16/06/2024
TILMAAMAHA WARAABKA BEERAHA LAGU HORUMARIN KARO SOMALILAND
QAYBTA.1 WARAABKA
Cimilada Deegaanka Somaliland waa mid ka-tirsan qayb-oomanaha ah. Qiyaasti 400-500mm oo sanadkii laba xilliyood ka da’a mararka qar waxa sabab u ah heer-kul sareeya oo uumi-bax badan keena. Waxaa si weyn u kala-duwanaada
roobka sanadka ka-da’a. Xagaa, Dayr iyo Jilaal waa afarta xilli uu ka koobanyahay sanadka.
Gu, (Spring) Waa xilli roobeedka ugu muhiimsan xilliyada uu dalkeennu roobka helo wuxuuna ka bilowdaa (Abriil, Maayo iyo Juun).Xagaa (Summer) Waa waqti uu wadanka ka da'o roobab yaryar oo looyaqaano xagaa (Luulyo, Agoosto iyo Sebtembar). Dayr Waa xilli roobaad roob badani da,o hayeshee waxaa ka badan
Guga, (Oktoobar, Nofembar iyo Disembar ).
Diraac, Jiilaal(Winter) Xiliga diraacda ama Jiilaalku waa xiliga ugu kulul uguna qaleylka badan ( Janaayo, Febraayo iyo Maarso)
Haddaba xilliyadan aan soo xusnay waxaa mararka qaar dhacda in ay wax iska baddalaaan oo roobabkii di,i lahaa ay baaqdaaan sababo la xiriira isbaddalka cimalada adduunka ee sii kululaanaysa oo saamayn ku yeelatay dalkeena.
waxa jirta uumi-baxa xillilaha (Somaliland) ee baahida uu dalag-welba yeelanayo, dhammaan dalagyadu waxay xilli welba u baahan-yihiin biyo uu cadadkoodu Ka badan yahay 300mm. Gaar ahaan gallayda madama ay tahay midhaha sida balaadhan looga cuno somaliland, waxaa xilli welba loo-baahanayaa biyo uu cadadkoodu ka badan yahay 500mm. Maadaama cadadka guud ee roobka Somaliland ka da’a uu yahay illaa
400-500mm, waxaa loo-baahan yahay in somaliland iyo guud ahaan Deegaanada Somaliland in la-beerto beeraha waraabka lagu-horumariyo, sababa Cimilada aduunka oo inagu keeni karta roobka oo aad u yaraada.
Ilaha Biyaha Somaliland
Si aynu Somaliland waraabka uga isticmaalno, waa in aynu isha biyaha helno. Marka laga eego dhinaca isha biyaha waxaa jiri kara laba fursadood; midi waxay tahay biyaha dhulka hoostiisa ku-jira,
meesha ay tan kale ka tahay biyaha faraha badan ee dooxyadu soo rogmadan ( Somaliland wadi rivers ). Maadaama uu waraabku biyo aad u badan u baahan-yahay, sida qaalibka ah biyaha dhulka hoostiisa ku-jira ee loo-baahan-yahay aadbu u badan-yahay. Waxaa khasab noqonaysa in la-helo kayd biyood oo soo saari kara biyo uu qulqulkoodu yahay 200L/ilbidhiqsi oo loogu waraabinayo dhul-beereed ay baaxaddiisu tahay 1,000 hiktaar. Sida dhabta ah, waxaa aad u yar jiritaanka kayd biyo dhulka hoostiisa ku-jira oo laga heli karo uu cadadkoodu intaasi dhan-yahay, waxayna xaqiiqadu tahay in biyo badan oo dhulka hoostiisa oo intaasi
dhan aan laga helin Deegaanada qar ee Somaliland. Laakiin, Dooxyada soo rogmada, waa wabiga qalalan ee marwalba xiliyada soo rogmada Deegaanada Somaliland, taas oo qasab ka-dhigaysa in uu noqdo isha laga helayo biyaha Kaydka waraabka. Baaxadda guud ee ay dooxyadu ku-fadhido waxan ku qiyaasaya illaa 202,220 km2 Qulqulka dooxyada Somaliland wuxuu muujinayaa in biyihiisu ay sanadkii laba
jeer aad u soo rogmadan, waxayna labadaasi jeer kala yihiin Abriil iyo Juun waxay ka imanayan roobabka ka da’aya dhulka sare ee ku-dhacaan biyaha roobku. Xiliyada qar Cadadka qulqulka biyaha dooxyadu wuxuu muujinayaa in 226.7 m3/ilbidhiqsi, taas oo in ka-badan 10-jeer xiliyada kale ka-badan. Celceliska sanadka ee qulqulka biyaha dooxyada ka soo rogmada dooxyyada qar ee ugu waaweyn waxaan ku-qiyaasayaa 113.0 m3/ilbidhqsi; haddaba iyada oo qulqulkaasi dooxyadu laga-duulayo mugga biyaha Dooxyads ee sanadku wuxuu noqonayaa illa 3.5 billyan oo m3.
