Qormooyinka Tiknoolojiyadda

Qormooyinka Tiknoolojiyadda Halkan Kala Soco Qormooyinkii u Dambeeyay ee Tiknoolojiyadda

20/11/2023

Markaad aragto waxa Gareoowe ka socda, aad sii xasuusantahay wixii Laascaano ka dhacay, ee lagaaga sheekeeyay wixii taliskii Siyaad Barre gaystay, soo gar uma lihid in aad noqotid heegan kabaha farta ku sita oo waxa kaliya ee uu sugayaa ay tahay ka kacaay iyo ina qixiyaay?

Saw khalad cad iyo khasaare u badheedhnimo maaha dhulka soomaalida inaad ku dhaldhashid oo aad reer ku dhaqatid?

Allaylehe haa.

Waar qof walowba taata maaree oo tan waxaba ha ku dhalin, haddii kale caruurta aad ku dhashid dhulka noocaas ah waad soo lug-goysay.

Xigasho Xassan Qawdhan

-QABYAALADEEY QADHMUUNIDAA-Manta xaalada ay marayso somalidu marka la eego qofka somaliga ahi waa ka ugu liita dadka ila...
25/09/2023

-QABYAALADEEY QADHMUUNIDAA-

Manta xaalada ay marayso somalidu marka la eego qofka somaliga ahi waa ka ugu liita dadka ilaahay abuuray meel kastana wuu ku takooran yahay taasna waxaa keenay dhowr arrimood oo kala duwan kuwaas oo jinsiyada somalinimadu sabab u tahay, haddaba waxa aynu isla yara eegi doonaa maalinba qodob:

1. Qabyaalad kala qaybisay dhalinyartii:

Manta somali meel kasta oo ay joogto waxa hor taagan caqabad ah qabyaalad aad u baahsan taas oo keentay heer ay dhalinyaradii wax baratay inay isu takooraan reer reer ka dibna ay kala fogaadaan sababteedana ay leedahay odayaal koofiyad baclayaal ah iyo siyaasiyiin beenaaleyaal ah oo raba in lagu taageero reernimo.



18/11/2022

Baahiyaha aadamuhu leeyahay aad bay u badan yihiin kaliya waxa buuxin kara uun marka dhabanka dhulka loo dhigo ( qofku uu dhinto) haddaba sidaasooy tahay xaaladan imika aynu ku jirno ama wakhtigan imika aynu taaganahay waxa kaliya ee aan hubaa waa in baahiyaheena manta wax badan oo gurracan laynagaga faa’idaystay sida maandooriyaha, qabyaalada, aflagaadada iyo ka fogaanshaha xidhiidhkii inoo dhexeeyay inaga iyo Ilaahay.

Sideen ku ogaan karnaa inaan nahay dad dhaqan ahaan iyo akhlaaq ahaan ba liita inaan nahay, waxaad arkaysaa salaadii oo la eedaamayo oo aan inaga marnba ina dareen galinayn taasina waxa u sabab ah baahiyaheena aduunyo intaan eryanaynay in uu qalbigeenii adkaaday.

Waxa kale oo inagu soo batay wax ka sheega qof kale ama afka in aynu ka weerarno dadka kale innaga oo aan ogayn nafteenu waxa ay ku sugan tahay iyo sida ay noqon doonto.

Ilaahayoow gafkayaga iyo geeridayada ha kulmin.

🖊️ O Hawadle

14/11/2022

الله أكبر ❤️

07/10/2022

Ku soo dhawaw Degalkan Qormooyinka Tiknoolojiyada oo aan ku soo gudbino hadba wixii ku cusub aduunka dhanka Technology ga.

Si aad ugu xidhnaato pagekan Fadlan Like Saar lana sii wadaag dhamaan asxaabtaada

Sida ugu dhakhsaha badan ban kuugu soo jawaab celin doonaa.

Mahadsanid

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qormooyinka Tiknoolojiyadda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share