Somali Assistive Technology Institute - SATI

Somali Assistive Technology Institute - SATI Machad ka haqab tira baahida tiknoolajiyadeed dadka araga la’ ee Soomaaliyeed.

04/05/2026

Xalay iyo caawa waxaa si rasmi ah dib inoogu bilaabatay xiisadaheenii barashada MS Office , gaar ahaan MS Word , oo uu q...
03/04/2026

Xalay iyo caawa waxaa si rasmi ah dib inoogu bilaabatay xiisadaheenii barashada MS Office , gaar ahaan MS Word , oo uu qabanayo Machadka Somali Assistive Technology Institute (SATI).

Koorsadan waa qeyb ka mid ah koorsada barashada computer-ka iyo tiknoolajiyadda casriga ah oo horay u socotay, balse dib loo bilaabay kaddib fasaxii bisha barakeysan ee Ramadaanka iyo munaasabadda Ciidda.

Ardayda ayaa loo kala qeybiyay laba kooxood, si loo xaqiijiyo tayada waxbarashada iyo faham wanaagsan. Qeyb ka mid ah ardayda ayaa xalay u bilaabatay, halka kooxda kalena caawa si rasmi ah u bilaabeen xiisadahooda.

Casharrada ayaa diiradda lagu saaray fahamka aasaaska barnaamijka MS Word, iyadoo ardayda lagu barayo sida loo abuuro qoraallo, loo habeeyo dukumiintiyada, iyo isticmaalka qalabka muhiimka ah ee fududeeya shaqada maalinlaha ah.

Ardaydu waxay muujiyeen dadaal iyo xiiso wayn, iyagoo si firfircoon uga qayb qaadanaya casharrada, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay inay horumariyaan xirfadahooda tiknoolajiyadeed.

Dib u bilowgan wuxuu astaan u yahay horumar cusub iyo rajo wanaagsan oo ku aaddan safarka waxbarasho ee ardayda, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay sii labanlaabmaan fahamka iyo xirfadaha ay baranayaan, hadduu Alle idmo.

Hayaanka Sati ee ku aadan aqoon wadaagga waxa uu daaran yahay in tiknoolajiyada laga dhigo mid fudud, la heli karo isla markaana loo wada simman yahay bedelkii ay ka ahaan laheyd mid adag, xadidan isla markaana caqabad ku noqota horumarka iyo waxbarashada…

: Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed…



29/03/2026

🌙✨ Hambalyo Ciidul Fidriga ✨🌙Machadka SATI waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan, macallimiinta, waalidiinta, arda...
19/03/2026

🌙✨ Hambalyo Ciidul Fidriga ✨🌙

Machadka SATI waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan, macallimiinta, waalidiinta, ardayda iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan camaladii wanaagsanaa ee aynu soo qabanay intii lagu gudajiray bishii barakaysneed ee Ramadaan, hana inaga dhigo kuwii ka faa’idaystay khayrkeeda, kana mid noqday kuwa loo naxariistay, la dhaafay dambiyadooda naartana laga xoreeyay.

Waxaan idiin rajaynaynaa Ciid farxad leh oo ay ku dheehan tahay nabad, caafimaad iyo guul.

Ciid Mubaarak 🎉…







14/03/2026

Habeenka sideedaad ee tartanka Loolanka aqoonta Ramadaan ee SATI.

Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed






.

13/03/2026

Habeenka todobaad ee tartanka Loolanka aqoonta Ramadaan ee SATI.

Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed






.

Tartankii aqoonta Ramadaan ee SATI ayaa si habsami leh u soo dhammaaday. 🌙🏆Tartankaani oo uu soo qaban-qaabiyay machadka...
13/03/2026

Tartankii aqoonta Ramadaan ee SATI ayaa si habsami leh u soo dhammaaday. 🌙🏆

Tartankaani oo uu soo qaban-qaabiyay machadka Somali Assistive Technology Institute (SATI) ayaa ahaa tartan aqooneed Kahoot oo online lagu qabanayay habeenada Khamiista iyo Jimcaha inta lagu guda jiray afartii isbuuc ee ugu horeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaan bogaadinaynaa dhammaan tartamayaashii ka qeyb galay tartanka kuwaas oo muujiyay dadaal,, karti iyo aqoon sare intii uu tartanku socday. 👏

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeyneynaa Mowliid Axmed Maxamed iyo Cabdullaahi Axmed Xaashi, oo noqday guuleystayaashii ugu dambeeyay, tartanka isla markaana si rasmi ah u helay abaalmarintoodii 🏆🎉.

Hadafka Machadka SATI waa Tiknoolajiyad Aan Xuduud Laheyn. Machadka SATI waxa uu sii wadaa dadaalladiisa ku aaddan buuxinta farqiga waxbarashada tiknoolajiyadda ee bulshada aragga la’ ee Soomaaliyeed, isaga oo ka shaqeynaya in tiknoolajiyadda laga dhigo mid la heli karo, la fahmi karo, isla markaana loo wada siman yahay.





07/03/2026

Habeenka lixaad ee tartanka Loolanka aqoonta Ramadaan ee SATI.

– Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed






.

06/03/2026

Habeenka shanaad ee tartanka Loolanka aqoonta Ramadaan ee SATI.

– Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed






.

📢 Isbuucii Saddexaad ee Tartanka Loolanka Aqoonta Ramadaan ee SATI 🌙🏆Tartanka Loolanka Aqoonta Ramadaan ee SATI , oo ah ...
06/03/2026

📢 Isbuucii Saddexaad ee Tartanka Loolanka Aqoonta Ramadaan ee SATI 🌙🏆

Tartanka Loolanka Aqoonta Ramadaan ee SATI , oo ah tartan aqooneed Kahoot ah una gaar ah dhalinta araga la’ oo online lagu qabto habeenada Khamiista iyo Jimcaha inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa weli si xiiso leh u socda. Tartamayaashu waxay muujinayaan dadaal iyo aqoon sare oo ka dhex muuqata habeen kasta.

Isbuucii saddexaad ee tartanka, guuleystayaasha habeenadii la qabtay waxay kala ahaayeen:

🥇 Habeenka shanaad: Cabdiraxmaan Daahir Xaashi
🥇 Habeenka lixaad: Ikraan Cabdi Xirsi, oo si rasmi ah u helay abaalmarintoodii 🏆.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa guusha ay gaareen, waxaana u rajeyneynaa inay sii wadaan dadaalkooda 👏🎉

Tartanku wali wuu socdaa, waxaana la filayaa habeenno kale oo xiiso badan inta ka hartay bisha Ramadaan. Ka faa’iideyso fursaddan si aad u muujiso aqoontaada una noqoto mid ka mid ah guuleystayaasha tartanka.

🎯 Hadafka Machadka SATI waa Tiknoolajiyad Aan Xuduud Laheyn. Machadka SATI wuxuu sii wadaa dadaalladiisa ku aaddan buuxinta farqiga waxbarashada tiknoolajiyadda ee bulshada aragga la’a ee Soomaaliyeed, isaga oo ka shaqeynaya in tiknoolajiyadda laga dhigo mid la heli karo, la fahmi karo, isla markaana loo wada siman yahay.





28/02/2026

Habeenka afaraad ee tartanka Loolanka aqoonta Ramadaan ee SATI.

– Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed






.

Address

Degfeer Road, Hodan
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Assistive Technology Institute - SATI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share