahan yahay inuu si cilmi ku dhisan u garto. Sidaas darteed, barashada fiqigu waxay qofka u horseeddaa faham wanaagsan, cibaado sax ah iyo inuu ku dhaqmo diintiisa aqoon iyo garasho.

Waxaa inoo soo dhow "𝗱𝗮𝘄𝗿𝗼 𝗳𝗶𝗾𝗵𝗶 𝗮𝗵" ah oo
muhiimad weyn u leh bulshada muslimka ah, gaar ahaan umada soomaaliyeed taas oo dhawaan inoo bilaabi doono "𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗫𝘂𝘀𝗲𝗲𝗻".

Dawradani waxay fursad u noqonaysaa dadka doonaya inay kor u qaadaan aqoontooda diineed, bartaan 𝗮𝘅𝗸𝗮𝗮𝗺𝘁𝗮 𝗳𝗶𝗾𝗶𝗴𝗮, 𝗳𝗮𝗵𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗮𝘀𝗮𝗮'𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝗮𝗻, isla markaana helaan aqoon ka caawisa inay ku dhaqmaan diintooda.

Waxaa mudan in la xusuusto in cilmiga diintu aanu ku koobneyn culimada oo keliya, balse qof kasta oo muslim ahi uu u baahan yahay inuu barto inta waajibka ku ah, ee uu ku garanayo sida uu 𝗥𝗮𝗯𝗶𝗴𝗶𝗶 u caabudayo iyo sida waajibaadkiisa u gudanayo

📜 𝗪𝗔𝗔 𝗙𝗨𝗥𝗦𝗔𝗗 𝗬𝗔𝗔𝗡 𝗟𝗔 𝗗𝗔𝗬𝗔𝗖𝗜𝗡"

Waxaan dhammaan dadka muslimiinta ah, gaar ahaan ardayda cilmiga diinta iyo dadka doonaya inay aqoontooda kor u qaadaan, ku boorrinaynaa inay ka faa'idaystaan dawrodan qiimaha badan.

📜 Sh Maxamed Xuseen ✨️

Waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu dawradan ka dhigo mid barako leh, 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗫𝘂𝘀𝗲𝗲𝗻". Alle ha u fududeeyo gudashada hawshan qiimaha badan, hana ku anfaco isaga iyo dhammaan dadka cilmigiisa ka faa'idaysan doona.

09/10/2026

𝗫𝗔𝗕𝗔𝗔𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗗𝗔𝗔𝗟𝗜𝗖 𝗘𝗘 𝗬𝗘𝗠𝗘𝗡"

𝗚𝗲𝗲𝗿𝗶𝗱𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝘅𝗮𝗾, 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝘂𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗹𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝗺𝗮𝗿𝗮𝘆𝗼 𝗲𝗲 𝗺𝗮 𝗮𝗵𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝘄𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗼"

Maanta waxaan booqday xabaalaha Daalic ee dalka Yemen. Waa xabaalo aanay dad badani ku duugnayn, balse marka aad eegto oo aad ka fikirto dadka ku aasan, waxaad dareemaysaa culayska geerida iyo sida ay nolosha adduunku u tahay mid dhammaanaysa.

Waxa ka sii murugo badan in la sheegay in hal habeen xabaalahan lagu wada aasay ilaa 𝟭𝟱 𝗾𝗼𝗳 tirada guud ee dadka dhintayna aanay yarayn.

Muuqaalkani wuxuu qofka xusuusinayaa in geeridu aanay cidna ka reebayn, qof kastana uu leeyahay maalin uu adduunkan ka tegayo, dadkii shalay noolaa, maanta waxay ku jiraan qabuuraha, waxaana u hadhay camalkoodii.

Xabaaluhu waa meel qof kasta oo nool ay
maalin u dambayn doonto hoygiisu, waa meel ina xusuusinaysa in adduunyadu tahay meel ku meel gaadh ah, aakhirana ay tahay hoyga dhabta.

