09/10/2026
Ramsi Technology Center (RTC) ayaa si sharaf iyo farxad leh u qabtay Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 1aad ee Dhamesatay Course-da Basic Computer.
Munaasabaddan qiimaha badan waxay astaan u tahay dadaal, aqoon kororsi, karti iyo guul ay gaareen ardaydii ugu horreysay ee ka qalin-jabisa xarunta. Waxay sidoo kale muujinaysaa sida ay muhiim u tahay horumarinta xirfadaha tiknoolajiyadda iyo diyaarinta dhallinyarada u diyaarsan mustaqbalka dijitaalka ah.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda qalin-jabisay, macallimiinta, waalidiinta iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay hirgelinta guushan taariikhiga ah.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa marti-sharaftii sharafta noo yeelatay, waalidiintii nagu garab istaagtay iyo dhammaan taageerayaashii ka qayb qaatay guusha munaasabadd