17/08/2016
Mushtamaca ogaadeenya dagga ee lamadax goostay.
Ee maamul aan jirin tigree uu ku mudu tuulay.
Muctul aan wax gooy naynin iyo qudhun madhoo dheyna.
Muquunadan tigree soo diree maxasta laynaysa.
Ee maydka shacabkay jareen meelwal baba yaalo.
Qaarna uu maxaabiista yahay moolka ku xaraysan.
Adna aad magaanyohow tigree iyo maqaar saarkan.
Kolba iimacaanayn maamul lagu macaashaynin.
Markaan diido maafiyo inaad iiga madax yeesho.
Sidii maal anoo kaadhocoo muruqna kuusheegtay.
Haysu kay macnaynine markale maqal odhaah daydan.
Afartaa mahiigaan curtiyo mayay aroor yaad dheh.
Madfac iyo gantaal aan ridoo meel fog tiigsaday dheh.
Mas waabayda uu soo ganiyo sida mariidkii dheh.
Afarkale maqaawiir nimiyo xaajo madaxeed'e.
Inaan maasha jeexay ahayd madalna geeyaa'e.
Maslaxaanse wali doonayaa amase maarayn'e.
Daahirow maquustaa tahay'e maadan muran teen'e.
Maansadana waan kaa xidhee mooyi saad tahay'e.
Show macalin kaagaa kuyidhi muuqo waligaa'e.
Is maqiiqna mooyee murtiba meel umaad dayan'e.
Meel hoose oo laga tagaad wali maraysaa'e.
Maxastaa qaxxaysee latubay milicda jiilaalka.
Ee maal lasoo tuug sadiyo mudatay seeg seegga.
Ma'wigii shilaabiyo dhulkaad magac dhowdeed.
Way ka maar mayaan maanan dhihin maalin galinkeed'e.
Murugaase taalloo tigree madhi dadkeenii'e.
Mid billaawe lagu dooxay iyo qaar madfucu jiidhay.
Iyo qaar maxaabiis noqdoo gaajo macaluulay.
Iyo mayd banaan kaa ladhigay wiigna milic yaalay.
Mayeedhaan ladili oo mindida aayar lagu dooxi.
Marwo sharaf leh oo gaallo uri ay u moho nayso.
Intaasoo marxaladood anoo mariyay oo sheegay.
Mid intaa kaddaran baa jirtoon uunka maqashiin'e.
Marjin ruux naftii kaga baxdoo mawdku ku haleelay.
Oo aan miciin caawiyiyo ruux maqlaba joogin.
Oo mus madaxa loo galiyay oo meel cidla'a yaalla.
Oo maalmo badan ay jifadu xidhadhka miiraysay.
Oo mar uu madoobaa day oo milil kahooraayo.
Meehanowgii lagu soo boxoo lagu miraadaayo.
Masii wadi karoo daahirow waan murugoon'e.
Musiibadan mamoog tahay qalbigu nala madoobaaday.
Ma-nin waalanbaa tahay xageed noogu mara xoortay.
Maxaa laga macaashaa ninyohaw mooro gubanayse.
Seedse mool yaxaas wayn ku jiro noogu mara saartay.
Mada daalo iyo ii dheh baad malaha sheegtaa'e.
M***i baabad tahay aan sharciga maro ka saarayn'e.
Markaad qawlka dhihi daahirow hayska maakibin'e.
Wax macluum ah lama moosi karo oon madow galin'e.
Haddii aad masalo sheegtidood goob maxfal'a keento.
Maddaliilu goortaan dheheed mu'akidkii waydo.
Margashadu mafiicnee runbaa lagu madiixaa'e.
Maaxdii shilaabood anaa maanta kaa jecel'e.
Banwataah inaan marana raba kuna macaashaa'e.
Kana miri mawaashida intaan meel u kaal mado'e.
Ma-ku nabad galaayaa intaan maalka shubanaayo.
Maya iyo inaad-haa i dhihi waa mid labadaas'e.
Meelkale adoon eeginoon hadalka meer meerin.
Maqashii bulshada oo dhanbaa noo ahaan marag'e.
Tixdii Maquuste Iyo Ibnu Cagayare