Booqashada xabaalaha waxay ka mid tahay waxyaabaha qofka muslimka ah ku baraarujiya geerida, kuna kordhiya xusuusta Alle iyo u diyaar-garowga maalinta Aakhiro.

Marka qofku booqdo xabaalaha, wuxuu arkaa meel ay jiifaan dad shalay innala noolaa, kuwaas oo lahaa rajooyin, hanti, qoysas iyo qorshayaal badan, balse ay geeridu ka goysay nolosha adduunka.

Xabaaluhu waxay ina barayaan in aanan ku faanin maal, mansab, qurux iyo awood, dhammaanteen waxaan u soconnaa hal meel.

Booqashada xabaaluhu ma aha oo keliya in la arko qabuuraha, balse waa fursad qofku ku xisaabtamo naftiisa, ku saxo camalkiisa, kuna xoojiyo iimaan iyo xidhidhka uu la leeyahay Alle.

Ilaahayoow, noo dambi dhaaf annaga muslimiinta dhimatay, 𝘂 𝗻𝗮𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝘀𝗼, 𝗾𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗮𝗵𝗼𝗼𝗱𝗮𝗻𝗮 𝘂 𝗻𝘂𝘂𝗿𝗶,
kana yeel b**r ka mid ah 𝗯𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 naguna arsaaq dhammaad wanaagsan.

Maalintan oo kale, 8-da Oktoobar 2020, ayuu magaalada Makkah ku geeriyooday caalimkii, muhaddithkii, faqihii, usul-faqii...
08/10/2026

Maalintan oo kale, 8-da Oktoobar 2020, ayuu magaalada Makkah ku geeriyooday caalimkii, muhaddithkii, faqihii, usul-faqiihii iyo naxwiyihii weynaa, Sheekh Maxamed bin Cali bin Aadam bin Muuse Al-Ityuubi Al-Walawiyi, Alle ha u naxariistee. Wuxuu ka mid ahaa culimadii ugu caansanaa ee cilmiga xadiiska iyo fiqhiga xilligen, sidoo kalena wuxuu ahaa mid ka mid ah culimadii cimrigooda oo dhan u huray adeegga Sunnada Nabiga ﷺ, isagoo wax dhigi jiray, wax qori jiray, waxna kala sooci jiray oo cilmi ahaan u baari jiray.

Wuxuu dhashay sannadkii 1946, dhulka Xabashida (Itoobiya), wuxuuna ku barbaaray qoys cilmi iyo diin leh. Yaraantiisii ayuu Qur’aanka Kariimka ah ka akhriyey aabbihii, dabadeedna wuxuu cilmiga ka bartay culimo dhowr ah oo dalkiisa joogtay. Macallimiintiisii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa aabbihii, caalimkii Cabdul-Baasit bin Maxamed Al-Ityuubi, caalimkii Maxamed Sacad Ad-Darri, caalimkii Maxamed Zayn Al-Ityuubi, muhaddithkii Maxamed bin Raafic bin Basri, iyo culimo kale.

Wuxuu si weyn ugu xeel-dheeraa culuumta xadiiska iyo cilladihiisa, fiqhiga iyo usuu’lkiisa, luqadda Carabiga, naxwaha, sarfiga iyo balaaqada. Waxaa kale oo lagu yaqaanay xifdi xooggan iyo aqoon ballaaran. Wuxuu xifdiyey matnuun iyo manzuumaad cilmiyeed badan, waxaana ka mid ahaa Alfiyyada Ibnu Maalik iyo Alfiyyada As-Suyuudi ee Mustalaxul-Xadiiska.

