Pro Maxamed Dhaqane

Pro Maxamed Dhaqane Kaaftoon.com waa online ugu baaxadda weynleh Gayiga Somalida. Waxaad ugu soo hagaysaa qiima jaban.

War deg deg ah: Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa bilaabay Baadhitaan ay ku samaynayaan sababtii ka danbaysay Dabkii ka...
05/04/2022

War deg deg ah: Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa bilaabay Baadhitaan ay ku samaynayaan sababtii ka danbaysay Dabkii ka kacay suuqa Waaheen.

Ugu horayn Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland General Dabagale ayaa ka tacsiyasadeeyay shacabka Somaliland khasaarihii ka soo gaadhay masiibadii dhacday, wuxuuna ka codsaday in ciddii wax macluumaad ah ka haysa dabkaas iyo sababta keentay ay la xidhiidhaan:

063-4424754
Hoggaanka Hawl-gelinta ciidanka Booliska.
Ibraahin Cabdi Xaaji.

063-4445048
Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska
Faysal xiis.

063-4446795
Taliyaha qaybta Ilaahada Cashuuraha
Cabdi Cali Xayd.

Xogtan waxaa lagu baahiyay Bogga rasmiga ah ee ciidanka booliska Somaliland

23/03/2022

Digniin

23/03/2022

Madaxweynihi h**e ee Jamhuriyadda Somaliland, Ahmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) iyo Taariikhda Halgankii SNM.

In ka badan 117 xildhibaan ka Tirsan Congress ka dalka maraykanka ayaa Doonaya in Somaliland loo aqoonsado Jamhuuriyad G...
22/03/2022

In ka badan 117 xildhibaan ka Tirsan Congress ka dalka maraykanka ayaa Doonaya in Somaliland loo aqoonsado Jamhuuriyad Gaar ah.

Sida lagu daabacay Website ka Congress ka maraykanka.

War shiilan.

22/03/2022

Ninkan Odayga ah laba xaas oo uu qabay ayuu furay Busaarad awgii.

Hadda Masjid Jigjiga ku dhex yaalla ayuu hadda dhex seexdaa sida uu sheegay.

Haweenka iyo xilliga adag ???

22/03/2022

Somaliland Oo Caawa Somaliya Aroostay 💝👀❤✅ Hanbalyo

Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Ka Jeediyey Jaamacadda The George Washington Oo Ku Taalla MaraykankaMadaxweynaha Jamh...
22/03/2022

Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Ka Jeediyey Jaamacadda The George Washington Oo Ku Taalla Maraykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi oo ku gudojira socdaalkiisii Maraykanka oo galay maalintiisi Tobnaad, ayaa maanta khudbad dheer oo la xidhiidha, xidhiidhka caalamiga ah iyo doorka Somaliland ka jeediyey machadka darasaadka Afrika ee Jaamacadda The George Washigton ee dalkaas Maraykanka.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisii oo lagu marti qaaday Jaamacadda The George Washigton, wuxuu sheegay inay Somaliland u halgamayso madax-bannaanida halgameyaashii George Washington ka mid ahaayeen ay dhaxal uga tageen dadka Maraykanka. Madaxweynaha JSL wuxuu ka xog-warramay sooyaalkii taariikheed ee ay Somaliland soo martay iyo xornimadii ay ka qaadatay Ingiriiska 26-kii June 1960kii.
Madaxweynuhu wuxuu xusay inay Somaliland tahay dal bogcad istaraataji ah kaga taalla gobolka Geeska Afrika iyo gacanka cadmeed. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray dib u dhiska dalku uu Jamhuuriyadda Somaliland ku qaatay muddo 33 sannadood ah inay soo gaadho heerka maanta ay ku naalloonayso oo ay caalamka u soo bandhigtay inay iskeed is-bixisay aqoonsi la’aan.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu iftiimiyey inay Somaliland leedahay Xukuumad, laba aqal oo baarlamaan oo la soo doortay, isla markaana ay dalka ka dhaceen 22-kii sannadood ee la soo dhaafay lix doorasho oo u qabsoomay hannaan xor iyo xalaal ahi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay in Somaliland ay ka jirto xasilooni cago-adag ku taagan, waxaanu ka hadlay qaraxii argagixiso ee ka dhacay Hargeysa 2008 iyo dilkii Macalimiintii Ingiriiska ahaa lagu khaarajiyey Dugsiga Sheekh Sannadkii 2004-tii, waxaanu tilmaamay in muddadii intaas ka dambeysay ay Somaliland xuduudaheeda beriga iyo baddaba ay ka fogaysay kooxaha argagixisada iyo budhcad-baddeedda halista ku haysa gobolka Geeska Afrika.
Waxa kaloo uu tilmaamay madaxweynuhu inay Somaliland ilaalo xoog leh ka hayso badda cas iyo marinka gacanka Cadmeed oo ah ka ugu mashquulka badan ee ganacsiga adduunka iskaga gooshaa uu maro.
Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi wuxuu sheegay in dawladnimadda Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto cashuurta laga qaado muwaadiniinta, isla markaana aanay jirin cid ka kabta miisaaniyadda, waxaanu xusay inay Somaliland isla markaana laga dhisay adeegyada bulshada ee aasaasiga ah sida dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaale ee dalkaba.
Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland dawladdii Soomaaliya ku duqaysay diyaaradihii laga soo iibiyey cashuurta shacbiga isla markaana la duqeeyey oo la burburiyey magaalooyinka dalka iyo dhammaan xafiisyada iyo adeegyada guud ee dalka.
Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland lixda gobol ee waaweyn laga dhisay 1,000 dugsi, isla markaana gobol walba laga hirgaliyey Jaamacad. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu caddeeyey in 400 oo rugo caafimaad ay Somaliland dhisatay. Waxaanu xaqiijiyey inay Somaliland tahay dal aan lagu lahayn wax deyn ah.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliland xafiisyo wakiil ku leedahay 28 dal oo caalamka ku kala yaalla, isla markaana ay magaalada Hargeysa xafiisyo ku leeyihiin dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Turkiga, Imaaraadka iyo Taiwan, waxaanu xusay in yoolka ugu weyn ee Somaliland leedahay ay tahay inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalamiya.
Mar uu ka hadlayey maalgashiga waxa Madaxweyne Biixi sheegay inay casriyeynta marsada Berbera maalgelisay shirkadda DP World, oo dhammaystirtay wejigii h**e ee ballaadhinta dekedda oo ay ku baxday 400 oo milyan oo doolar, halka wejiga labaadna ay sannadkan gelinayso 600 oo milyan oo doolar. Madaxweynuhu wuxuu iftiimiyey inay Somaliland doonayso inay xidhiidh ganacsi la yeelato dalalka aan badda lahayn ee gobolka.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay inay Somaliland aanay macaamil la lahayn Baanka adduunka ee IMF, isla markaana ay doonayaan in ganacsatada dalku ay cilaaqaad la yeeshay hay’adaha maaliyadda, maadaama oo Somaliland uu ka jiro suuq xor ahi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay inay maamulka Maraykanka ku booriyeen inay xafiis ka furtaan Somaliland, kaasi oo muhiim u ah labada dhinac.
Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay inay Hay’adda USAID iyo Qarammada midoobay ugu baaqeen inay kaalmada ay toos u siiyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay in tallaalkii xannuunka COVID19 ay dawladda Soomaaliya u soo dirtay Somaliland xili uu dhacay wakhtigii tallaalka loogu talogalay.
Ugu dambeyn Madaxweynuhu wuxuu madashaas kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyey Somaliland dimuqraadiyadeeda, iyo horumarkeeda iyo asbaabaha ay u danaynayaan inay xidhiidh la yeeshaan Maraykanka.
ALLAA MAHAD LEH

Address

Hadhwanaag Mall Road 1
Hargeisa

Telephone

+252634341054

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Pro Maxamed Dhaqane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Pro Maxamed Dhaqane:

Share