18/06/2026
Hambalyo guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta soo gabagabeeyay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe, kaas oo si rasmi ah u billowday Isniintii 15/06/2026 kuna dhammaaday maanta oo Khamiis ah 18/06/2026.
Imtixaankani waa marxalad muhiim ah oo lagu soo gunaanadayo waxbarashada dugsiga dhexe, loogana gudbayo heerka dugsiga sare. Waa tallaabo muujinaysa dadaalka, adkaysiga iyo himilada ardayda ee ku aaddan mustaqbal wanaagsan.
Waxaan hambalyo gaar ah u diraynaa ardayda Iskuulka Alpha ee degmada Buulo Burte, kuwaas oo si hufan oo dadaal leh uga qayb qaatay imtixaanka. Waxaan idiin rajaynaynaa guul, natiijooyin wanaagsan iyo in aad noqotaan jiil aqoon, anshax iyo karti ku hoggaamiya dalkooda iyo dadkooda.
Alle ha idiin sahlo natiijooyin wanaagsan, hana idiin barakeeyo cilmigiinna iyo mustaqbalkiinna.
Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed. 🎓📚🌹