Jubaland Technology and innovation hub

Jubaland Technology and innovation hub Empowering youth with digital skills, innovation, and solutions to shape the future.

14/08/2026

πŸ“’ WARGELIN

Waxaan qaadaneynaa fasallo cusub oo ku saabsan barashadda Culuumta Cryptocurrency πŸ’².

Haddii aad xiisaynayso barashada Crypto & Digital Finance, nala soo xiriir oo ka faa’iidayso fursaddan waxbarasho.

Whatsapka +252 61 5 90 23 42
Wicitaanka +252 61 5 90 23 42

Ama Xafiiskeena Soo Booqo, Aargo Δ°sgoyska Golol-Kismaayo


Jubaland Technology & Innovation Hub (JUTIH) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Mahad Abdisalam Ahmed, munaas...
03/08/2026

Jubaland Technology & Innovation Hub (JUTIH) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Mahad Abdisalam Ahmed, munaasabadda magacaabistiisa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Daha – Faraceeda Kismaayo.

Magacaabistan waxay ka tarjumaysaa kalsoonida lagu qabo kartidiisa, hoggaamintiisa iyo doorkiisa ku aaddan horumarinta waxbarashada sare. Waxaan ku kalsoonahay in uu door muuqda ka qaadan doono tayeynta waxbarashada, kobcinta hal-abuurka, iyo dhisidda jiil aqoon iyo anshax leh.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku garab galo masuuliyadda cusub, kana yeelo mid ku guuleysta himilooyinka loo igmaday, una horseeda bulshada iyo hay'adda uu hoggaaminayo horumar waara.




Tartanka Bilaha ah ee Ardayda Barta Cilmiga KombiyuutarkaWaxaa si joogto ah bishiiba mar loo qabtaa tartanka ardayda bar...
22/07/2026

Tartanka Bilaha ah ee Ardayda Barta Cilmiga Kombiyuutarka

Waxaa si joogto ah bishiiba mar loo qabtaa tartanka ardayda barata cilmiga kombiyuutarka, kaas oo lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo kalsoonida ardayda.

Tartankan ayaa diiradda lagu saaray saddexda cashar ee ugu horreeya, kuwaas oo kala ah Windows, Microsoft Word iyo Microsoft Excel. Ardaydu waxay muujiyeen dadaal iyo tartan hufan, iyagoo ku tartamay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen.

Ujeeddada ugu weyn ee tartankan waa dhiirrigelinta barashada cilmiga kombiyuutarka, kor u qaadista tayada waxbarashada, iyo abuurista jawi tartan caafimaad qaba oo ardayda ku dhiirrigeliya inay sii xoojiyaan aqoontooda.

Galabta, Kooxda B ayaa ku guuleysatay tartanka, halka Kooxda A aysan nasiib u yeelan guusha maanta. Si kastaba ha ahaatee, tartamadu way sii socon doonaan bil kasta si loo xoojiyo waxbarashada, loona dhiirrigeliyo dhammaan ardayda.

Waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan dhalinyarada iyo ardayda xiisaynaya barashada cilmiga kombiyuutarka inay iska diiwaangeliyaan Jubaland Technology and Innovation Hub, si ay u helaan tababar tayo leh, ugana faa'iideystaan fursadaha horumarinta xirfadaha casriga ah.

πŸ“ Goobta: Isgoyska Golol, dhabarka dambe ee Bashna Coffee.

πŸ“ž Kala xiriir / WhatsApp: 0615902342.


🎨 Baro Graphic Design oo dhis xirfaddaada!Ku baro Adobe Photoshop (Ps) iyo Adobe Illustrator (Ai) Mudo labo Bilood ah, H...
08/07/2026

🎨 Baro Graphic Design oo dhis xirfaddaada!

Ku baro Adobe Photoshop (Ps) iyo Adobe Illustrator (Ai) Mudo labo Bilood ah, Hada Kusoo biir Jubaland Technology & Innovation Hub (JUTIH).

Waxaad Fursad uheleysaa

βœ… Naqshadeynta casriga
βœ… Suuqa Xirfadaha
βœ…Xirfad xor ah

πŸ“ž Isdiiwaangeli hadda:
Whatspkena Nagala sooxiriir : 252615902342

JUTIH – Halka ay ka bilaabato mustaqbalkaaga dijitaalka ah. πŸš€

Weli waxa furan isdiiwaangelinta  Barashada Koorsada suuqa Cryptocurrency,Kaliya 3, maalin Aya ka hartay!Hadaba ka faaid...
04/07/2026

Weli waxa furan isdiiwaangelinta Barashada Koorsada suuqa Cryptocurrency,

Kaliya 3, maalin Aya ka hartay!
Hadaba ka faaideeso oo kamid noqdo Xirfadlayaasha πŸ’΅πŸ“Š

Wixii Faahfaahin ah Whatspkena Nagala doo xiriir 0615902342


Fursad Dahabi ah oo Ku Saabsan Barashada Cryptocurrency-ga! Kadib codsiyo badan oo naga soo gaaray bulshada, Jubaland Te...
24/06/2026

Fursad Dahabi ah oo Ku Saabsan Barashada Cryptocurrency-ga!