Cabbirka foorarka dhulka beeraha wuxuu yahay 1:2,500, taas oo uu macnaheedu
yahay in uu foorar daggan yahay. Sidoo kale, waxaan-ogaaday in gunta iyo gudubka biyo xireenadu u dhexeenkaran 8m illaa 14m iyo 80m illaa 150m, Dhulka waraabka
lagu-horumarin karana waa mid aad u siman oo uu foororkiisu aad u hooseeyo oo uu kan beeraha la mid yahay, taas oo ah kaliya 1:2,500. Haddaba iyada oo xaaladdaasi laga-duulayo, haddii uu injineer waraab uu qorshaysanayo in uu adeegsado habka aan matoorka loo isticmaalayn ee laga faa’iidaysanayo nidaamka xoogga soo jiidashada dhulka (gravity), ee soo leexinta biyaha ee kor loo wadayo, wuxuu u baahanayaa in uu dhararka kanaalka weyn ka dhigo in ka-badan 20km si uu u baabi’iyo faraqa joogga dhulka ee u dhaxeeya barta biyaha laga soo duwayo iyo dhulka waraabka lagu-horumarinayo ee ka-jira.
Sidaas-awgeed, waxaa iska-cad in dhismaha nidaamka waraabka ee loo-adeegsanayo xoogga soo jiidashada dhulka oo laga sameeyo uu culays badan yeelanayo, marka laga eego dhinaca kharashka ku-baxaya dhismihiisa iyo ilaalinta kanaalkaba. Sidaas-darteed, waxaa loo-baahan-yahay in la doorto hab kale oo loo-adeegsan karo horumarinta waraabka oo goobtaasi la-socon kara. Haddaba habka kaliya ee bannaan wuxuu noqonayaa in la-adeegsado matoorada biyaha soo jiida iyo Pump deenamada Soolarka Tamarta cad ceeda ku shaqeeya oo la-dhigo meel u dhaw beerta la-waraabinayo, iyada oo biyahana si toos ah biyo xireenka looga
soo jiidayo.
Dhul beereedka qoyan iyo dhirta qoyan wuxuu biyuhu ugaga baxaa geeddi-socod uu biyuhu hawada ku-galayo oo la-yidhaahdo uumi-bax, taas oo keenaya in biyaha dareeraha ahi uu uumi isku-baddalo, kaddibna uu hawada galo, sidaasna ay biyihii ku-tagaan. Waxaa jira geeddi-socod kale oo ay biyuhu ku-lumaan (ku-baxaan), waxaana la yidhaahdaa tiraansipayreeshin taas oo ah uumi-baxa ay ku-lumaan biyaha ku dhex-jira unugyada dhirta, waxayna biyahaas ka dhex-baxayaan daldaloolada calaanta dhirta ku-yaalla. Isku-dhafka labadan habab ee ay biyuhu ku-lumaan waxaa loogu-yeedhaa “evapo-transpiration” (ifaabo-tiraansibaayreeshin). Uumi-baxa tooska ah ee biyaha (Evaporation) iyo biyaha uumi ahaan dhirta kaba baxa waa laba geeddi-socod oo isku-bar dhaca oo ay kala-soociddoodu adagtay.
