PhoneLand Online Market

PhoneLand Online Market Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from PhoneLand Online Market, Electronics Store, Sha'ab Area, Hargeisa.

31/12/2020

Maxay Kula Tahay In Af Somaliga Ay Ka Farcameen Luuqadahu?

31/12/2020

2020 Sidee Uu Kuu Ahaa?

11/05/2020

Sheekh maxamed cumar dirir

22/04/2020

Sida aynu ugu diyaar garoobeyno bisha barakaysan ee Ramadaan.
Sheekh Dirir.

05/04/2020

Ku Dalxiis Dalkaaga,Isaga Uunbaad Leedahay.
Hereri Iyo Booqashadii Bulaxaar.
Alla Yarxami ina miyir.

13/03/2020

Taxanaha

Sheekadii 3-aad

Waxa aan ahay shaqaale-hoosaad ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland. Maamulaha xoghayntiisa, ayaan ka sii hooseeyaa. Maalin ayaannu isku dhacnay Xoghaynta, ka dibna arrintayadii ayaa gaadhay isaga. Khaladkii oo dhan aniga ayaa la i saaray, weliba aniga oo aan lahayn khaladkaas. Gabadha Xoghaynta ahi way iga sarraysay, in badanna meesha ayay ka shaqaynaysay. Waan iska samray, in la is af garan waayaa waa wax caadi ah. Balse waxa aan caadi ahayn, wixii dhacay bil ka dib.

Maamulaha oo ah nin aan aad u ixtiraamo, ayaa maalintaas ii yimid. Waxa uu ii sheegay inuu rabo inuu ila hadlo, inta aanan bixinna aan ku sii maro xafiiskiisa. Waa Maamulahaygii, waan ka aqbalay. Markii aan u galay duhurkii, ayuu ii sheegay in uu iga eryaayo shaqada, sabab-la’aan. Waan la yar dooday oo khaladka aan sameeyey ayaan weydiiyay, aniga oo yaabban. Wuxuu iigu jawaabay in aan “la heshiiyo” isaga, si uu shaqada iigu daayo, weliba uu i dallacsiin doono. Wuxuu ii raaciyay, “Maanta ayaad jaanis haysataa ee ka faa’ideyso. Imikaba berri ha soo shaqo tegin haddaanad rabin in aad aniga xidhiidh ila samayso.”

Maalintaas aniga oo culays badan jidhka iyo maskaxdaba ka dareemaya, ayaan gurigii tegay. Habeenkii oo dhan marna waan fikirayay, marna waan ooyayay. Shaqada waan u baahanahay oo waddanka shaqa-la’aanta baahsan ee taalla waad og tahay, reerkayaga aniga oo keli ah ayaa u shaqeeya. Walaalo rag ahi ila ma dhalan oo ninkan iga celiya, xitaa ilmaadeer dhow ma lihi. Aabbahay ma noola. Wax aan sameeyo ayaan garan waayey. Subixii ayaan shaqada imid, waan u tegay, go’aankaygiina waan u sheegay. Xidhiidhkaaga waan aqbalay, ayaan ku idhi.

Isla duhurkiiba xafiiskiisa ayuu iigu yeedhay, si uu hawshiisa u fushado. Waan u tegay. Waxa aanan ogeyn, in uu kamarad meel ku qariyay. Kamaraddaasi waxa ay duubtay wixii uu igu sameeyey oo dhan. Maalintaas laga bilaabo, illaa imika, wuxuu igaga cabsiiyaa in uu muuqaalkaasi baahin doono. Anigana taas ayaa iigu daran.

Ismaaciilow, ninkaas Maamulahayga ah ee aan kuu sheegayaa, waxa uu ka mid yahay asxaabtaada Facebook-ga kuugu jirta oo waan arkay. Laga soo bilaabo sannadkii 2019, bishii 8-aad, lacagtayda mushaharka ayuu badh qaataa, anna ma hadli karo. Illaa maanta sidaas ayuu xaqayga iiga qaadaa, cid aan u sheegi karana ma haysto. Markaa waan ku khasbanahay in aan laaluushkaa bixiyo si aanu ii ceebayn.

Xigasho Ismaaciil C Ubax

1902 Ayaa La Qaadey Sawiradan.Waxay Muujinayaan Noloshii Awoowyadeen.Waa Dhulka Somaliland.Xigasho Agaasime Abdirashid I...
10/03/2020

1902 Ayaa La Qaadey Sawiradan.Waxay Muujinayaan Noloshii Awoowyadeen.
Waa Dhulka Somaliland.

Xigasho Agaasime Abdirashid Ibrahim Abdirahman

Address

Sha'ab Area
Hargeisa
2522

Telephone

+252634260695

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when PhoneLand Online Market posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to PhoneLand Online Market:

Share