16/01/2024
Motherboard-ku waa xubinta ugu weyn ee isku xirta kambuutarka birihiisa isuna gudbisa Electric-da kambuutarka. Motherboard waxaa kaloo loo yaqaan Main board ama System Board waxaa lagu xiraa Box-ka ama Case Computer-ka.Noocyada Motherboard ka:
Noocyada (Form Factors) ugu caansan ee Motherboard ka waa ATX, MicroATX, BTX, iyoLTX.ATX waa nooca ama form ka Motherboard ugu caansan ee la isticmaalo. Waxaa ka horeeyey oo dhismaheedu ka yimid nooc la oranjiray AT iyo Baby AT oo suuqa kabaxay dhamaad kii 1990s kii. Sababta loo joojiyey AT Motherboard waxay aheyd; way adkeyd in la badalo iyo CPU-ga oo ku xirnaa meel Expansion Slot ku dhow. Sababta ugu mihiimsan ee loo isticmaalo ATX maanta waa qaabka ay u dhisantahay oo wanaagsan iyo qalabka lagu xiro oo an istaabaneyn. ATX balaceedu waa 12 x 9.6 waxeyna badeshay Baby AT. Waxay ATX ku leeday nooc yar oo loo yaqaan Mini-ATX ama Micro-ATX uu balaceedu yahay 11.2 x 8.2 kana qalabyar ATX ka caadiga ah. ATX motherboard iyo Computer Power supply-ga waxaa leyskula xiraa gudbiso (power connector) loo yaqaan P1 Connector oo xadkiisu yahay 3.3-volt ilkihuusana (pins) yihiin 20 ilig. Mararka qaarkood waa dhacda any fiilo kale oo dheeraad ah la socoto oo kale 4-pin (4-pin auxiliary connector). ATX nooceeda ugu danbeeyey waxay ku timaada 24-ilig (24-pin connector). 20-pin Power supply waad ku xirikartaa 24-pin Motherboard. Waxaa mihiim ah inaad Motherboard iyo Power supply ga inay isqaadan karaan awood ahaan iyo hadaad qalabadan ku xirisid motherboard inuu Power Supply awood badan yahay.