Wuxuu dalkiisa ka bilaabay waxbaridda, halkaas oo uu macallin ka ahaa muddo ku dhow afar sano. Dabadeed wuxuu u hijrooday magaalada Makkah Al-Mukarramah sannadkii 1981, wuxuuna ku biiray Machadka Xaramka Makkiga. Kadib wuxuu u wareegay Daarul-Xadiith Al-Khayriyyah, isagoo markii h**e halkaas u tegay arday ahaan. Hase yeeshee, masuuliyiintii goobta ayaa markii ay imtixaameen garwaaqsaday baaxadda aqoontiisa iyo qoto dheerida cilmigiisa, sidaas darteed waxaa loo magacaabay macallin halkaas sannadkii 1988.

Muddo dheer ayuu halkaas wax ka dhigay, waxaana cilmigiisa ka faa’iidaystay arday badan oo cilmi-doon ah oo ka kala yimid dalal iyo qaarado badan. Waxa kale oo uu casharro ka bixin jiray Masjidka Daarul-Xadiith ee Ajyaad, dabadeedna Jaamicul-Abraar. Ugu dambayntiina Alle wuxuu ku sharfay inuu wax ka dhigo Masjidka Xaramka, halkaas oo uu casharradiisa ka bilaabay bilowgii Ramadaanka sannadkii 1434H, oo ku beegnayd 2012.

Sheekhu wuxuu wax ka bartay culimo badan oo waaweyn oo ku kala sugnaa dalkiisa iyo dhulka Xijaaz. Wuxuu sidoo kale la kulmay culimo waaweyn oo lahaa silsilado xadiis iyo riwaayad, gaar ahaan kuwa Makkah, qaar badan oo ka mid ahna waxay siiyeen ijaa’zo.

Culimada ugu caansan ee uu la kulmay oo uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa Musnaddii weynaa Sheekh Maxamed Yaasin Al-Fadaani Al-Makki, Sheekh Ismaaciil bin Cusmaan Az-Zayn, caalimkii Maxamed Al-Muntasir Al-Kattaani, muhaddithkii Maxamed bin Cabdullaahi As-Soomaali, Sheekh Mawlawi Icaazul-Xaq Al-Arkaani, iyo culimo kale oo ka kala yimid Xijaaz, Yemen iyo Maghrib.

Sidaas darteed waxaa isugu yimid Sheekha cilmiga riwaayada iyo diraayada, macallimiin iyo ijazaat badan, iyo weliba culuumtii shareecada iyo luqadda ee uu dalkiisa ku soo bartay.

Sheekhu, Alle ha u naxariistee, wuxuu si joogto ah ugu dadaalay waxbaridda iyo baridda cilmiga. Waxaa ka faa’iidaystay tiro aad u badan oo arday cilmi-doon ah oo ka kala yimid dalal kala duwan, gaar ahaan Daarul-Xadiith Al-Khayriyyah ee Makkah, halkaas oo uu muddo dheer ku dhigi jiray Kutubta Sitta, culuumta xadiiska iyo culuumta kale ee qalabka ah.

Kadib waxaa casharradiisii iyo duruustiisii ku baahday magaalada Makkah, ilaa uu wax ka dhigay Masjidka Xaramka. Waxaa gacantiisa ka baxay oo wax ku bartay arday cilmi badan, kuwaas oo qaar badan ay cilmigiisa u gudbiyeen dalal kala duwan. Sidaas ayuu Alle uga dhigay macallin jiilal badan oo ardayda cilmiga ah, sidoo kalena wuxuu ahaa qoraa ka tegay dhaxal cilmiyeed aad u ballaaran.

Sheekhu wuxuu si gaar ah ugu caan baxay daryeelka xadiiska iyo culuumtiisa. Wuxuu lahaa faham ballaaran oo ku saabsan hadallada iyo qoraallada imaamyada, weedhihiisuna waxay ahaayeen kuwo xooggan oo cad. Wuxuu si wanaagsan isugu dari jiray riwaayada iyo diraayada, isagoo sidoo kale si weyn ugu xeel-dheeraa culuumta Carabiga, usuu’lka iyo fiqhiga.

