FikirAbwaan.Com

FikirAbwaan.Com Muxamad Sheekh-haajir

17/08/2016

Mushtamaca ogaadeenya dagga ee lamadax goostay.
Ee maamul aan jirin tigree uu ku mudu tuulay.
Muctul aan wax gooy naynin iyo qudhun madhoo dheyna.
Muquunadan tigree soo diree maxasta laynaysa.
Ee maydka shacabkay jareen meelwal baba yaalo.
Qaarna uu maxaabiista yahay moolka ku xaraysan.
Adna aad magaanyohow tigree iyo maqaar saarkan.
Kolba iimacaanayn maamul lagu macaashaynin.
Markaan diido maafiyo inaad iiga madax yeesho.
Sidii maal anoo kaadhocoo muruqna kuusheegtay.
Haysu kay macnaynine markale maqal odhaah daydan.
Afartaa mahiigaan curtiyo mayay aroor yaad dheh.
Madfac iyo gantaal aan ridoo meel fog tiigsaday dheh.
Mas waabayda uu soo ganiyo sida mariidkii dheh.
Afarkale maqaawiir nimiyo xaajo madaxeed'e.
Inaan maasha jeexay ahayd madalna geeyaa'e.
Maslaxaanse wali doonayaa amase maarayn'e.
Daahirow maquustaa tahay'e maadan muran teen'e.
Maansadana waan kaa xidhee mooyi saad tahay'e.
Show macalin kaagaa kuyidhi muuqo waligaa'e.
Is maqiiqna mooyee murtiba meel umaad dayan'e.
Meel hoose oo laga tagaad wali maraysaa'e.
Maxastaa qaxxaysee latubay milicda jiilaalka.
Ee maal lasoo tuug sadiyo mudatay seeg seegga.
Ma'wigii shilaabiyo dhulkaad magac dhowdeed.
Way ka maar mayaan maanan dhihin maalin galinkeed'e.
Murugaase taalloo tigree madhi dadkeenii'e.
Mid billaawe lagu dooxay iyo qaar madfucu jiidhay.
Iyo qaar maxaabiis noqdoo gaajo macaluulay.
Iyo mayd banaan kaa ladhigay wiigna milic yaalay.
Mayeedhaan ladili oo mindida aayar lagu dooxi.
Marwo sharaf leh oo gaallo uri ay u moho nayso.
Intaasoo marxaladood anoo mariyay oo sheegay.
Mid intaa kaddaran baa jirtoon uunka maqashiin'e.
Marjin ruux naftii kaga baxdoo mawdku ku haleelay.
Oo aan miciin caawiyiyo ruux maqlaba joogin.
Oo mus madaxa loo galiyay oo meel cidla'a yaalla.
Oo maalmo badan ay jifadu xidhadhka miiraysay.
Oo mar uu madoobaa day oo milil kahooraayo.
Meehanowgii lagu soo boxoo lagu miraadaayo.
Masii wadi karoo daahirow waan murugoon'e.
Musiibadan mamoog tahay qalbigu nala madoobaaday.
Ma-nin waalanbaa tahay xageed noogu mara xoortay.
Maxaa laga macaashaa ninyohaw mooro gubanayse.
Seedse mool yaxaas wayn ku jiro noogu mara saartay.
Mada daalo iyo ii dheh baad malaha sheegtaa'e.
M***i baabad tahay aan sharciga maro ka saarayn'e.
Markaad qawlka dhihi daahirow hayska maakibin'e.
Wax macluum ah lama moosi karo oon madow galin'e.
Haddii aad masalo sheegtidood goob maxfal'a keento.
Maddaliilu goortaan dheheed mu'akidkii waydo.
Margashadu mafiicnee runbaa lagu madiixaa'e.
Maaxdii shilaabood anaa maanta kaa jecel'e.
Banwataah inaan marana raba kuna macaashaa'e.
Kana miri mawaashida intaan meel u kaal mado'e.
Ma-ku nabad galaayaa intaan maalka shubanaayo.
Maya iyo inaad-haa i dhihi waa mid labadaas'e.
Meelkale adoon eeginoon hadalka meer meerin.
Maqashii bulshada oo dhanbaa noo ahaan marag'e.
Tixdii Maquuste Iyo Ibnu Cagayare

31/05/2016

Ma qorshaynin qaaf layda gabay qoritin keediiye.

Qardo jeex mar aan diidanaa maanso qulub keede.

Qawl aan markaa idhi hadaan eray kasoo qaato.

Soojeed miyaa lagu qarwaa gabaygu qiilwaaye.

Qodobkaa markaan sheegayeen sidan uqiimeeyay.

Qalayfkiisa yaan diidanaa laysku qoonsaniye.

Anigoo sidaa kaga qancoo xidhay qolkiisiiba.

Qod qodayntii sheekh daahirbaan meela qoon sadaye.

Markaasaan is qaban waayayoon qubay warkaygiiye.

