NovaSkills Academy

NovaSkills Academy Real Skills. Real Projects. Real Success.

Abdirahman Adan Osman XAALKA NATO IYO NIDAAMKA CUSUB EE DUNIDA Qormadaan kooban waxaan ku eegi doonaa xaalka NATO iyo is...
03/12/2025

Abdirahman Adan Osman

XAALKA NATO IYO NIDAAMKA CUSUB EE DUNIDA

Qormadaan kooban waxaan ku eegi doonaa xaalka NATO iyo isbadalada aan la sadaalin karin ee dhacaya.

Berri oo ay taariikhdu tahay 3-da December, wasiirrada arrimaha dibadda ee NATO ayaa ku kulmaya caasimadda Belgium ka ee Brussels ayadoo xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio uu ka baaqanayo shir madaxeedka wasiirada arimaha dibadda ee NATO.

Waa markii ugu horeysay muddo labaatan sano ka badan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu diido in uu ka qeyb galo shir heerkiisa sareeyo oo NATO yeelaneyso.

Waxaase cajiib ah marka aad warkaas la aqriso waxa dhinaca kale kasocdo.

Maanta oo ah December 2, ergeyga Trump ee wada xaajoodka Ruushka Steve Witkoff ayaa Moscow kula kulmay Vladimir Putin waana maalin uun ka hor inta aan la isugu imaanin shirka NATO si looga hadlo amniga qaaradda Yurub, ayuu ergayga Trump Moscow kula xaajoonayaa Ruushka, Yurub la'aanteed, Talo ku laheyn waxa socda isla markaana aanan ogolaansho looga baahneen.

Ayadoo taa ay jirto ayey Washington u diraysaa Brussels ku xigeenka xoghayaha arimaha dibadda Christopher Landau. Waa isla ninkii qoray hadal durid ah oo u dhignaa "NATO waxey wali baadigoob ugu jirtaa xalka dhibaatada" ka hor inta uusan tirtirin post gi uu soo galiyay.

Farriintaas oo noqon kari waysay mid cad ama fariin isku dhex karis ah umuuqatay hadii aan si kale udhigno.

Laga soo bilaabo 1949, NATO waxay ku shaqeyneesay hal mabda'a oo ah:
1- go'aan qaadasho wadajir ah
2- Sodon iyo laba umadood oo hal ah
3- Hal cod oo lagu mideysanyahay.

Hadase waxaa muuqata taa wax ka duwan oo ah Kala sareynta cusub oo iyana udhigmaysa sidan:

1- Washington iyo Moscow kaliya ayaa go'aanka gaaraya.
2- Washington ayaa ku wargelinaysa Kyiv waxa go’aanka yahay ayna tahay in ay aqbasho.
3- Yurub waxaa loo sheegayaa wixii lagu heshiiyey oo kaliya.

Diblomaasiyiinta reer Yurub ayaa durba ka cabanaya in "laga jaray" fiilooyinkii wada xaajoodka Ukraine. Qorshaha nabadeed ee la lafilaayo oo ka kooban 28 qodob ayaa waxaa diyaariyay ergada Mareykanka iyo Ruushka ayadoon Brussels lala tashan.

Ogsoonoow Maraykanku waa dalka maalgeliya ku dhawaad ​​todobaatan boqolkiiba (70%) qarashka awooda hawlgalka ee NATO. Taa oo ka dhigtay qofkii wax bixiya kaliya ayaa go’aanka gaaraya.

Sida ay hada wax usocdaan ama ay wax udhacaan ayaa qeexi doonta nidaamka iyo siyaasada caalamka sida ay noqoneyso ugu yaraan kontonka sano ee soo socota.

Yurub hada waxaa hortaala laba daran mid dooro oo ah in ay aqbalaan naqshadeynta cusub ee amniga yurub ee uu Mareykanka wado ama jabka iyo kala tagga saaxiibada Atlaantikada. Ma jirto doorasho saddexaad oo yurub hortaala xiligan.

Nidaamkii adduunka ee 1945 ka dib ayaa markale dib loo qorayaa nidaam cusub oo mustaqbalka ah xiligan ayada oo aysan Yurub wax door ah ku laheyn.

Abdirahman Adan Osman

11/11/2025

– Ciidamada Difaaca Puntland oo Toogtay Saddex Dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Daac1sh

Togga Baaladde Sare – Ciidamada Difaaca Puntland ee ku sugan deegaanka Habar Bakuuje, ayaa saaka howlgal qorshaysan ku toogtay saddex dagaalyahan oo ka tirsan kooxda argagixisada Daac1sh.

Labada ka mid ah dagaalyahanada la dilay ayaa kasoo jeeda dalka Tanzania 🇹🇿, halka midka saddexaad uu kasoo jeedo dalka Itoobiya 🇪🇹, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee howlgalka hoggaaminaysay.

Sidoo kale, ciidamadu waxay sheegeen in ay jiraan laba kale oo dhaawac ah oo ka baxsaday goobta, kuwaas oo hadda lagu raad joogo,

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Puntland ay ku ciribtirayso kooxaha argagixisada ee ku sugan deegaannada Buuraleyda Calmiskaad iyo nawaaxigeeda.

10/11/2025

Ficilada waxashnimada ah ee ka dhacaya baryahan Somalia; waa nagiijada ka dhalatey burburka: dhaqan, dhaqaale, dowladnimo iyo ilbaxnimo ee Somalia, gaar ahaan Koonfurta ka dhacey.

Waa natiijada jahliga iyo Hogaan xumida, waa natiijada ka dhalata in la caadiyeeyo dilka iyo gawraca oo argagixisadu qeyb weyn ka qaadatey faafintisa. Waa dhaxalkii 4.5 iyo in qabiil wax kasta lagu qeybiyo.

Somali guud ahaan, jid xun ayey kusocotaa ee rabbi hakala badbaadiyo.

Bariiska Basmatiga oo laga helay Cancer!"Bariiska Basmatiga ah waxaa laga helay maado Cancer-ka keenaysa, guri uu ka maq...
10/11/2025

Bariiska Basmatiga oo laga helay Cancer!

"Bariiska Basmatiga ah waxaa laga helay maado Cancer-ka keenaysa, guri uu ka maqan yahay ma jirto waalin walba ayaan cunnaa." Dr Cabdirisaaq Cartan.

Maka mid tahay dadka cuna bariiskaan ?

10/11/2025
10/11/2025

Ciimada geesiyaasha puntland oo argagixisada ka sifaynaya buuraha calmiskaad kuwaas oo ku daba jira kooxihi ugy danbeeyay sii share gareeeya asxaabta

Address

Maragwa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NovaSkills Academy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to NovaSkills Academy:

Shortcuts

Share

Category