24/06/2023
Todobaadkan waxa wararka caalamiga ah iyo baraha bulshadaba haystay dalxiisayaal ay ka mid yihiin dad caan ah oo u gujis ah u raacay nooca badaha hoosteeda quusa sidii ay usoo booqan lahaayeen hadhaaga markabkii caanka ahaa ee sida taariikhda lagu wariyay ku degey bad-weynta Atlantic Occean sannadii 1912-kii ee TITANIC.
Markii markabkan la sameeyay waxay ugu yeedheen magacyo muujinaya awoodda farsamo ee lagu sameeyay markabkan baaxadda weyn, waxay yidhaahdeen ilaahay waligii muu samayn (The God Has Never Made), sidoo kale waxay ugu magac dareen TITANIC oo ah kii wax walba ka sii waynaa.
Wixii ku dhacay waa tii la ogaa ee filimka caanka ee TITANIC laga sameeyay, qoladan dalxiisaka u tagtay ee ilaa iminka la raadinayo xogtooda waxay ugu yeedheen arrin masiibo ah (Catastrophic Missing), waxay raadinayaan iyo ujeeddadoodu waxay ahayd dheel-dheel iyo faakahaysi waxaase meesha ku jirta xikmad weyn oo la xidhiidha weynaanta ALLAH iyo in wax kasta oo weynaan loo muujiyo ay ka sii wayntahay waynaantiisu عز و جل.