20/09/2024
Ardayda sanadka 2024 jaamacadaha wadanka galaysa waxan rabaa inaan xaqiiqada idiin sheego.
Waxa aad iminka gali doontaan ama isku diyaarinaysaan jaamacadaha dalka
Mid ogaada jaamacadda waxa ugu wayn ee idinka soo raacayaa waa waayo- aragnimo ee maaha aqoon, runbaan idiin sheegayaa ee waxa aad Gali doontaan marxalad qaangaadhnimo waxa maskaxdaada ka baxaysa in Aad noqoto qof khayaali ku nool.
Habeeno badan oo hurdo la'aan ah, habeeno badan oo murugo ah iyo habeeno badan oo hungow ah ayaad la kulmi doontaan.
Idinkulama talinaayo anigu kuliyadaa qaata ee waxan idinkula talinayaa wax is bara, dadka aad wax wada baran doontaanna si caafimaad qabta ula noolaada
Waxaad aqbali doontaan waxaydaan u qalmin waadna ku qasbanaan doontaan.
Jaamacaduhu way idinka shaqaysan doonaan ee wax idinma bari doonaan ee Taas ku xisaabtama, waxaad adigu Aad baratid iyo waxii ay waayuhu ku baraan ayuunbaad qaadan doontaan.
Inta aad safarkiina waxbarasho ku jirtaan waxa aad meel soo dhigataan kibriyaagiina, caadifadiina iyo camaladiina aan fiicnayn.
Dadka uu qalinku idin walaalayn doono si nabdoon ee munaasib ah ula noolaada
Idiinkama dayrinaayo mustaqbalkiina balse waxa la idin dulsaari doonaa wax aydaan awoodin, lacago aydaan kari karaynin ayaa imanaya, marbaad u dhowaanaysaan inaad is dhiibtaan oo aad safarkiina waxbarasho Aad halkaa ku joojisaan, marbaad kari waayaysaan inaad dedaashaan oo aad daciifaysaan, marbaad sidoo kale niyad-jabaysaan oo waxqabadkiinu uu yaranaayaa sidaas daraadeed
waxa la idinkaga baahanyahay inaad arimahaas oo dhan u dhug lahaataan oo aad sii ogaataan si ayna idiinku noqon wax cusub.
Waxaad aad ildheer ulahaataan isha ay idinka soo galayso semester feegiinu waalidkiin culays xoog leh hasaarina
hadii uuna hadafkiina waxabarasho idiin cadayn ha is khasaarinina Hana is dhibina waalidkiina ha dhibina
sanadki ugu yaraan sadex waqti oo kala duwan ayaa halkii marba dhowr boqol oo dollar aad qarashgarayn doontaan sidaas awgeed hadii aydaan rajjo dheer lahayn himiladiinuna ayna fogayn ha is khasaaraynina.
Waqti, dedaal, huris, halgan iyo hadaf cad ayuunbaad khayrkaa kula tartami kartaa.
- Waxan kugula talinayaa inaad xirfadahaaga Aad dhisto oo aanad isku halayn jaamacadda oo kaliya.
- Waxan kugula talinlahaa in aad bulsho badan sii abuuratid oo dad beeratid.
- Waxan kugula talinlahaa inaad gacantaada sii maashid oo aad farsamooyinka gacanta laga qabto Aad sii baratid kuna shaqaysatid.
- Si guud waxan idinkula talinlahaa macalimiinta Aad wax kala faa'iidi doontaan inaad ixtiraam, jacayl iyo naxariis fara badan aad u muujisaan, una mahad celisaan.
Ka aqoontiisu gaabantahay aad niyadda u dhistaan, kan wax dhigista ku cusub aad madaxa u ruxdaan oo aad dhiirigalisaan, kan nacaybku iyo xumaantu ku jirto aydaan la goos-goosan ee aad ka roonaataan sidoo kale kii wanaagsanna aad wanaag badan u muujisaan oo aad tustaan wanaagiisa
Abdikarim Dahir Jama
Guul wacan