Wuxuu ka tegay qoraallo iyo kutub cilmiyeed aad u tiro badan. Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ahaa:

“Al-Bahr Al-Muhiit Ath-Thajjaaj fii Sharxi Saxiixil-Imaam Muslim bin Al-Xajjaaj”, oo ah sharaxdiisa Saxiix Muslim.

“Dakhiiratul-Cuqbaa fii Sharxil-Mujtabaa”, oo ah sharaxdiisa Sunan An-Nasaa’i.

“Mashaariqul-Anwaar Al-Wahhaajah wa Mataaliicul-Asraar Al-Bahaajah”, oo ku saabsan sharaxaadda Sunan Ibnu Maajah.

“Qurratu Caynil-Muhtaaj fii Sharxi Muqaddimati Muslim bin Al-Xajjaaj.”

“Qurratul-Cayn fii Talkhiisi Taraajimi Rijaal As-Saxiixayn.”

“Iscaafu Dhawil-Watar fii Sharxi Nazmid-Durar fii Cilmi Al-Athar.”

“Al-Jaliis As-Saalix An-Naafic Sharxul-Kawkab As-Saadic.”

Iyo kutub iyo manzuumaad kale oo badan oo ku saabsan xadiiska iyo culuumtiisa, fiqhiga iyo usuu’lkiisa, iyo luqadda Carabiga.

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu ku caan baxay, Alle ha u naxariistee, waxaa ka mid ahaa qoraal badan iyo samir iyo adkaysi weyn oo uu u lahaa qorista cilmiga. Wuxuu ka tegay sharaxaadihii waaweynaa ee kutubta Sunnada, isagoo qoraalladiisa ku mideeyey takhriijka xadiisyada, fahamka iyo fiqhiga xadiiska, soo gudbinta hadallada culimada, cilmi-baadhis, dood cilmiyeed iyo doorbididda ra’yiga ugu xooggan.

Tusaale weyn oo arrintaas muujinaya waa sharaxiisa Sunan An-Nasaa’i, oo uu ugu bixiyey “Dakhiiratul-Cuqbaa fii Sharxil-Mujtabaa.” Wuxuu ku qaatay qorista buuggan ku dhowaad shan iyo toban sano, ugu dambayntiina wuxuu dhammeeyey isagoo ka dhigay 40 qaybood (juz). Shaqadan weyn waxay markhaati u tahay himiladiisa sare ee uu ugu adeegayey Sunnada iyo muddada dheer ee uu ku bixiyey cilmi-baadhista, qorista iyo baridda cilmiga.

Sidoo kale Sheekha waxaa lagu yaqaanay is-hoosaysiin, u heellanaanta cilmiga iyo waqtigiisa oo uu u huray waxbaridda. Himiladiisu ma ahayn magac iyo muuqaal, balse wuxuu noloshiisa u huray cilmiga iyo ardaydiisa. Wuxuu sii waday casharradiisa, qorista iyo waxbaridda magaalada Makkah ilaa dhammaadkii noloshiisa.

Khamiistii, 8-da Oktoobar 2020, oo ku beegnayd 21-ka Safar 1442H, ayuu Sheekh Maxamed Cali Aadam Al-Ityuubi, Alle ha u naxariistee, ku geeriyooday magaalada Makkah Al-Mukarramah.

Salaaddii janaasada waxaa lagu tukaday Masjidka Xaramka, salaaddii Cishaha ka dib. Dabadeed waxaa lagu aasay Qabuuraha Shuhadada Xaramka ee Ash-Sharaa’iic.

Alle ha u naxariisto Imaam Maxamed Cali Aadam Al-Ityuubi naxariis ballaaran. Alle ha uga abaalgudo adeeggiisii uu u qabtay Sunnada iyo dadka Sunnada, iyo ardaydii cilmiga, abaalgudka ugu wanaagsan.