Arrimaha ugu waa-weyn ee uumi-baxa tooska iyo kan dhirta (evapo-transpiration) saameeya waxaa ka mid ah sababaha cimilada la-xidhiidha, dabeecadaha dalagyada, ficilada maaraynta iyo xaaladaha dagaanka. Sababaha ugu waa-weyn ee cimilada la-xiddhiidha waxaa ka mid ah ilayska qoraxda, heer-kulka hawada, heerka uumiga (qoyaanka) hawada ku dhex-jira iyo xawaaraha ay dabayshu ku-socoto. Waxaa kale oo uumi-baxa biyaha ee tooska ah iyo tan dhirta saameeya nooca dalagga,
kala-gadisnaanta iyo marxaladaha koritaanka dalagga. Marka ay dalagyadu ku-beeran-yihiin goobo ay ka jiraan xaalado isku-mid ah oo dagaaneed, kalad-duwanaanshaha dhinaca u adkaysiga uumi baxa ee uu dalaggu leeyahay, adadaygga dalagga, humaag-celinta, caleemaha dhirta caleemaha balbalaadhan ee daaha u noqonaysa, iyo dabeecadaha xidiiddada dalagyada kala-duwan ayaa iyaguna ah arrimo kale oo saamayn ku yeelan kara heerka uumi-baxa tooska ah ee biyaha iyo biyaha dhirta ka-baxa (evapo-transpiration).
Uumi-baxa biyaha ee tooska ah iyo tan dhirta ka-baxa ee oogada tix-raaca laga-dhiganayo ee ayna biyo yari ka-jirin waxaa loogu yeedhaa evapo-transpiration”-ka dalagga tix-raaca, waxaana
lagu-magacaabaa “Eto”. ETo waxaa laga xisaabsan karaa macluumaadka saadaasha hawada kaliya waxa fahmaya shaqaalaha wasaarada beeraha qeybta saadasha hawada. Waxaa imika lagu-taliyaa in habka kaliya ee rasmiga ah ee loo
adeegsado qeexitaanka iyo xisaabinta
uumi baxa ee dalagga tix-raaca laga-dhiganayo uu yahay habka FAO Penman-Monteith. Waxaa la-ogaaday in uu habkani yahay mid lagu heli karo natiijo ay saxnimadeedu xooggan tahay oo lagu saadaalin karo Eto-ga ka-jira goobo iyo cimilooyin kala-duwan. Habkani wuxuu ku-siinayaa qiimayaal si aad ah u waafaqsan isticmaalka biyaha ee dhabta ah ee dhirta ee adduunka oo dhan laga isticmaalo.
Sidaas-awgeed, waxaa tilmaamahan dhexdiisa lagu isticmaalay habka “FAO Penman-Monteith”, taas
oo loo-adeegsanayo go’aaminta tix-raaca uumi-baxa tooska ah ee biyaha iyo biyaha uumi ahaan dhirta uga baxa (evapo-transpiration) (ETo) ee mashruuca horumarinta waraabka ee qorshihiisa la-dajinayo.
Macluumaadka loo-adeegsanayo qiyaasidda cadadka uumi-baxa biyaha ee tooska ah iyo biyaha dhirta ka-baxa ee loo-isticmaalayo habka “Penman-Monteith” waa qiimayaasha celceliska billaha ah ee heer-kulka, qoyaanka ama cadadka uumiga ee hawada ku dhex jira ee isbarbardhigga ah, jajabka soo-baxaya marka cadadka dhabta ah ee muddada ilayska qoraxda la-barbar-dhigo muddada ilayska qoraxda ee ugu sareeya ee la heli karo, xawaaraha ay dabayshu ku-socoto...
Eto-ga iyo macluumaadka
cimilada ee laga-diiwaangeliyey saldhigga arrimaha saadaasha hawada.
Horgalaha (Coefficient) Dalagga iyo Koritaanka Dalagga
Si loo xisaabiyo baahida biyaha ee dalagga
iyada oo lagu salaynayo halka xabo ee dalagga ka-tirsan, waxaa khasab noqonaysa in la xisaabiyo ET-ga Dalagga. Waxaa
la-isticmaalayaa Kc-ga horgalayaasha habboon ee dalagga, taas oo matalaya xidhiidhka ka-dhexeeya baahida biyaha ee dalagga tix-raaca iyo uumi-baxa biyaha ee tooska ah iyo biyaha dhirta ka-baxaya (evapo-transpiration) (kaas oo ah ETo x Kc = ET dalagga). Waa in horgalaha dalagga la-xisaabiyo iyada oo la-tixgelinayo afarta marxaladood ee koritaanka dalagga.