Inkastooy qadhaadhayd markaan qorayay suugaanta.

Nimay qiiro haysaan ohoo waan qarxanayaaye.

Sidaasaan uqaabilay warkaad igu qubayseene.

Gumaysigii qabsaday ciidanada ee nakala qaybshay.

Halgankaan qorshaystee marh**e aan u qalab qaaday.

Een gumaysigii qooqi jiray galinay qiil qiisha.

Ee tigree inuu kala qixiyo quusta wada joogo.

Nin kastoo qalooc galin raboo qalad kusheekeegaaya.

Ee qoriga oon dhigo rabiyo qalin inaan qaato.

Kana dhigan inaan quustay oon tiirsho qalabkayga.

Ee qoorta oon dhiibaniyo quudhsi ilamaagan.

Waa rag qaraw sanbaa filahayaa oon wax qabanayne.

Ama waa basaasiin qarsoon oola sooqoraye.

Qasab weeye ruuxii kastoo qudhunkan ii huursha.

Qoomamiyo inaan ciilbadoon dacar uqooshaa'e.

Qaaraha hadiidine ragyohow waad uqalntaane.

(Doodii Quudhsi Diid vs Ibnu Cagayare)

30/05/2016

Qodqodida hadaad igu wadiyo hadal ku qoor goynta
Qasab weeye sheekh daahirow qarxday laabtiiye
Qalqalaha wixii aan kusida qubasho weeyaane.
Warkii aan qarsanayoo dhanbaad iga qufaysaaye.
Qabridahar qalaafiyo illaa wabi qalaal kiisa.
Qaridii shilaabiyo caleen qudhacdii laasoole.
Qaad qaadalay iyo illaa jidhacle qawgiisa.
Qoraxay ninkaa dagi jiriyo quruxdii weeraale.
maantana qoxootige noqdee quudka lagu siiyo.
Ee hadana qisaasaneen lahayn qiimo nololeedba.
Qaraw weeye gabayguu tirshaa aan qabsi lahayne.
Qoolaydii qoorqabad layidhi way qudh qudho diiday.
Qaabudeedii baan marahayaa qabayna qiil waaye.
Qalacaada iga daa abwaan iyo qadaad riixa.
waxna haatan kuu qarin mahee ways qadima yaaye.
jawaabtii danbeed sooqortaan qoomamaa xigiye.
Nin junuun qabaa bari layidhi qaalin la abraaray
Ee sii qoslaan wadanahaye dib isu qiimeeya
Ana hay qordoofine murtiba ooma helin qiile.
Gabaygan markaan tiriyay madhawayn waxay ahayd 2015
Qadar dhacay canaan malle haddaan qalad lasheegayne.
Murtidaan qarsaday ee waxbadan ii qabsami wayday.
Oon qiil u waayoon cabbaar diiday qoris teeda.
Oo wakhtigu qasbaayoo xiligu igu qadaad riixay.
Oon maanta qarinwaayaybaan soo qadimayaaye.
La qabsada qalloocaa jiraan qodob ka faalayne.
Qasnadayda subaxaan furfuri een murtida qeexi.
Gabay aan qorshaysnayn ma diro ama qiyaasnayne.
Qabbirkana waxaan kaga furaa qiil markaan helo'e.
Maantana qishbaan helay murtida aan la qaabilo'e.
Qassadkaygu waa meel baryahan maansaddaan qoriye.
Qoladaa jigjiga yaan murtidan ula qastaynaaye.
Qoraxay shilaabiyo illaa qudhacdii weeraare.
Qorrax iyo qamuudiyo dhulkay qadaw kafoofayso.
Qabridahar qallaafiyo goday wabi qalaalkiisa.
Quruxdii wardheer qaaliyoo qawdho iyo duur leh.
Qulunquul awaariyo dhulkaa ay qulquli laagtu.
Qubbi iyo afdheer iyo illaa qooxle aggihiisa.
Qabri bayax qaboobeey jigjiga adari qawgeeda.
Qarri iyo illaa faafan iyo qorof yadaa hoose.
Dhulkan qiimahaalee annaga qaadir nagu uumay.
Qaaraddana u wacan ee allaah qaybta nagusiiyay.
Ee dheeman oo laga soo qodtiyo dahabka qaydhiinle.
Dadkiisuna qaxaayee dunida qaarba dhinac aaday.
Quwadaha shisheeyaa nabbaday qiimo yaridaase.
Bulshaduna qabdiriroo marabbin qudhun ka hooseeye.
Quudhsiga rag diidaayaybaa qaatay waran kiiye.
Qadaad riixna lama yeelin iyo qaata amar gaal'e.
Gumaysina qabow nagama hellin quusna naga waaye.
Qaarbaase naga raacayoo qaybshay taladiiye.
Waana waxaan la qiirays naheen maanta qoonsadaye.
Ayagaa minjaha noo qabtoo noo qabiray gaal'e.
Qilaafkiyo is qaban waaga iyo qoys u kala taagga.
Qabiil sheegga reer hebal qabsiga qool isugu dhiibka.
Wax kastoo qilaaf keenayey nagu qasbaayeene.
Qasad maleh qofkii maanta dhaha quudhsi laheshiiye.
Qaadiyo qarshiyo waa iblays noo qabiray gaale.
War qawlay satadan qaawaneen quud lacuno haysan.
Qas-nad ooma buuxdee bilaash bay la qayliniye.
Qaranjira sidiisii waxaa qubaya been beenta.
Ayagaa qallaal saaranoo qow kafoorara'e.
Itoobiyana way kala qaxdoo dhimayay qaynuun'e.
Qoladaa hallow deen lasocon qaabkuu yahay xaalku.
Waa qaafiliin aan wakhtigu uba qiyaas nayne.
Qardo jeexid mooyee wax sugan kumaba qawlaane.
Qaadhaan baanu bixin toodu waa qarow ku sheekayne.
Qabsi maleh qof waalani hadduu waan qudbayn dhoho'e.
Waxan ay quffaayaan markaan yarehe qiimeeyay.
Waa qisaas kalloo ay bulshada oogu qiildayane.
Qar qarsiga kussii dhuujiyiyo waa qab jabin tii'e.
Waa gumaysigaad qoon sateen maanta qaabilla'e.
Waana qala lo'diiniyo adhyaha qasabna weeyaane.
War qudh gooyadoodii horiyo qawraciyo laynta.
Quustiyo waxaa nooga daran qiimo dilis taase.
Qafal xumada ay nagu hayaan qoladan aafaysan.
Dagaal loo qorsheeyiyo haddaan weerar lagu qaadin.
Qaran aan helniyo dawladnimo kuma qoslaysaane.
Qalxidhkaa gumaysiga unbaa nagu qadtaaraane.
Qoxootiga ahaadoo qurbaha qaadka wada ruuga.
Afartaasi waa qiiro galin qoomkan foorar'e.
Waana quudhsi diidoo tigree haw qushuucina'e.
Afarkale qardabadaa jirtaan sii qarxinayaaye.