Alle ha barakeeyo cilmigiisii iyo raadkii cilmiyeed ee uu ka tegay, hana ka dhigo kutubtii iyo waxbaristii uu ka tagay miisaanka xasanaadkiisa. Hana sii waaro xusuustiisu inta laga faa’iidaysanayo cilmigiisa. Aamiin.

08/10/2026

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝘄𝗾𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱

Hees waa hees, mid qalbigu ku khushuucaa ma jirto, qofku wuxuu hees ka heli karaa dareen, farxad ama xamaasad, laakiin dareenkaas looma bixin karo khushuuc, yaan laysku Khaldin dareenka madadaalada iyo khushuucda.

Haddii qof yidhaa "𝗛𝗲𝗲𝘀 𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗸𝘂 𝗸𝗵𝘂𝘀𝗵𝘂𝘂𝗰𝗮𝗮“ waa muhiim in la kala saaro laba arrimoo dareenka qofka ku dhacay, iyo khushuuca ay 𝗤𝘂𝗿’𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝘂𝗻𝗻𝗮𝗱𝘂 𝘁𝗶𝗹𝗺𝗮𝗮𝗺𝗲𝗲𝗻, ,laakiin magaca iyo macnaha الخُشُوع wuxuu leeyahay asal diini ah oo ka qoto dheer qiiro ama madadaalo keliya.

Masuul laga filayo inuu bulshada ku hago arrimaha diinta iyo akhlaaqda, uu meel lasoo istaago diinta 𝗛𝗲𝗲𝘀 𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗸𝘂 𝗸𝗵𝘂𝘀𝗵𝘂𝘂𝗰𝗮𝗮" hadalkaasi ma aha hadal iska caadi ah oo aan wax saameyn ah laheyn

Waxaa laga yaabaa in qofku uu hadalkaas uula jeedo dareen shakhsi ah oo uu heesaha ka dareemo, laakiin marka hadalkaasi ka soo baxayo 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝘄𝗾𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮 isla markaana lagu yidhaahdo goob fagaare ah, wuxuu yeelan karaa macne iyo saameyn ka ballaaran dareenka qofka gaarka ah.

Mas’uulka xilkaas haya waxaa si gaar ah looga doonayaa inuu ka fiirsado eray kasta oo uu bulshada hortooda ka yidhaahdo, maadaama hadalkiisa loo qaadan karo tusaale.

Mas’uulka xilkaas haya waxaa laga rabaa inuu bulshada ku 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗶𝗶𝗿𝗿𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗾𝗮𝗹𝗯𝗶𝗴𝗮 𝘂 𝗱𝗵𝗼𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗔𝗹𝗹𝗲, 𝗤𝘂𝗿’𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮, 𝗰𝗶𝗹𝗺𝗶𝗴𝗮, 𝗰𝗶𝗯𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗸𝗵𝗹𝗮𝗮𝗾𝗱𝗮 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻, isla markaana uu ka fogaado erayo laga yaabo inay dadka u furayaan muranada diineed

Marka qof caadi ah uu hadal kasoo baxo saameyntiisa waxay ku ekaan kartaa dad kooban laakiin marka uu hadalkaasi ka soo baxo masuul sare wuxuu yeelan karaa saameyn ballaaran.

Dadka diinta hagaya waxaa looga baahan yahay inay noqdaan kuwo hadalkoodu bulshada ku haga, khairka ee aanu hadalkoodu noqon mid dadka u furaya albaab ay ku marmarsiyoodaan.

Arrintu ma aha in qof gaar ah la weeraro ama la ceebeyo. Waxa laga hadlayaa waa mas’uuliyadda hadalka, gaar ahaan marka hadalka uu ka soo baxayo masuul haya xil diineed,

waa xusuusin ku saabsan xilka, miisaanka hadalka iyo masuuliyadda ka dhalan karta eray u yidhaahdo qof bulshada hage u ah.

