27/08/2025
Taariikhda qayb kamid ah dhulka reer amaadin.
* Imay Bari
Imay Bari waxay ahayd degmoyinkii ugu horeeyay ee deegaanka, waxaana laga xukumi jiray magaalada Qabridahare. Intii u dhaxaysay Imay iyo Qabridahare wax degmooyin ah oo rasmi ah ma jirin, dhul ballaadhan oo tuulooyin iyo beeraha reer guuraaga ah ayaa ka dhexeeyay. Taariikh ahaan waxay ahayd xarun muhiim ah oo maamulka iyo dhaqdhaqaaqa bulshada deegaanka kaalin ku lahayd sidookale waxay ahayd xarun daraawiisheed iyadoo sayidka iyo cidankisuba u ahayd saldhig markii danbena u sayidku halkaas kudhintay AUN.
* Xamaro
Magaalada Xamaro waxay ahayd magaalo taariikhi ah oo ka mid ahayd degmooyinkii ugu horreeyay deegaanka. Waxaa laga maamuli jiray magaalada Dhagaxbuur. Inta u dhaxaysa Xamaro iyo Dhagaxbuur magaalooyin waaweyn oo kala dhexeeya ma jirin. Xamaro waxay ahayd xarun bulsho iyo dhaqaale oo si weyn loogu yaqaanay gobolka.
* Dhuxun
Dhuxun waxay ahayd magaalo weyn oo deegaanka aad looga yaqaanay, waxaana degmo ahaan laga maamuli jiray magaalada Dhagaxbuur. Waqtigaas degmooyinka tiradoodu way yaraayeen, balse Dhuxun waxay lahayd magac iyo miisaan dhaqan iyo dhaqaale oo aad u weyn. Waxay ahayd meel ganacsi iyo bulsho ku tiirsan oo deegaanka kaalin muuqata ku lahayd, waana magaalo taarikh wayn iyadoy ku yaalaan goobo waa wayn oo dalxiis.
* Barmiil
Barmiil waxay ahayd magaalo aad u weyn oo caan ku ahayd ganacsiga. Waxay toos ugu xidhnayd magaalada Dhagaxbuur iyo caasimadda Hargeysa, taas oo ka dhigtay xarun ganacsi oo dadka iyo badeecadaha isku xira. Barmiil waxay ahayd meel dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada deegaanka muhiimad weyn ugu lahayd.
* Gudhis
Gudhis waa magaalo taariikhi ah oo lagu xasuusto in halganka gobonimada uu ku xogaysnaa. Sidoo kale waxay ahayd xarun ganacsi oo si toos ah ugu xidhnayd magaalada Harar. Gudhis waxay lahayd door weyn oo taariikhi ah, iyadoo ahayd meel bulsho, dhaqaale iyo dhaqanba caan ku ahayd.
* Gasaangas
Gasaangas waxay ka mid ahayd magaalooyinkii waaweynaa ee deegaanka laga yaqaanay. Dad badan ayaa ku noolaa, waxayna ahayd meel bulsho iyo dhaqaale muhiim u ahayd deegaanka. Taariikh ahaan waxay ahayd magaalo caan ku ah suuqyada iyo dhaqaalaha reer guuraaga iyo beeralayda isku xirayay.
W/Q Hassen Tajir Mawsar