Waxaa jira arrimo badan oo saamaynaya Kc, waxaana kuwaasi ka mid ah nooca dalagga, isbaddalidda ku imanaya dabeecadaha dalagga ee muddada koritaanka dalagga iyo illaa xad kooban, xaaladaha jawiga hawada. Cimilada qalalan ee sii kordhaysa iyo xaaladaha xawaaraha dabaysha oo sii
weynaada ayaa yeelanaya qiimayaal sareeya oo Kc.
Kc uu dalaggu leeyahay wuxuu isbaddallo samaynayaa xilliga uu koritaanka ku jiro, taas oo ah joogga dalagga oo sii kordhaya iyo caleemihiisa oo sii waynaanaya siina badanaya, wuxuu isbaddalkaasi keenayaa in uu sii kordho baaxadda dhul-beereedka ee uu dalaggu dabalooyo (ama uu dadayo).
Marka Kc-da la-dooranayo waxaa la-aqoonsadaa afar marxaladood oo koritaan, waxayna afartaasi marxaladood kala-yihiin: marxaladda bilowga ah, marxaladda koritaanka dalagga, marxaladda badhtamaha xilliga iyo marxaladda ugu-dambaysa. Haddii dalagga marar badan biyaha waraabka la-waraabiyo illaa isaga
oo aan engegin laga-guranayo, waxaa saraynaya qiimaha Kc. Haddii dalagga beerta lagu-daayo oo aan la-guran illaa uu ka-engagayo, qiimaha Kc-ga ugu-dambeeya wuxuu noqon doonaa mid yar.
Sidaas-awgeed, xisaabinta qiimaha Kc waxay ka-koobnaanaysaa tallaabooyinka guud ee hoos ku-qoran:
Garashada marxaladaha korintaanka dalagga, go’aaminta dhararka muddada ay soconayaan iyo doorashada qiimayaasha Kc ee waafaqsan,
Qiimayaasha Kc ee la soo doortay oo laga dhigo kuwa waafaqsan soo noqnoqoshada inta-jeer ee qoyaanka ama xaaladaha cimilada ee muddada ay marxalad-welba socoto,
Samaynta garaafka muujinaya horgalaha (coefficient) dalagga (iyada oo qofka loo-oggolaanayo in uu go’aaminayo qiimayaasha Kc ee muddo welba inta lagu jiro muddada koritaanka), iyo
Xisaabinta ETc oo noqonaysa natiijada ka soo baxaysa isku-dhufashada ETo iyo Kc.
Dhararyada guud ee afarta marxaladood ee
koritaanka ee sida cad u kala-soocan iyo muddada guud ee koritaanka ee noocyada kala-duwan ee cimilooyinka iyo goobaha. Guud-ahaan, dalagga lagu-beero waraabka waxaa sanadkiiba la soo goostaa 2 jeer. Midi wuxuu socdaa muddo 3 bilood ah (90
maalmood), taas ah inta u dhaxaysa bisha April illaa bisha June, iyo ka kale oo soconaya muddada u dhaxaysa bisha October illaa December.
Iyada oo ay baahida biyaha ee dalaggu tilmaamaysa biyaha uu dalaggu isticmaalayo, baahida waraabku waxay tahay biyaha khasabka ah in laga-bixiyo dhinaca nidaamka waraabka si loo xaqiijiyo in uu dalaggu helayo cadadka biyaha ee uu u baahan yahay. Haddii uu waraabku yahay isha kaliya ee uu dalaggu biyaha ku helayo, baahida waraabku waa inay noqoto mid ugu-yaraan u dhiganta baahida
biyaha ee dalagga. Haddii uu dalaggu qayb biyihiisa ka tirsan uu ilo kale (roobka, iwm.) ka helo, baahida waraabku waxay noqon kartaa mid ka-yar baahida biyaha ee dalagga. Baahiyada biyaha ee dalagga waxaa laga soo xisaabin karaa macluumaadka arrimaha cimilada iyo kuwa dalagga, oo ah ETc
= ETo x Kc.
Baahida biyaha waraabka waxaa la-xisaabiyaa iyada oo la isticmaalayo baahiyada dalagga, laakiin waxaa la-tixgeliyaa roobka midha-dhalka ah ee la-helayo. Waxaa lagala soo baxaa qaacidada
(formula) ah ETc- ER (roobka midha-dhalka ah). Dhammaan roobka da’da midha-dhal ma’aha.