Kadib codsiyo badan oo naga soo gaaray bulshada, Jubaland Technology & Innovation Hub (JUTIH) waxay si rasmi ah u daahfurtay koorso dhammaystiran oo ku saabsan Cryptocurrency, Trading iyo Blockchain Technology.

Ma doonaysaa inaad barato sida uu u shaqeeyo suuqa Crypto-ga, una hesho aqoon iyo xirfado kaa caawinaya ganacsiga iyo maalgelinta lacagaha dhijitaalka ah? Koorsadan ayaa kuu ah fursadda ugu habboon.

Waxyaabaha lagu baran doono waxaa ka mid ah:

β€’ Cryptocurrency A ilaa Z
β€’ Advanced Technical Analysis
β€’ Fundamental Analysis
β€’ Onchain & Sentiment Analysis
β€’ Halal & Haram Coins
β€’ Coin Investment Criteria
β€’ Risk Management
β€’ Trading Psychology
β€’ Real-time Market Strategies
β€’ Blockchain Technology iyo isticmaalkeeda
β€’ Ammaanka hantida dijitaalka ah

🎯 Kooras-kan waxa ka faa’iidaysan kara: Ardayda, ganacsatada, xirfadlayaasha, iyo qof kasta oo danaynaya dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah.

πŸ“ Goobta: Kismaayo – Golol Street
πŸ’» Habka: Fool-ka-fool iyo Online
⏳ Muddada: 2 Bilood
πŸ’° Qiimaha: Lacag jaban oo qof walba awoodo

πŸ• Isdiiwaangelintu way socotaa, hana seegin fursaddan aad ku kasban karto aqoon qiimo leh oo la jaanqaadaysa isbeddellada dunida casriga ah.

πŸ“ž Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
☎️ 0615902342
πŸ“± WhatsApp: 0615902342




Baro Xirfad Inta Lagu Jiro Fasaxa Iskuullada!Maadaama lagu jiro fasaxa iskuullada oo soconaya muddo 3 bilood ah, waa fur...
15/06/2026

Baro Xirfad Inta Lagu Jiro Fasaxa Iskuullada!

Maadaama lagu jiro fasaxa iskuullada oo soconaya muddo 3 bilood ah, waa fursad qaali ah oo aad ku baran karto xirfad cusub oo mustaqbalkaaga wax ku kordhinaysa.

πŸ–₯️ JUTIH waxay kuu haysaa tababar Graphic Design (Naqshadeynta) ah oo aad ku baran doonto xirfadaha casriga ah ee naqshadaynta.

βœ… Ka faa'iidayso waqtiga fasaxa
βœ… Baro xirfad suuqa shaqada looga baahan yahay
βœ… Kor u qaad aqoontaada iyo hal-abuurkaaga

πŸ“Œ Diiwaangelintu way socotaa (Admission Open)

πŸ“ž Wixii faahfaahin ah kala xiriir: 61 5902342

FG:- Tabanka Ardey ee ugu horeysa Waxaa ay heli doonaan Qiimo dhimis.....

Fasaxaaga ha ku lumin waqti aan faa'iido lahayn, ku maalgeli aqoontaada iyo mustaqbalkaaga.


03/06/2026

Muqaalkaan Kooban EE uu Cabdifataax oo kamid ah Ardeyda Ku sharxayo Sida uu Ardeyga Ku ogaano karo Ntiijada imtixaankiisa

Fadlan Raac Tusmooyinka uu Bixinayo Cabdifataax.


𝐎𝐠𝐞𝐲𝐬𝐒𝐒𝐬! 𝐎𝐠𝐞𝐲𝐬𝐒𝐒𝐬! 𝐎𝐠𝐞𝐲𝐬𝐒𝐒𝐬!Natiijooyinka Imtixaannada K**a Dambeysta ah ee ardayda Jubaland Technology & Innovation Hu...
02/06/2026

𝐎𝐠𝐞𝐲𝐬𝐒𝐒𝐬! 𝐎𝐠𝐞𝐲𝐬𝐒𝐒𝐬! 𝐎𝐠𝐞𝐲𝐬𝐒𝐒𝐬!
Natiijooyinka Imtixaannada K**a Dambeysta ah ee ardayda Jubaland Technology & Innovation Hub (JUTIH) hadda waa diyaar.

Si aad u aragto natiijadaada:
πŸ“² Booqo link-ga: https://shorturl.at/iWcjk
Ama la xiriir maamulka JUTIH.

Hambalyo dhammaan ardayda soo bandhigtay dadaal, adkaysi iyo hal-abuur.




NATΔ°Δ°JADA Δ°NTΔ°XAANKA CAAWA HAKA SEEXAN.......Jubaland Technology & Innovation Hub (JUTIH) waxay ku wargelinaysaa dhammaa...
02/06/2026

NATΔ°Δ°JADA Δ°NTΔ°XAANKA CAAWA HAKA SEEXAN.......

Jubaland Technology & Innovation Hub (JUTIH) waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda ka qaybgalay imtixaanka in natiijooyinka si rasmi ah loo shaacin doono caawa saacadda 10:00 PM, haddii Alle idmo.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul iyo mustaqbal ifaya.

πŸ“… Taariikhda: 2 Juun 2026
⏰ Waqtiga: 10:00 PM

JUTIH – Innovate β€’ Connect β€’ Empower


Address

Kismaayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubaland Technology and innovation hub posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share