Wax qabsaday dadkiinaa qarsani waad qayiran teene.
Mana qoon sataan oo dhib kaba waad ku qanacdeene.
Qafal xumo madiidaane show waad u qalantaane.
Anumbaase qaylinahayoo qubaya suugaane.
Ma qofwaalanbaan ahay maxaa qoofka igu tuuray.
Mise duul qarriban baan is idhi qawlka maqashiiye.
Dadkii talada qiimayn jiriyo qoomkii baa tagaye.
Allahayow qarnigan ay bulshadu qaafil wada joogto.
Qofkastaana uu qaa'ib yahay qolofna ii muuqdo.
Ee wada qalfoof madhan noqdaan qiiro galiyaaye.
Qaddar baanadhacay oo wakhtigu igu qadaad riixye.
Qassaaraanan joogaa dad kuna ii qabsami waaye.
Kalligay qaracan baan u dhiman qoomamiyo ciille.
Qiiro galiyay eegana murtida waan qabirayaaye.
Qofwalowba qaadaa dhig oo hadalkan qiimayso.
Haddii kale gumaysiga qarsada waad qayiranteene.
Tixdii Quudhsi-diid Iyo Ibnu Cagayare
Ma qorshaysan maansaba baryahan qoritinkeediiye.

Qalbigayga kuma hayn inaan qaado hilin kaase.

Murti qiimaheed wuudhintoo way qadhaadhahaye.

Qofkastaba markuu sheegtayee magac abwaan qaatay.

Eey ruux qadarin wayday baan saaray quful wayne.

Hayeeshee aduun yada waxaan qoonsadaa jira'e

Qalbigaygu wuxuu diida ee qiiro igu reeba.

Indhahaygu goortay qabtaan qaraxday laabtiiye.

Qalad dhacay markii aan arkaan kaga qisoodaaye.

Markaasaan qadimayaa murtidii igu qarsoonayde.

Caawana ninbaa igu qasboo waan uqiil dayane.

Qoraagii ismaaciil calaa keenay qodob wayne.

Qormadii uusoodhigay hadaan qayb kafalan qeeyo.

Quman iyo tixdii looqoree quusta kahad laysay.

Qisadaa xanuun kaleh ninkii gabay kuqiimeeyay.

Nus qarnay ahayd maalintuu maansadaa qoraye.

Qarankiina wali maynan helin qoomkii barigaase.

Qalaafiyo sidiibay jigjiga uga qaxaayaane.

Qoraxay sidii bay dadkii ugu qaraacaane.

Qarri iyo sidii bay afdheer qudhun ujoogaane.

Quudhsi iyo sidiibuu wardheer qadaf uyaalaaye.

Sidiibaa dadkii loo qashaa qowyihii nogobe
Qabri dahar sidiibaa dadkii qawrac loomarine.

