Amtel Puntland Somalia

Amtel Puntland Somalia Amtel a member of Amal Group is a Telecommunications Company that provides all telecom services.

𝗀𝗢𝗢𝗺𝗼 π——π—΅π—Άπ—Ίπ—Άπ˜€! Waxaan qiimo dhimis balaaran kugu samaynay adeegga Tanaad, kaliya $5 ku πŸ°πŸ±π—šπ—•, kuhadal iyo SMS aan ka dhace...
17/08/2026

𝗀𝗢𝗢𝗺𝗼 π——π—΅π—Άπ—Ίπ—Άπ˜€!

Waxaan qiimo dhimis balaaran kugu samaynay adeegga Tanaad, kaliya $5 ku πŸ°πŸ±π—šπ—•, kuhadal iyo SMS aan ka dhaceyn.



Nabigeenna Muxammad ο·Ί wuxuu yiri: Kuwa idiinku khayr ka badan waa kuwa barta qur'aanka dadka kalena bara.Xadiiskani wuxu...
14/08/2026

Nabigeenna Muxammad ο·Ί wuxuu yiri: Kuwa idiinku khayr ka badan waa kuwa barta qur'aanka dadka kalena bara.

Xadiiskani wuxuu ina xasuusinayaa qiimaha ay leedahay barashada Qur'aanka kariimka iyo gudbintiisa.

Alle ha inaga dhigo kuwa Qur’aanka barta, ku dhaqma, dadka kalena bara.

13/08/2026

Amtel oo Tababar Siisay Ardayda PSU

Shirkadda Isgaarsiinta Amtel ee Puntland ayaa tababar aqooneed iyo mid ku-dhaqan ah siisay arday ka tirsan Jaamacadda PSU, gaar ahaan ardayda barata qaybta Engineering-ka.

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadaha ardayda, iyadoo fursad loo siiyay inay si toos ah ugu dabaqaan aqoonta teoriga ah ee ay jaamacadda ku barteen.

Qiimo dhimis ay ku samaysay xiro mooyin Shirkadda Amtel Ku shubo $1 ku hel internet Xawaare sare leh 10GB +Free call  So...
13/08/2026

Qiimo dhimis ay ku samaysay xiro mooyin Shirkadda Amtel Ku shubo $1 ku hel internet Xawaare sare leh 10GB +
Free call Somalia oo dhan

Adeegga bulaale
13/08/2026

Adeegga bulaale

Ku hadal oo hadaalin Adeegga intifaac
03/08/2026

Ku hadal oo hadaalin Adeegga intifaac


 : Shirkadda AMTEL ayaa ka qeyb qaadatay dabaal-degga xuska sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Dowladda...
01/08/2026

: Shirkadda AMTEL ayaa ka qeyb qaadatay dabaal-degga xuska sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Dowladda Puntland.

AMTEL ayaa munaasabadda ku muujisay doorkeeda ku aaddan taageeridda munaasabadaha qaran iyo horumarka Puntland, iyadoo qeyb ka ahayd xafladaha iyo bandhigyada lagu maamuusay maalintan qiimaha badan.

Jimce wangsan dhamaan casumad puntland Ee Garowe ku naso adeegga shirkada amtel bulaal
17/07/2026

Jimce wangsan dhamaan casumad puntland Ee Garowe ku naso adeegga shirkada amtel bulaal

Ololaha Kuraac MyCash ee Bajaajta oo ka socda Magaalada Garoowe maalintii lixaadOlolaha Kuraac MyCash ee ay iska kaashan...
11/07/2026

Ololaha Kuraac MyCash ee Bajaajta oo ka socda Magaalada Garoowe maalintii lixaad

Ololaha Kuraac MyCash ee ay iska kaashanayaan Shirkadda Isgaarsiinta Amtel iyo amal bank ayaa maanta galay maalintii lixaad, iyadoo ololaha si weyn loogu gaarsiinayo darawallada bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Garoowe.

Ujeeddada ololahan ayaa ah in darawallada bajaajta iyo bulshada isticmaasha gaadiidka dadweynaha lagu dhiirrigeliyo adeegsiga MyCash, si lacag-bixinta ay u noqoto mid sahlan, degdeg ah, ammaan ah, isla markaana casri ah.

MyCash waa adeeg casri ah oo kuu sahla inaad si fudud uga maamusho akoonkaaga Amal Bank, adigoo lacag ku diri kara, ku bixin kara, kuna iibsan kara adeegyo iyo badeecooyin suuqyada kala duwan ee magaalada.

Adeegga MyCash wuxuu ku shaqeeyaa kalsooni iyo hufnaan, wuxuuna diyaar kuu yahay waqti kasta iyo goob kasta, taasoo ka dhigaysa adeeg lagu kalsoonaan karo oo daboolaya baahiyaha macaamiisha.

Sidoo kale, Shirkadda Amtel waxay bulshada u haysaa adeeg internet oo tayo sare leh, xawaare dheereeya leh, isla markaana lagu heli karo qiimo jaban.

Bulshooy, ballanteennu waa Amal Bank iyo Shirkadda Isgaarsiinta Amtel.

Shirkadda Isgaarsiinta Amtel Bangiga Amal iyo   oo bilaabay ololaha adeegga casriga ah ee MyCash adeegga internet  Shirk...
07/07/2026

Shirkadda Isgaarsiinta Amtel Bangiga Amal iyo oo bilaabay ololaha adeegga casriga ah ee MyCash adeegga internet

Shirkadda Isgaarsiinta Amtel ayaa si wadajir ah u bilaabay ololaha wacyigelinta adeegga casriga ah ee MyCash, kaas oo loogu talagalay in bulshada lagu baro faa'iidooyinka iyo fududeynta uu adeeggan u leeyahay macaamiisha.

Ololaha oo ka billowday xarumaha Bangiga Amal ayaa maanta lagu gaarsiiyay darawallada iyo isticmaalayaasha gaadiidka Bajaaj-ka, maadaama ay ka mid yihiin adeegyada ay dadweynuhu sida weyn u isticmaalaan. Ujeeddadu waa in macaamiishu ay si sahlan ugu diraan uguna helaan lacagta marka ay adeegsanayaan gaadiidka Bajaaj-ka iyagoo adeegsanaya MyCash.

Shucayb Siciid, oo ah Madaxa Howlaha (Operations) ee MyCash, iyo Fahad Shabelle, oo ah Madaxa Commercial isla markaana hoggaaminaya kooxda ololaha wacyigelinta, ayaa ka warbixiyay muhiimadda adeegga MyCash iyo sida uu u fududeynayo nolol maalmeedka bulshada.

MyCash waa adeeg casri ah oo kuu oggolaanaya inaad lacag dirto, hesho, isla markaana bixiso adeegyo kala duwan waqti kasta iyo goob kasta, si ammaan ah oo degdeg ah.

Sidoo kale, Shirkadda Amtel waxay macaamiisheeda u soo bandhigtay adeegga Internet-ka 4G oo xawaare sare leh isla markaana qiimo jaban, iyadoo ay weheliso wicitaanno iyo SMS-yo bilaash ah oo ku jira dalabyo gaar ah.

Waxaa intaas dheer in Amtel ay bixiso adeeg internet oo xawaare sare leh oo ku habboon guryaha iyo xafiisyada.

Bulshada, ballanteennu waa adeeg tayo leh oo casri ah – Bangiga Amal iyo Shirkadda Amtel.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amtel Puntland Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share