Sidaas-awgeed wuxuu qaar biyaha roobka ka tirsan uu ku-lumaa biyaha oogada sare ee dhulka mara iyada oo aan laga faa’iidaysan, qaybta biyaha ee dhulka ka dhex muusa ee hoos ugu daadagga meelaha
fog-fog ee gudaha dhulka, ama uumi-baxa biyaha ee tooska ah. Sida aasaasiga ah biyaha roobka ee midha-dhalka ah waa qaybta biyaha roobka ka-tirsan ee dhex fadhisata qaybta ay xidididda dhirtu
ku-dhex-jiraan ee ay dhirtu ka-faa’iidaysan karto. Si loo xisaabiyo roobka midha-dhalka ah tusaale ahaan, waxaa la tix-raaci karaa qaaciidada hoos ku-qoran:
Pe= 0.6 Ptot - 10 (for Ptot≤ 70 mm/bisha)
Pe= 0.8 Ptot - 24 (for Ptot > 70 mm/bisha)
Pe iyo Ptot waxay kala-yihiin celceliska billaha ee roobka midha-dhalka ah iyo
celceliska billaha ee cadadkiisa lagu-cabbiray mm.
Baahida Saafiga ee Waraabku (IRn) waa gunta biyaha ee loogu baahan-yahay si heerka qoyaanka ee carrada ee ku dhex-jirta gobolka xididka ee midha-dhalka ah loo soo gaadhsiiyo awoodda bannaanka
(field capacity). Waxaa la xisaabiyaa iyada oo la isticmaalayo xidhiidhka ka dhexeeya baahida biyaha ee dalagga (ETc) iyo roobka midha-dhalka ah. Dhinaca kalena, baahida duuduubka ah ee biyaha
waraabka waxay muujinaysaa cadadka biyaha ee lumaya muddada biyaha la soo gudbinayo iyo marka loo-adeegsanayo bannaanka. Waxaa tan lagu muujiyaa wax-ku-oolnimada, marka la xisaabinayo baahiyada guud ee waraabka ee mashruuca oo laga soo qaadanayo baahida saafiga ah ee waraabka,
taas oo ah:
IRn = ETc- ER
IRg = IRn/Ep
Irg : Baahida duuduubka ah ee waraabka (Gross irrigation requirements) (mm)
Irn : Baahiyada saafiga ah ee waraabka (Net irrigation requirements} (mm)
ER : Roobka midha-dhalka ah (Effective rainfall) (mm)
ETc : Baahida biyaha ee dalagga (Crop water requirement) (mm)
Ep : Wax ku-oolnimada guud ee mashruuca (Overall project efficiency).
Dushiisa.
Lasoco qeybaha danbe oo kala ah
* Kala duwanashaha Hababka Waraabka
* Hababka Waraabka ee Oogada Sare
* Waraabka dhulka loo jeexayo (Furrow Irrigation)
* Waraabka Bilbilidda
Habkan waraabka bilbiliddu waa mid iyada oo cadaadis la-adeegsanayo biyaha lagu bilbilayo nooc lagu-matalayo sida roobka oo kale
* Waraabka tifqinta
Waraabka tifqintu waa dhulka biyaha loogu waraabinayo hab xawli gaaban ku-socda oo la adeegsanayo kaliya biyo dhibco-dhibco u soo baxaya,
* Doorashada Hababka Waraabka ee Aagga Ku-habboon
Marka la-dooranayo hababka ugu-habboon ee waraabka arrimaha tixgelinta u baahan waxaa ka mid ah
kuwa hoos ku-qoran: 1) nooca dalagyada la-beeranayo iyo dhararka gunta xididdadooda; 2)
dabeecadaha carrada ka-jirta dhul-beereedka la-waraabinayo, sida nooca carrada, dhararka gunta, iyo
sida ay biyuhu u dhex-marayaan; 3) jiritaanka ilaha biyaha iyo mugga durdurka biyaha waraabka; 4)
cadadka biyaha waraabka ee waraab-kasta beerta ku soo galaya; 6) baahida tamarta.
Eng. Ahmed Gaas