Qoxootiyo sidiibaan unahay qiima li'idiiye.

Qarfahay sidii ugu jiraan ciidankii qarane.

Qadar dhacayna lamaqoon sadoo waalaguu qore.

Qarni iyo wax dheer buu duligu nagu qandoodaaye.

Qoom kastaba danbiga uu galaa lagu qisaasaaye.

Qaadir baan baryaynaa hadoo qiil unbaa bixiye.

Guushuna qariib weeya'oo laydh qabow timide.

Itoobiya qabkeed wuu jaboo qayladaa bixiye.

Qabribaan aduun kagajiraye soobax qamarkiiye.

Qaaradaha inaan soogaluu qiray aduunkiiye.

Qaramada midoobaa lasugi inay cod qaadaane.

Wada hadal qabsoomaa jirooy qodobo yaalaane.

Markii qalinka lagu duugo waa qolaba meesheede.

Calankaygii qaranbaan markaa qaadanoo sudhiye.

Axmad qawlkii uu maalintaa quman usheegaayay.

Iminkuu qariib yahay hadaad igu qan caysaane.

Qaafil iyo ninkii diidayana qamar habeen kaahay.

Qarandidii markaa aragtayee kow kaqodob qaaday.

Qiyaasteedii oo kale unbaan ku qadaraynaaye.

Qadaa dhigaagiyo murtidan ay qormadu keentay.

Ee qoraagii waynaa nayidhi gabay kuqiimeeya.

Inkastoy qallayf igu ahayd maanso qorideedu.

Qalbiguna cabbaaar diidayoon dood ku qanac siiyay.

Qalqaloocna uu igu jiroon gabay qurxoon waayay.

Qiyaastayda saasaan udhigay qeexiddii gabay'e.

Qalad iyo wixii laaxin gala qodobadaan sheegay.

Haygu qoonsanina waa gartay waxaan qaloocshaa'e.

Tixdii Qardoofe Iyo Ibnu Cagayare
Gabay qoritinkiisiyo inaan qodob kafaaloodo

Qarniyadan waxaan uga tageen qiilba ugu waayay.
Ee qalayf kadhigayee baryahan igu qadhaadheeyay.

Qardo jeexa weeyiyo murtidan la'isku qoor goyne.

Marhadaan qiyaas loo dhig dhigin qodoba meeshiisa

Oon gabaygu qaafiyad lahayn qumaya booskiisa

Amaan yool laqabad siinin iyo eray qusaynaaya.
Oo layska soo qubo midaan looba qiil dayanin.
Qalad lagama waayoo murtidu way qariban taaye.

Qasadkaan kaleeyahay hadaan qeexo hadalkaygan
Qorax soobaxdoo kale wax'oon abid qarsoomaynin.

Ruuxa been kaqorayee hadana gabay kuqiimayni.

Waa qalad nin taageer san iyo cadaw qarsoonaaye.

Anigoo qadarin baan digniin qaado leeyahay

Qarniyaal gumaysiga kajiray qaali iyo faafan.

Qudhgooyada dhextaalee wardheer qaraxdo baaruudu.

Qalaafiyo awaarana dadbadan ruuxda lagaqaaday.

Dadkan lagu qamaaree sidii xoolo loo qalayo.

Ee Qawrac lagu jiidayee qooqa lagu laayo.

Ee kala qaxdee dunidan idil qaarba dhinac aaday

Ee lagu qabiray jeelashee quudka laga gooyay

Gaalada qudhmuun iyo nimuu cadaw qadhiidhaayo

Oo qaraabadiisii go'odoo dhiigu qubanaayo.

Oo qamuunyo haysoo ninyohow cadho laqiiraysan.

Iyo qaabka hadalkaagu yahay eed wax ugu qeexday.

Isma qaban karaynoo runtii waan qadhaadhahaye.

Qofkii aan ibaranee cabaar qooqa agahayga.

Ee qalfoof imoodee marnaba qoonsi iga waaya

Mar unbaan qabtaayoo dibbaan kala qadhaadhaan

Inta aad qadarin haysateen qoonsimaad imanin

Qadaad riixa iga dhaaf haddaan wada qoslaynaaye

Afartaa quwado loolamiyo qoonsi dirireed dheh

Qareenkii ogaadeenya iyo qodob su'aaleed dheh.

Gumaysigii is qaadqaadayoo jabay qabkiisii dheh.

Nimankii u qiil bixin jiroo quustay dabdeed dheh.

Qumay iyo afmiinshaar kiiyoo waayay qadadii dheh.

Quman oo farxaysiyo dadkoo qaatay calankood dheh

Qudhunkaa itoobiya haday naga qaxaysaaye.

Soomaalidan qaribanee minjaha noo qaqabanaysa.

Qadafkay nagaadhsiinayaan qaan dhawbaa xigiye.