Qarboshe 📝

06/10/2026

𝗗𝗶𝗶𝗻𝘁𝘂 𝗺𝗮'𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗮𝗯𝘀𝗶 waa 𝗵𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻, 𝗿𝗮𝗷𝗼, 𝗮𝗸𝗵𝗹𝗮𝗮𝗾 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱.

Aakhiro waa xaq, xusuusteeduna waa muhiim
qofka Muslim ah waa inuu ogaadaa in noloshan adduunku tahay meel laga gudbayo, aakhirona tahay hoyga waaritaanka, laakiin su'aashu waxay tahay:

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗼, 𝗶𝘆𝗮𝗱𝗼𝗼 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘁𝘂 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮𝗯𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝘅𝗶dh𝗮𝘆?

𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗹𝗮 𝗶𝗻𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼 𝗼𝗼 𝗸𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗾𝗮𝗯𝗿𝗶𝗴𝗮
𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆𝗮, 𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗮𝘆𝗮 𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮
𝘂𝗴𝘂 𝗱𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿'𝗴𝗮𝗿𝗼𝘄𝗻𝗼 𝗾𝗮𝗯𝗿𝗶𝗴𝗮?

𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗹𝗮 𝗶𝗻𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼 𝗰𝗮𝗱𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮, 𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗮𝘆𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗸𝗲𝗲𝗻𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗯𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮?

𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗹𝗮 𝗶𝗻𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼 𝗝𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮, 𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮 𝘁𝘂𝘀𝗮𝘆𝗮 𝘄𝗮𝗱𝗱𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿𝗼?

𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗹𝗮 𝗶𝗻𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗼 𝗴𝗲𝗲𝗿𝗶𝗱𝗮, 𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗻𝗮 𝘅𝘂𝘀𝘂𝘂𝘀𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘆𝗻𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗮𝗻?

Mararka qaar waxaa la yiraahdaa: 𝗖𝘂𝗹𝗶𝗺𝗮𝗱𝘂 𝗮𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗼 𝗼𝗼 𝗸𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗸𝗮la 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝗮𝗻
laakiin marka si dhab ah loo eego, culimadu
dadka waxay xusuusiyaan 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗮𝗱𝗼𝗼𝗱𝗮, sababtoo ah Islaamku ma kala gooyo labadaas nolol.

Caalimku marka uu ka hadlo salaadda, wuxuu ka hadlayaa aakhiro, laakiin wuxuu sidoo kale hagaajinayaa nolosha adduunka, marka uu ka hadlo akhlaaqda, wuxuu qofka barayaa sida uu dadka ula dhaqmi lahaa.

Marka uu ka hadlo xalaasha iyo xaaraanta, wuxuu ganacsadaha xusuusinayaa sida uu hantidiisa u kasban lahaa, isla markaana aakhiradiisa u badbaadin lahaa.

Marka uu ka hadlo tarbiyadda carruurta, wuxuu waalidka xusuusinayaa masuuliyadda adduunka saaran iyo abaalka uu Alle uga rajaynayo aakhiro.

Marka uu ka hadlo guurka iyo qoyska, wuxuu dadka barayaa sida guri ku dhisan naxariis, ixtiraam iyo masuuliyad loo dhiso.

Marka uu ka hadlo dulmiga iyo xaq-darrada, ma aha oo keliya cabsi gelin aakhiro; waa ilaalinta nolosha dadka maanta jooga.

Marka uu ka hadlo tawbadana, wuxuu qofka xusuusinayaa in haddii uu maanta khaldamay, uu weli haysto fursad uu Rabbigiis ugu laabto.

Marka uu ka hadlo geerida iyo qabriga, ujeeddadu ma aha in qofka laga quusiyo nolosha adduunka, ee waa in lagu xusuusiyo in noloshu leedahay dhammaad, ayna tahay inuu maanta camal wanaagsan sameeyo.

Culimadu waxay ina xusuusiyaan halka aan ka nimid, halka aan joogno iyo halka aan u soconno.

