29/01/2026
Real Code vs. Vibe Code: Isbeddelka Casriga ah ee Programming-ka
Programming-ku si weyn ayuu isu beddelay sanadihii u dambeeyay. H**e, developer-ku wuxuu qori jiray code kasta oo ka mid ah application-ka, line by line, isaga oo si buuxda u fahmaya waxa system-ku samaynayo. Habkaas waxaa maanta loo yaqaan Real Code.
Laakiin maanta, iyadoo la helay AI tools sida ChatGPT iyo GitHub Copilot, waxaa soo baxay hab cusub oo dad badani ugu yeeraan Vibe Code. Halkii aad adigu code dheer u qori lahayd, waxaad AI-ga siinaysaa prompt, isaguna wuxuu kuu soo saarayaa code shaqaynaya.
Qoraalkana waxaan ku sharaxi doona farqiga u dhexeeya Real Code iyo Vibe Code, halka mid walba ku fiican yahay, iyo sida loo isticmaali karo si caqli leh.
1. Real Code (Traditional Programming)
Real Code waa programming-ka caadiga ah ee developer-ku si toos ah u qoro code-ka. Waxaad adeegsanaysaa programming languages sida Python, Java, JavaScript, ama PHP, adigoo raacaya concepts sida algorithms, data structures, iyo system architecture.
Astaamaha Real Code
1. Full Control
Developer-ku wuxuu si buuxda u xakameeyaa code-ka. Wuxuu garanayaa sababta function-ku u shaqaynayo iyo waxa dhici doona haddii wax la beddelo.
Tusaale real ah:
Haddii aad dhisayso banking system, sida app-ka lacag dirista, ma isticmaali kartid code aanad fahmin. Security, authentication, iyo data validation waa in adigu gacanta ku haysaa.
2. Deep Understanding
Real Code wuxuu u baahan yahay faham dhab ah oo ku saabsan sida system-ku u shaqeeyo.
Tusaale:
Developer dhisaya REST API oo isticmaalaya Node.js iyo Express waa inuu fahmaa routing, middleware, error handling, iyo database queries.
3. Easy Maintenance
Marka code-ku adiga kaa yimid, debugging iyo future updates way fududaanayaan.
2. Vibe Code (AI-Generated Code)
Vibe Code waa code ay AI-gu kuu soo saarto adigoo siinaya prompt. Adigu ma gelaysid faahfaahinta code-ka, balse waxaad sheegaysaa waxa aad rabto in la sameeyo.
Astaamaha Vibe Code
1. Speed (Xawaare)
AI-gu wuxuu kuu samayn karaa code daqiiqado gudahood.
Tusaale real ah:
Waxaad tiraahdaa:
“Create a simple HTML, CSS, and JavaScript calculator.”
Isla markiiba waxaad helaysaa calculator shaqaynaya.
2. Low Entry Barrier
Qof aan developer buuxa ahayn ayaa isticmaali kara.
Tusaale:
Ganacsade raba landing page si uu u tijaabiyo idea cusub, wuxuu AI ku samayn karaa page basic ah isaga oo aan aqoon qoto dheer u lahayn HTML ama CSS.
3. Quality Risk
Code-ku wuu shaqayn karaa, laakiin mararka qaar:
• ma aha efficient
• security kuma filna
• scalable ma aha
Tusaale:
AI-gu wuxuu kuu samayn karaa login system, laakiin password-ka wuxuu ku kaydin karaa plain text, taas oo khatar weyn ah.
3. Real Code vs. Vibe Code: Isbarbardhig Kooban
Farqiga ugu weyn wuxuu ku jiraa Control vs Speed.
• Real Code
o Control badan
o Security sare
o Ku habboon large projects
• Vibe Code
o Speed badan
o Fudayd
o Ku habboon prototypes iyo small tools
Real Code waa sida building system from scratch, halka Vibe Code uu yahay using a ready-made solution.
4. Habka Ugu Fiican: Isku-darka Labada
Developer-rada maanta guuleysta badankood waxay isticmaalaan labadaba.
Tusaale real ah:
• AI waxaad u isticmaashaa:
o code skeleton
o sample functions
o documentation help
• Adiguna waxaad:
o review-gareynaysaa code-ka
o security ku daraysaa
o performance hagaajinaysaa
Tani waxay badbaadisaa waqti, isla markaana waxay ilaalisaa tayada project-ka.
Ugu danbayn:
Real Code waa foundation-ka programming-ka. Haddii aadan fahmin, mustaqbal fog ma gaadhi kartid.
Vibe Code-na waa tool awood leh oo kaa caawinaya speed iyo experimentation.
Mustaqbalka programming-ku ma aha “AI vs Developer”.
Waa Developer + AI.
Qofka labada si sax ah u isticmaala, isaga ayaa hogaamin doona.