Alow yaa qaraabooy kudhaha qooqa naga daaya

Afarkale qabaar aan helaan qodob kafaa layne

Jigjigiyo qaracan keedu waa midaan qaboobayne.

Awalbaa dad lagu qawriciyo qaxar kataag naaye.

Qadarkii allaahbaa kudhacay qoom halaag samaye.

Qoysas baa rogmaday baa layidhi togagna qaadeene

Inkastoo nalooqoray wixii ruuxda naga qaadi.

Qisaas nalaga goynbaa jirtee qaadir aan barino.
Tixdii Qadar-dhacey Iyo Ibnu Cagayare
Qadar dhacay canaan malle haddaan qalad lasheegayne.
Murtidaan qarsaday ee waxbadan ii qabsami wayday.
Oon qiil u waayoon cabbaar diiday qoris teeda.
Oo wakhtigu qasbaayoo xiligu igu qadaad riixay.
Oon maanta qarinwaayaybaan soo qadimayaaye.
La qabsada qalloocaa jiraan qodob ka faalayne.
Qasnadayda subaxaan furfuri een murtida qeexi.
Gabay aan qorshaysnayn ma diro ama qiyaasnayne.
Qabbirkana waxaan kaga furaa qiil markaan helo'e.
Maantana qishbaan helay murtida aan la qaabilo'e.
Qassadkaygu waa meel baryahan maansaddaan qoriye.
Qoladaa jigjiga yaan murtidan ula qastaynaaye.
Qoraxay shilaabiyo illaa qudhacdii weeraare.
Qorrax iyo qamuudiyo dhulkay qadaw kafoofayso.
Qabridahar qallaafiyo goday wabi qalaalkiisa.
Quruxdii wardheer qaaliyoo qawdho iyo duur leh.
Qulunquul awaariyo dhulkaa ay qulquli laagtu.
Qubbi iyo afdheer iyo illaa qooxle aggihiisa.
Qabri bayax qaboobeey jigjiga adari qawgeeda.
Qarri iyo illaa faafan iyo qorof yadaa hoose.
Dhulkan qiimahaalee annaga qaadir nagu uumay.
Qaaraddana u wacan ee allaah qaybta nagusiiyay.
Ee dheeman oo laga soo qodtiyo dahabka qaydhiinle.
Dadkiisuna qaxaayee dunida qaarba dhinac aaday.
Quwadaha shisheeyaa nabbaday qiimo yaridaase.
Bulshaduna qabdiriroo marabbin qudhun ka hooseeye.
Quudhsiga rag diidaayaybaa qaatay waran kiiye.
Qadaad riixna lama yeelin iyo qaata amar gaal'e.
Gumaysina qabow nagama hellin quusna naga waaye.
Qaarbaase naga raacayoo qaybshay taladiiye.
Waana waxaan la qiirays naheen maanta qoonsadaye.
Ayagaa minjaha noo qabtoo noo qabiray gaal'e.
Qilaafkiyo is qaban waaga iyo qoys u kala taagga.
Qabiil sheegga reer hebal qabsiga qool isugu dhiibka.
Wax kastoo qilaaf keenayey nagu qasbaayeene.
Qasad maleh qofkii maanta dhaha quudhsi laheshiiye.
Qaadiyo qarshiyo waa iblays noo qabiray gaale.
War qawlay satadan qaawaneen quud lacuno haysan.
Qas-nad ooma buuxdee bilaash bay la qayliniye.
Qaranjira sidiisii waxaa qubaya been beenta.
Ayagaa qallaal saaranoo qow kafoorara'e.
Itoobiyana way kala qaxdoo dhimayay qaynuun'e.
Qoladaa hallow deen lasocon qaabkuu yahay xaalku.
Waa qaafiliin aan wakhtigu uba qiyaas nayne.
Qardo jeexid mooyee wax sugan kumaba qawlaane.
Qaadhaan baanu bixin toodu waa qarow ku sheekayne.
Qabsi maleh qof waalani hadduu waan qudbayn dhoho'e.
Waxan ay quffaayaan markaan yarehe qiimeeyay.
Waa qisaas kalloo ay bulshada oogu qiildayane.
Qar qarsiga kussii dhuujiyiyo waa qab jabin tii'e.
Waa gumaysigaad qoon sateen maanta qaabilla'e.
Waana qala lo'diiniyo adhyaha qasabna weeyaane.
War qudh gooyadoodii horiyo qawraciyo laynta.
Quustiyo waxaa nooga daran qiimo dilis taase.
Qafal xumada ay nagu hayaan qoladan aafaysan.
Dagaal loo qorsheeyiyo haddaan weerar lagu qaadin.
Qaran aan helniyo dawladnimo kuma qoslaysaane.
Qalxidhkaa gumaysiga unbaa nagu qadtaaraane.
Qoxootiga ahaadoo qurbaha qaadka wada ruuga.
Afartaasi waa qiiro galin qoomkan foorar'e.
Waana quudhsi diidoo tigree haw qushuucina'e.
Afarkale qardabadaa jirtaan sii qarxinayaaye.

