23/11/2022
Xulka Qaranka Jarmalka oo maanta la dheelaya dhiggooda Japan ayaa cayaarta ka hor soo galay sawir ay afka gacanta ku hayaan kaas oo ay ku sheegeen muddahaarad ka dhana dawladda Qadar iyo ururka FIFA.
Xulkan ayaa ku doodaya in laga hor istaagay muujinta iyo xidhashada Astaanta qoom Luudka lagu taageero ee one love ka loo yaqaan.
Dhowaan FIFA ayaa ku goodiday in kaadhka huruudaha ah la siin doono Kabtankii garoonka la soo gala astaamahaas oo ah kuwo ka reebban koobka Adduunka ee sannadkan dhacaya.