Waxay ina baraan sida adduunka loogu shaqaysto iyadoo aan aakhiro la illoobin, iyo sida aakhiro loogu diyaar garoobo iyadoo masuuliyadda adduunka aan laga cararin.

Qofka Muslimka ahi ma aha qof adduunka ka taga oo keliya aakhiro raadiya, mana aha qof aakhiro illooba oo adduunka keliya ku mashquula. Waxaa laga rabaa inuu adduunkan ku noolaado isagoo aakhiradiisa diyaarsanaya.

Sidaas darteed, khudbadda caalimka marka aad maqasho, ha ka raadin oo keliya waxa maanta ku xiisaynaya; ka raadi waxa berri ku badbaadinaya.

Haddii uu ka hadlayo geerida, ka fikir sida aad noloshaada u hagaajin lahayd.

Haddii uu ka hadlayo aakhiro, ka fikir camalka aad maanta samayn karto.

Haddii uu ka hadlayo adduunka, ka fikir sida aad adduunka ugu noolaan lahayd adigoo Alle ka cabsanaya.

Culimadu waa muraayad ay bulshadu isku eegto waxay xusuusinayaan qofka marka uu iloobo Rabbigiis, waxay baraan marka uu jahli galo, waxay waaniyaan marka uu khaldmo, waxayna dhiirrigeliyaan marka uu wanaag sameeyo.

Haddaba aan culimada ka faa'iidaysanno. aan dhagaysanno marka ay aakhiro ina xusuusinayaan.
aan dhagaysanno marka ay adduunka ina barayaan.

Waayo qofka nasiibka leh ma aha kan dunida oo keliya hagaajiya, ee waa kan adduunkiisa ku hagaajiya cilmiga, aakhiradiisana ku diyaariya camalka.

Culimadu adduun bay ina baraan, aakhiro bay ina xusuusiyaan, jidka toosanna way ina tusaan.

Ilaahay ha xafido culimadeenna, ha ku anfaco cilmigooda, hana inaga dhigo kuwa cilmiga maqla oo wanaaggiisa raaca.

𝗠𝗮𝗮𝗻𝘀𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗱𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮𝗮𝗻 𝗾𝗼𝗿𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗶𝗻𝗲𝘆ay.

𝗔𝗯𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗛𝗮𝗱𝗿𝗮𝗮𝘄𝗶 𝗮𝗹𝗹𝗲 𝗵𝗮 𝘂 𝗻𝗮𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝘀𝘁𝗲𝗲, wuxuu ahaa halyey 𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗼𝗼 𝘀𝘂𝘂𝗴𝗮𝗮𝗻𝘁𝗶𝗶𝘀𝘂 aheyd hanti aan la ilaawi karin, xikmaddiisuna
waxay taabanaysaa 𝗾𝗮𝗹𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗷𝗶𝗶𝗹𝗮𝗹 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻.

𝗔𝗞𝗛𝗜𝗥𝗢 𝗛𝗔𝗟𝗞𝗔𝗬 𝗧𝗔𝗛𝗔𝗬 𝗢𝗗𝗔𝗬𝗚𝗔𝗡 𝗢𝗚𝗔𝗬𝗦𝗜𝗜𝗬𝗔?
┈┈┈┈┈┈┈┈┈┈┈┈┈┈

● Arraxmaan siday tiri
● Hadalkii Ilaahay
● Ruuxii islaam ihi
● Sida uu aqoonsaday
● Waa oomman hawdoo
● Waa guri abeesoo
● Edeg weeye hoosoo
● Abataqan ku yaalloo
● Waa iil madaw oo
● Rabbigay addoomaha
● Kaga aargutaayoo
● Waxa laga arooraa
● Irdahaa xabaashoo
● Amban maayo ruuxii
● Qabri lagu adkeeyee