Wax qabsaday dadkiinaa qarsani waad qayiran teene.
Mana qoon sataan oo dhib kaba waad ku qanacdeene.
Qafal xumo madiidaane show waad u qalantaane.
Anumbaase qaylinahayoo qubaya suugaane.
Ma qofwaalanbaan ahay maxaa qoofka igu tuuray.
Mise duul qarriban baan is idhi qawlka maqashiiye.
Dadkii talada qiimayn jiriyo qoomkii baa tagaye.
Allahayow qarnigan ay bulshadu qaafil wada joogto.
Qofkastaana uu qaa'ib yahay qolofna ii muuqdo.
Ee wada qalfoof madhan noqdaan qiiro galiyaaye.
Qaddar baanadhacay oo wakhtigu igu qadaad riixye.
Qassaaraanan joogaa dad kuna ii qabsami waaye.
Kalligay qaracan baan u dhiman qoomamiyo ciille.
Qiiro galiyay eegana murtida waan qabirayaaye.
Qofwalowba qaadaa dhig oo hadalkan qiimayso.
Haddii kale gumaysiga qarsada waad qayiranteene.
Tixdii Quudhsi-diid Iyo Ibnu Cagayare
Sawdka gabey su'aashiyo murtida sahal u sheegeeda
Marna kuma sugnaatee hadaad surin banaan weydo
Sidee loo saxaa maansadii seegta marinkeeda
Afartaa sargooyada murtida sahashigeedii dheh
Suul-suulin hadal loo wadoo sabab la-aaneed dheh
Afarkale su'aalaha dambiyo waa silsilad dheere
Daahirow ragii sahanka direy ee ka sugi kheyrka
Ee wanaaga saadaaliyee sabanka qiimeeyey
Ee sib-raaradii dhaansadee qaatey sahey dooda
Ee iney soc daalaan rabee suumanka adkeystey
Ee iney siyaartaan dhulkii ama safraan maagan
Ha u suul dhabeynine dhulkii saadambey tagiye
Daahirow safkaagii tagyoo subaxba waa meele
Lama socotid howshee cidlaad sacab tumeysaaye
Sidii h**e indaad mooyiyeed sugi waxaan joogin
Inaad sumal sidiisii abwaan meel walbaba seegto
Oo sahey la-aan kugu dhacdaad sababsan doontaaye
Sirta ereyga sooyaalka h**e hadalka suugaanta
Soojire hadaad tahey wax badan baad sawira taaye
Lama solana waa tii layidhi hilib aan saafneyne
Sinbiriirixaa lagu jabaa sababtu waa mowde
Sad mawaayo ruuxii samrana saami wuu heliye
Sir maqabana waatii layidhi saabuu dhaansaniye
Sune faral ka weynbaa jiroo sugey rasuul-kiiye scw
Salaad ruux tukadey oon hadana sixin arkaan teeda
Sharciguu sitaa waa mid aan wadan saxii xiiye
Oo jidkii siraadh iyo mamaro surinkii dhuub naaye
Seero goys hadaa taheyna waad seegtey taladiiye
Intaad socoto eed nooshahaa sahey laqaataaye
Sakaraadka dabadii ma jiro waxaad sameysaaye
Hana sugin sujuud lala dhiciyo sawd lagaa qoriye
Sadaqana waxaa loo baxshaa saheydii weeyaane
War dadyohow sarmaan lama dugsado seydho qodaxeede
Oo lalama saaxiibo halaq sun iyo waabey leh
Su'aal malaha waatii layidhi sadarkii muuqdaaye
Wax walbaba sifey leeyihiin lagu saraad shaaye
Soor-yana waxaa lagu gartaa qaabka loo sido'e
Kala soocantiibuu wakhtigu saaka marayaaye
Saadaasha ii muuqatiyo sabanku waa kheyre
Sakal adag marbey naga gashooy nagu sillooneyde
Saxalkiisa waa laga bixiyo wixii nassaa raaye
Waxba yaanan sooyaalka wadin sabab la'aaneede
Daahirow sidaadaba waxbaa kuu sawira beene
Sahan adiga kuu maqan majiro oo war kuu sidaye
Surtii dhagaxa lagu sheegayaad dhiil u sida taaye
Sirta garo su'aalaha dambana adiga oon seegin
Ila soco silsilad baad furtoo waa sarbeeb xidhane
Tixdii Sahal-dhaqaaq Ibnu Cagayare
Shicir iyo waxaan gabay tirshoon aragtiday sheego
Ama aan shirqoolada kufriga shaarac yada keeno
Ama aan shisheeyaha qarsoon shaabbad wada saaray
Gaalada shirkoobiyo waxaan shiishay cadow geene
Qof shabbahay nassaarada intuu shaati kale qaatay
Shirki weeye aan iga mudnayn sharaf wallaa leede
Shoodhaha iblayskiyo waxaan sheegay daba dhoonka
Shareecada sidii lagu qiree sheegay nabigeenu (scw)
Shahaadoo laqaatiyo dagaal waa shuruud dhigane
Shucuubtii islaam kiyo waxaan shacabka guubaab shay
Shay ila gudboonaa waxaan shaaciyeen tabiyay
Inkastoo shucuurtaydu tahay shoolad gubanaysa
Shib waxaan u idhi baa jiroo igu shakaallaaye
Shuyuukh iyo shabaab iyo waxgarad shacabka soomaali
Murtidaad u sheegtaba haddaan lagu shifoo baynin
Iska shaacin maayee xigmada woy shin tiriyaaye
Hayeeshee shisheeyuhu intuu sheeda naga toogan
Ee dabkay shideen reer galbeed shacabka saameeyo
Shib ma dhihi karaayoo waxbaan sheeda ka arkaaye
Shirqoolada gumaysigu wadiyo kala shaxaad kooda
Siduu sheegay dhoodaan haddaan maanta laga showrin
Shantoo laysu keeniyo inaad sharaf heshaan daaye
Labadii shabeelbay haddana shaasho galiyeene
Wana kaa dadkii kala shakiyay shalay midays naaye
Shanba meel intii lagu xidhay yeey kala shiraayaane
Baarliin shaxdii lagu dhigayu inay shaqaynayso
Shaki maleh dadkeenaa middaa sheybo ka ahaaye
Shiddadooda way moog yihiin gaaladaa shiriye
Shaagii dhaqaaqaba wakaa ay shakarayaane
Wax sidaa shamsada oo kaliyo shaharka iimuuqda
Shoocaac hadduu idinka galay waa shuf taladiine
Somaalidan shisheeyaha qabsaday wada shaxaadaysa
Een shilinka mooyee waqood sharafba doonaynin
Wax u sheegidoodaa qalbigu ila shidmaayaaye
Xageen uga shiraacdaa intaan la'igu sheekaysan
Tixdii Shaxdii Baarliin Iyo Ibnu Cagayare
Darib iyo kuwuu dahab kacuney ama dilee laayey
Dambi ooma soo xidhin intey labo dibleeyeene
Cadow baa kussoo duuley aan wadin danteeniiye
Markii h**e kuwii nagu diree darajadaa saarey
Dadkaana dhameeyidhi intii nalagu soo daayey
Isna doqon xun weeyee is yidhi durugso meeshaada
Dusha sarana naga daawadee duudsi nagu heystey
Isma doorinine labada daran mid uun inaan doorto
Waa dabciga gumeysigu waqii nagu dulsaaraaye
Dadkeenana damiir kuma jiroo duul hurdaa nahaye
Ninkastoo durbaan tuma intaan xeesha dabataala
Iyo howluhuu damacsan yahey cidi daraaseynin
Yaa loo dabbaal dagi intey dumar u heesaane
Haddii uu abii “abey” daacad yahay raba daryeelkeena
Oromada dadkeenii dhameyn uma dulqaateene
Haddii uuse kii shacab dulmiyey dib u xissaabaayo
Cabdi-gaba kuwii soo diree maalka ugu deeqey
Ee dadkaaga soo laa ku yidhi daacad baa tahaye
Ee doqonka nagu soo dalbee daba istaagaayey
Ee duudsi nagu leyn jiree duugey sharafteena
Ee nimaan waxbaba diidi karin dabin u qoolaayey
Dambi looma heystee waxaa nacas dillaal qaatey
Xabsi loogu diriyeen maxkamad laga dacwey neynin
Ee dowlad deegaanka iyo madaxda loo doortey
In la dili ninkaa ama laxidhi talada loo deynin
Waa daliil caddeyn kara inuu duudsigii jiro’e
Yaa abii damiin nooga dhigey oo u direy howshan
Danaheena gaarka ah maxaa dooda loogalini
Maamulada maxaa naga duwoo loo leysu dabayaaci
Dal shirka’a miyaa jira maxaa dahabka ciideyda
Loo wada damaaciyi hadey daacadnimo taalo
Waxba yaan damiir laawahaa maanta loo dudine
Inkastoonan dooneyn ninkaa cadow kussoo duuley
Ooy aheyd dambiilaha inaa shacabka loo daayo
Waxaa aniga taa iiga daran oo qalbigu diidey
Dalkan leyska maamulan hayee sidii la doonaayo
Kolba lagu dayaayee laheyn dow laraacaba’e
Dadkeygow is weydii maxaa tolow danbeyn doona
Tixdii Duudsi Iyo Ibnu Cagayare
Muudduu dhurwaaguba ku ciyo waynu maqalaa'e
● Adhiguna macaac wuu dhahaa mana fahmaysaane
● Wax kastoon mucarrif loo aqoon malaha sii raac'e
☆ Mandhuuqaan mafhuum lagu gartiyo aan macnaba keenin