● Marna oosha guudkiyo
● Waa oogadeennoo
● Waa b**r udgooniyo
● Duni wada ilaysoo
● Waa ceel irmaan iyo
● Togag wada ordaayiyo
● Ilo wada xareedoo
● Lagu oon baxaayoo
● Naftu eegma sugashada
● Ashqaraar ka qaaddoo
● Toddobaatan ooryood
● Lala aqal galaayoo
● Rabbigay addoomaha
● Ku abaal marshaayoo
● Dhibta lagu illaabee

📜 𝗦𝗵 𝗡𝘂𝘂𝗿 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰' 𝗦𝗵 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗮𝗳𝗶
𝗦𝗵 𝗬𝘂𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗷𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰"✨️

Qarbooshe 📝

𝟭𝟬,𝟬𝟬𝟬 𝗙𝗢𝗟𝗟𝗢𝗪𝗘𝗥𝗦 Alxamdulillaah, maanta waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan gaadhay 𝟭𝟬,𝟬𝟬𝟬  qof oo𝗯𝗼𝗴𝗴𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗙𝗮𝗰𝗲𝗯𝗼𝗼𝗸 ra...
05/10/2026

𝟭𝟬,𝟬𝟬𝟬 𝗙𝗢𝗟𝗟𝗢𝗪𝗘𝗥𝗦

Alxamdulillaah, maanta waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan gaadhay 𝟭𝟬,𝟬𝟬𝟬 qof oo
𝗯𝗼𝗴𝗴𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗙𝗮𝗰𝗲𝗯𝗼𝗼𝗸 raacsan.

Tiradani aniga iima aha tiro keliya. Waxay ii tahay kalsooni, dhiirrigelin iyo xusuus muujinaysa in ay jiraan dad qiimeeya waxa aan la wadaago.

𝗪𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗼𝗳 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗯𝗼𝗴𝗴𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗿𝗮𝗮𝗰𝗮𝘆,
𝗺𝗶𝗱 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗾𝗮𝘆𝗯 laxaad
𝗹𝗲𝗵 𝗸𝗮 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗮𝗻.

Boggan waxaa lagu soo gudbiyaa duruus, qoraallo
Iyo "𝗺𝘂𝘂𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗰𝘂𝗹𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗰𝘄𝗮 𝘀𝗮𝗹𝗮𝗳𝗶𝘆a" sidoo kale waxyaabo faa’iido leh, kuwaas oo xambaarsan
𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝗼, 𝘅𝘂𝘀𝘂𝘂𝘀𝗶𝗻 iyo waxyaabo bulshada anfaca. qadarin ayaan idiin hayaa taageeradiinnu waxay na siinaysaa dhiirrigelin aan ku sii wadno waxa wanaagsan.

𝟭𝟬,𝟬𝟬𝟬 ee qof ee maanta nala jooga waxay ina tusayaan, 𝗶𝗻 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻, 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴 iyo wax bulshada anfaca la wadaago, ay gaadhi karaan
dad ka badan intii la filayay.

𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗿𝗮𝗷𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗯𝗼𝗴𝗴𝗮𝗻𝗶 𝘀𝗶𝗶 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗮𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗼 𝗹𝗲𝗵, 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻 𝗸𝗼𝗿𝗼𝗿𝘀𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝘂𝘀𝘂𝘂𝘀𝗶𝗻 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻.

Kuwii h**e noo raacay, kuwa maanta nagu soo biiray iyo kuwa mustaqbalka nagu soo biiri doona, dhammaantiin qalbigayga meel gaar ah ayaad kaga jirtaan.

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago safarkan, waxaana rajaynayaa in waxa aynu halkan ku wadaagno ay noqdaan kuwo raad wanaagsan reeba.

𝗧𝗮𝗻𝗶 𝘄𝗮𝗮 𝗯𝗶𝗹𝗼𝘄 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯, 𝘀𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝘂𝗻𝗮 𝘄𝗲𝗹𝗶 𝘄𝘂𝘂 socda

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qarbooshe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qarbooshe:

Shortcuts

Share