● Waxaan ugu mashquulaa adeer waa muraad lumise
● Middan "beenu raad ma leh" ayaan kuba maslaynaa'e
● Wuxuu mala awaalaba Tigree marin-gaf weeyaane
☆ Mooryaantan sacabbayna waa wada majnuuniin'e
☆ Mijin qaad ahaa loo gadoo waa macaan jecel'e
Mudanaha kan lagu sheegayana mukharrib weeyaane
Waa mid kaannu eednee bulshada dhoobay milicdaase
☆ Madfac samada uga soo dagiyo miino-kala-goysay
☆ Mufsid gaal'a lama waariyee malag ku-soo-xaadir
☆ Magac xumada wuu nala bartiyo mahadho ceebeede
☆ Maantana muxuu soo wadaa qudhun madhoodhaysku
● Afartaa majuusiga xun iyo maanta suu rabo dheh
● Muctullada u dhaantaynayiyo malafsigoodii dheh
● Cagayare ma maatee rag uu mariyay seeftii dheh
● Abwaannada is-mara-saarayiyo kala madh koodii dheh
☆ Afar kale masiir xumadanada milicsigeedii dheh
☆ Soomaalidan la meeqaan dilee mudatay hoogaa dheh
☆ Mahiigiyo Gabrahan maamulee loo mareeg sudhay dheh
● Maqsadkaygu meel buu ahaa mohoshaday dii'e
● Maahmaahda soomaaliyeed way mug wayn tahaye
● Lax dhukanu abaar moog wax badan baydun maqasheene
● Soomali baa halkaa mari dhammaan maanta say tahaye
● Mid kaloo ka daran baa jirtoo maanku tabayaa'e
☆ Madax iyo masuul iyo Abwaan male dareenkii'e
☆ Ugaaskii la maamuusi jiray waa macaan jecele!
☆ Muraad gaalo yay fulin hayaan kuna mashquulaan'e
☆ Mid kastaba adaa mudan intii loogu madax buuxsho
☆ Maslaxada dadkiisana si kale loogu mara saaro
☆ Manfac laga xishoodana la dhoho maalkan adigaa leh
☆ Qabiilkana asaga loo maroo lagu muraad gaadho
☆ Markaasuu mid baas iyo intuu balo madow keeno
☆ Siyaasigan maroorana ka dhigo kii u mudan reerka
☆ Kanaa noo matali dawladiyo muran la soo boodo
☆ Siidaasuu ku meel-marin mid kay cadowgu maageene
☆ Asna waa maqaar saar nin kale meesha keensadaye
☆ Mabda'a iyo ujeedaba malaha wayska mudutuul'e
☆ Makaroofan weeyaan cod maro oon macna lahayne
☆ Dadka madax u haystee kuwaa madal u soo joogsan
☆ Ee markuu hadlaba mudane iyo sacab ku maamuusi
☆ Een marqudh'a is-waydiin muxuu noo qabtoon aragnay
☆ Muquunada kuwaa daba socdee maanka laga qaaday
☆ Dib markaan u sii milicsaba waan la murugoone
☆ Laxda dhukan waxaan ugu matalay uguna miisaamay
☆ Intaasoo marxaladood dadkaa maraya weeyaane
☆ Bal maarayn u daydaya mid kale yaan idiin marine
● Afartaa mushkulad aan arkhiyo murugadaydii dheh
● Soomaalidan macna beeshay iyo meeshu xaal mari dheh
● Afar kalana waa mudanka gabay mahadhadiisii'e
● Markay murugto xaajadu intii la isku meeraysto
● Abwaan baa u maarayn jiroo erayo miisaama'e
● Intii uu ku maansoodo oo uu maslaxa doono
● Midda uu yidhaahdaa mar qudha lagu maqsuudaa'e
☆ Maantana Abwaanadu tixdii kuma madiixaane
☆ Ayagoo mushkuladdii arkay madaxa laabtaane
☆ Waxay ooga maateen ma garan ugana maagaane
☆ Murtidii baryahan way dhigeen milicsigeediiye
☆ Mid kastoo damcoo marin rabana wuu maldahayaaye
☆ Meel aan looga baahnayna wuu ula mushaaxaa'e
☆ Mudac aan makhraatiga lahayn mu'akidkii waaye
☆ Mad-daliilu? baa kaaga filan kii maslo keena
☆ Ee hadaad martabadaad lahayd maagad uga baydho
☆ Murtidana cid baa muran ku galin loogu mohon waayo
☆ Mulxidkiyo majuusigana aan maanso lagu sheegin
☆ Meeqaankii gabay waa dhintoo seegyay marinkii'e
☆ Maxaan kaga mashquulaa haddaan ruux maqliba joogin
Tixdii Mucalaq Iyo Ibnu Cagayare

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when FikirAbwaan.Com posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share